Thursday 15 December 2011

Isha Qarsoon(IQ): Caydh abuurtay caydh kale, dabargoynta noloshii miyiga


Wq. Cabdillahi Cawed Cige

December 14, 2011

Intii na aan war u hayn caydha Ingiriisku bixiyo waa silic, boqol doollar oo nolol-maalmeedku ka qaalisan yahay ayaa qofka keligii ah toddobaadkii la siiyaa, reerka na waa looga yar sedburiyaa. Ujeeddadu waa yaanu qofku bakhtiyin, Soomaalida se waa u nolol, aan idhaahdee nolol way dhaaftay oo waa ba u dhaqan.
Sida loo kala ubad badan yahay ayaa loo kala caydh badan yahay, loo kala hagbad urursi badan yahay, loo kala daaro dhisasho badan yahay. Mustaqbal waxa leh qofka dalkii guri shan qol ah oo marmar leh, daaraddiisu na hadoodilan tahay ka dhista ayaa bulshadii Ingiriiska u soo qaxday is dareensiisay.
Magaalada Burco, oo aan muddo bil ah fadhiyay, waxa aan indhahayga ku soo arkay khasaaraha qarsoon ee caydha Ingiriisku abuurtay. Meel wal ba daar naqshad xun, jidka sidii la doono loogu gooyay ayaa laga taagay. Qoyskaas dhistay intii miyiga ka joogtay oo xoolihii yaraa ee ay ku nabnaayeen laga soo fujiyay ayaa lagu soo xereeyay. Burco kolkii ay ka soo tooseen ayaa xawaaladaha lagu ballamiyay. Caydh dadkaas in laga soo dhigay cidi ma dareensana, kii soo raray iyo ka la soo raray midna ba. Sida runtu tahay in wax loo qabtay ayaa ba loo haystaa.
Goor casar ah ayaan xaafadda Hodan Qaylo, meeshii aan ku koray, oo hooyaday deggan tahay u kicitimay. Jid aan moodayay inuu furan yahay, jidad wada balballaadhan ayaan ku ogaa, ayaan baabuur soo mariyay mise dhagxan baa ku go'an. Waan soo kala jeestay oo riyo aan baabuurta ka gabban hoonka ku garaacay. Guri dhagax ah oo albaab bir malaasan ah oo aad mooddo in jeel loogu talagalay ku samaysan yahay ayaa degdeg loo furay. Nin baa qaarka sare kala soo baxay oo indho cascas si 'ku garanmayno' ah iigu eegay, inuu i haybsado ayuu ku sigtay ayaan is idhi. Dhaar haddii aan ku maro in ninkaas golihii geela aan ka kiciyay dembi iga ma raaceen. Waa tabtaas oo miidhan bulshada caydha ah ee magaalada lagu soo xereeyay.
Shaadh cawlan, cilmi yari iyo maarayn la'aan habka magaalo loogu noolaado ayuu reer miyiga soo barakacay ku soo kordhiyay magaalooyinka Burco ka mid tahay. Jidadka dhan wal ba loo degay, deyrarka oodda lagu wareejiyay iyo lebbiska ka duwan ka bulshadu xidhan tahay oo lala yaabaa waxay amaarad u tahay dhimashada dunta reer magaalnimo ee degaan lagu yaqaannay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...