Wednesday 21 December 2011

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka KMG oo Taageeray Xilka Qaadistii Shariif Xasan

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka KMG oo Taageeray Xilka Qaadistii Shariif Xasan

Share
Muqdisho (RBC) Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka KMG Soomaaliya Axmed Dhimbil Rooble (Casawe) oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho wuxuu ku taageeray xilka qaadistii mudanayaal gaaraya 280 ay xilka uga qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Axmed Dhimbil ayaa sheegay in isagu uu maqnaa markii uu dhacayey kulankii baarlamaanka ee 13-kii bishan xilka looga xayuubiyey Shariif Xasan Sheekh Aadan, hase yeeshee markii uu yimid uu arkay in kulankaasi uu ahaa mid si sharci ah ku dhacay.
“Markaan eegnay diiwaanka iyo tirada mudanayaashii yimid kulankii 13-kii Disembar wuxuu ahaa mid sax ah oo si sharci ah ku dhacay.  Shariif Xasan waa gudoomiyihii hore ee baarlamaanka” ayuu yiri Axmed Dhimbil.
Wuxuu intaa ku daray in hawsha baarlamaanka ay sii socon doonto isla markaana la dooran doono gudoon rasmi ah waqti dhow.
Wuxuu sheegay in kulamada baarlamaanka ay hadaba socdaan, isagioo xildhibaanada ugu baaqay inay shaqadooda qabsadaan.
Hadalka uu maanta bixyey Axmed Dhimbil Rooble ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyey ee dhanka baarlamaanka oo taageera go’aanka xilka qaadista ee mudanayaasha 280 ku dhawaaqeen 13-kii bishan.   Walow madaxweynaha iyo Shariif Xasan ay diideen go’aankaasi.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...