Saturday 3 December 2011

Madaxweyne Ismaacil Gelle: Xilka Madaxweynaha Marka Lagaaro 2016-ka Ayaa iigu Dambeesa


Share

Madaxweynaha Djibuti Ismaacil Cumar Gelle
Madaxweynaha Djibuti Ismaacil Cumar Gelle
Djibuti (RBC) Madaxweyna Jamhuuriyada aan walaaha nahay Djibuti Ismaacil Cumar Gelle ayaa daaha ka rogay marka la gaaro 2016-ka in uu gabi ahaan xilka isaga dagi doono, dib dambana uusan kursiga u fadhiisan doonin.
Madaxweynaha ayaa warkan waxa uu siiyay jariirada toddobaadlaha ah ee ku soo baxda afka faranskiiska Jeune Afriqueku waxa kaloo madaxweynaha uu sheegay in uu noqon doonaa markaas odey soomaaliyeed.
“Marka lagaaro 2016-ka waxa ii qorsheesan in aan xilka ka dago,waayo saddex jeer ayaan doorasho u tartamay markan waa tii iigu dambeesay,” ayuu yiri Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.
Dhina kale, Madaxweynaha Djibouti waxa la weydiyay xilka dalkiisa uu ciidamo u diraayo Soomaaliya
Waxa uu yiri “Djibuti waxa ay ka qeyb qaadan doonta xal u raadinta Soomaaliya iyadoo ku biirasa Uganda, Burundi iyo Kenya kuwaas oo howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ka wada Soomaaliya,” ayuu yiri
Wariyaha ka shaqeeya wargeeska Jeune Afriqueku ayaa weydiiyay taas in ay usahli karto Al-Shabaab in ay soo weeraraan dalkiisa
Waxa uu tilmaamay madaxweynaha Djibuti in ay tahay wax markasta dhici karaa laakin ay ka foyijigan yihiin oo ay ka hortagi doonaan weerar kasta oo ka yimaada dhinaca Al-Shabaab.
Madaxweynaha Djibouti ayaa siddoo kale waxa uu kahadlay qatarta ay lee yihiin burcad-badeeda Soomaalida ee maraakiinta ganacsiga ka afduubto xeebaha Soomaaliya, waxa uu xusay madaxweyne Ismaacil Cumar Gelle in loo baahan yahay awood caalami ah oo meel saarta kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.
Hadalka Madaxweynaha ayaa meesha ka saaraya in uu markale rabo madaxweynaha Djibouti in uu siihayo, tii oo ay jirto ayaa madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle oo ah madaxwyenahii labaad ee soo mara Djibuti ayaa waxa la doortay bishii 8 May sanadkii 1999, markaas oo xilka uu ka kala wareegay Al-Xaaji Guuleed Abtidoon oo ahaa madaxweyneihii kowaad ee dalkaas soo mara sanadkii 1977-dii oo ah xiligii Djibuti ayu  ay xurnimo ka qaadatay gumeestahii Faranskiiska.
RBC-Radio Djibouti

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...