Sunday 20 February 2011

Deg Deg: Dagaal Culus Oo Ka Bilowday Deegaanka Kalshaale

Buuhoodle (RBC Radio):- Wararka goor dhoweyd naga soo gaarey degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn ayaa ku soo waramaya in dagaal culus oo saaka ka bilowday deegaanka Kalshaale.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu u dhaxeeyo ciidamada Soomaaliland iyo maleeshiyaadka deegaanka, waxaana dagaalka la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.
Ma jirto cid si rasmi ah u cadeyn karta khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kala gaarey, maadaama dagaalku uu bilowday goor dhoweyd ilaa iyo iminkana uu socdo, waxaana deegaanka lagu dagaalamayo isaga qaxay shacabkii deganaa oo ka baqay in halkaasi dhibaato ka soo gaarto.
Wararkeena dambe kala soco wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...