Wednesday 7 December 2011

Doorkii Faroole iyo Masiibadii ka dhacday Boosaaso


 
Share
Maqaal: Doorkii Faroole iyo Masiibadii ka dhacday Boosaaso
Sainab Mohamud
Sainabn@hotmail.com
Soomaalidu waxay tiraahda “wixii kugu dhacayaa kun sano waa ka wayn yihiin” waa run waa meeshii ahayd “soomalidu been waa sheegtaa laakiin been ma maah maahmaahdo”. Wixii eebe qadaray lama celin karo, waana waajib in lagu samro, lagu cimri qaato, Eebana la weydiisto wax ka kheyr badan! December 2, 2011 waxay ahayd maalin xanuun badan, waxay ahayd maalin madow ee soo martay shacabka puntland, waxay ku reebtay shacabka nabaro hadii alle idmo lagu soo kaban doono
December, 2 waxay ahayd qadar eebe ka dib markii uu dab qabsaday suuqii weynaa. Suuqaas waxaa ku xirnaa shacab badan oo Soomaliyeed, sidaas awgeed waxuu dib u dhac wayn oo dhaqaale ku yahay umada soomaliyeed gaar ahaan shacabka ku nool goboladaas. Waxaa marag ma doonta ah in ay ku cayrooben shacab badan oo nolol maalmoodka kala soo bixi jiray suuqaas si ay ugu daboolaan baahida noloshooda iyo caruurtoodaba.! Waxaan eebe u waydiinaynaa dadkaas masiibadu ku dhacday in ilaahay meel ka kheyr badan ka siiyo hantida ay ku waayeen wixii wax ku noqdana ilaahay u booga dhayo! Laakiin su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye hadii dhibka dhacay aaway doorkii maamulka? Masuulka meesha ugu sareeyaa ma booqday dadkii dhibtu ku dhacday? Maxaa qaldan? shacabka maxaa la gudboon?
Jan 2009 markii Mr Farole hogaanka u qabtay dadka yaqaanaa waxay isku raaceen in lagula kufay talada umada taasna waxaad moodaa in ay dhabowday. Tan iyo intii Farole hogaanka qabtay waxaa dhacay dhibaatooyin fara badan oo aan la soo koobi Karin oo  isugu jira dil, bur bur dhaqaale, iyo dagaalo sokeeye oo aan horay looga aqoon gobolka. Waxa sidoo kale xusid mudan in farole u  hanqal tagayo in uu umada hogaanka u sii hayo isago oo isku halaynaya Garowe iyo 66ka shacabka u qoor qabta ee barlamanka sheegta.
Waxay shacabka Puntland mudan yihiin sharaf hadiiba ay u dulqaateen Farole iyo wiilashiisa  mudo 3 sano ah sidaas awgeed inta ka hartana ha loo dulqaato Waayo waa tegi doonan eebana wa hor tegi doonaan…Xasuuso Sadam, qadafi iyo wiilashodii?? Mr. Farole Waxaan dhihi lahaa wixii horeba ka soo tagoo “farolow markii alle kuu qoray ayaad dhiman  umadii masiibadu ku dhacday xitaa ma soo booqan wayday?” Bosaso ma canshuura kaliya ayaad ka sugtaa, miyaanay ka  mid ahayn gobolada iyo dadka aad u dhaaratay? Wadanku ma Garowe kaliyaa? Waxaa la yaaba markii Bosaso shacabkeedu baroor diiqayeen in uu gaalka madow ee “Mahiga” uu garowe qado ugu samaynayey…waa yaab iyo yaabka yaabkiis!
Isku soo xoriyoo  waxaa hubaal ah in puntland iyo shacabkeedu soo mareen xiligii ugu adkaa marka laga eego xaga amniga, dhaqale bur burka iyo maamul xumada, sidaas awgeed farole waxaa la dhihi karaa waa shaqsigii ugu nasiib iyo xukun xumaa ee soo mara goboladan! Allow mid kaloo ka roon…aamin
Sainab Mohamud
Sainabn@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...