Tuesday 1 February 2011

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo falkii shalay ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku laayeen dad shacab ah ku tilmaantay mid ula kac ah

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Shiikh Cali Max’uud Raage (Shiikh Cali dheere) ayaa sheegay in falkii shalay rasaasta ka dhacday ciidamada dowlada Somalia ee qasaaraha badan ee dhimashada iyo dhaawaca ah u geysatay dad shacab ah uu ahaa mid ula kac ah, ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta magaalada Muqdisho.
Waxaa uu intaa ku daray Shiikh Cali dheere in dhacdadii shalay ay qeyb ka tahay qorshe ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay si Wadajir ah u wadaan oo lagu leynayo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay ciidamada Al shabaab iney u aar gudaan shacabkaasi Soomaaliyeed ee la laayey xanuun badana taabsiyaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...