Sunday 18 December 2011

Madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Go'aan kasoo saaray xil ka qaadistii Shariif Xasan Sheekh Aadan


Madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Go'aan kasoo saaray xil ka qaadistii Shariif Xasan Sheekh Aadan 
 


Axad, December 18, 2011 (HOL) − Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay ka yeesheen khilaafka baarlamaanka ee xilka looga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan waxay soo saareen warsaxaafadeed ay ku dalbadeen in baarlamaanka uu shaqadiisa dib u billaabo lana dhowro axdiga KMG ah iyo heshiiskii Kampala.
Warsaxaafadeedka xukuumadda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in iyadoo la tix-gelinayo marxaladaha siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku jiro ay maaxda DKMG ah la yeesheen kuammo wadatashi ah qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka iyo beesha caalamka si xal looga gaaro khilaafkan ayna isla garteen qodobbadan soo socda:
  1. In baarlamaanku bilaabo kulamdiisa si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah
  2. In la tixgeliyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo
  3. In la raaco sharuucda baarlamanka iyo xeer hoosaadyada
  4. In la dhowro heshiikii Kampala (Kampala Accord)
  5. In la dhowro axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed
Madaxda dowladda KMG ah waxay sheegeen in go'aanada ay gaareen ay saldhig uga dhigeen axdi KMG ah ee Soomaliya iyo shuruucda kale ee dalka, sidoo kalena ay tixraaceen heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo tabogelinta Roadmap-ka.
Sidoo kale, madaxda dowladdu waxay warsaxaafadeedka ay soo saareen ku xuseen in shaki laga muujiyay qaabkii loo maray kulminta baarlamanka iyo tirada codaysay mooshinkii xilka looga qaaday Shariif Xasan.
Ugu dambeyn madaxda dowladda KMG Soomaaliya waxay xuseen ni qodobbada ay soo saareen ay gaareen iyagoo tix-gelinaya isla markaana ixtiraamaya madax-bannaanida baarlamanka.
Go'aankan oo u muuqda mid lagu laalay xil ka qaadistii Shariif Xasan ayaan la ogeyn go'aanka ay ka qaadan doonaan 280-kii xildhibaan ee u codeeyay inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay inuu isagu weli yahay afhayeenka ramsiga ah ee baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...