Sunday 18 December 2011

DEG DEG: Wariye Caan ah oo Goor Dhow Muqdisho lagu Dilay


 
Share
Muqdisho (RBC) Allah ha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho lagu toogtay wariyeC/salaan Sheekh Xasan [Xiis] oo ka mid ahaa suxufiyiinta caanka ee Soomaaliyeed.
Wariye C/salaan Xiis ayaa kooxo hubeysan waxay ku weerareen bartamaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho xilli uu ka soo laabtay xafiiska telefishanka Horncable ee Muqdisho oo uu sanadihii u dambeeyey ka shaqeynayey.
Wariyaha ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ka dib markii dhowr xabadood ay madaxa kaga dheceen, hase yeeshee daqiiqado ka dib ayuu isbitaalka ugu geeriyooday dhaawacii soo gaarey.

Wariye C/salaan Sheekh Xasan – Xiis
Mid ka mid ah wariyaasha tegey isbitaalka oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in markii uu gaaray isbitaalka loo sheegay in wariye C/salaan uu naf baxay.
Lama yaqaano kooxaha dilkan geystay waxa ay ay ahaayeen. mana jirto cid ka tirsan DKMG oo ka hadashay dilkan.
C/salaan Sheekh Xasan [Xiis] wuxuu ka mid ahaa wariyaashii ka soo shaqeeyay Radio Banaadir iyo Radio Xamar. Wuxuuna sanadihii u dambeeyay ka tirsanaa telefishanka Horncable xafiiskiisa Muqdisho.
Allah ha u naxariisto wariye C/salaan Xiis.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...