Saturday 19 February 2011

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay xarigga Maxamed Dheere iyo banaanbax looga soo horjeedo oo…

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inay sax tahay tallaabada xarigga ah ee ay ciidanka dowladda KMG qaadeen Maxamed Dheere iyo saraakiisha kale ee lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday dadkii banaanbaxayey.

Xildhbaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xariggaasi, isla markaasna ciidamada dowladda KMG ay xaq u leeyihiin sida uu yiri inay soo xiraan cid waldiba oo la tuhmo inay dembi gashay, wuxuuna si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday kooxihii banaanbaxayey.

Xildhibaan Salaad waxaa kale oo uu sheegay in cadaaladda ay kala saari doonto sida uu yiri tuhunka loo heysto raggaasi oo haddii aysan wax dembi ah laheyn la sii deyn doono, haddii kalena la marsiin doono waxa ay ciqaab ahaanta u leeyihiin marka lagu helo inay galeen dembiga lagu soo eedeeyay ee ay haatan u xiranyihiin.

Dhinaca kale banaanbax looga soo horeeday xarigga Maxamed Dheere iyo saraakiisha kale ee la xiran ayaa waxaa magaalada Muqdisho dad taageerasan Maxamed Dheere, kuwaas oo dalbanayey in la sii daayo.
Sii Akhriya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...