Sunday 11 December 2011

Qaraxyo ay Saraakiil Kenyaan ah ku dhinteen oo ka dhacay Wajeer iyo Mandheera.


Written by Administrator on .
Khasaara xoogan ayaa ciidamada Kenya kasoo gaaray qaraxyo maanta siyaaba kala duwan loogula eegtay gudaha dhulka Soomaalida ee dowlada Kenya xoogga ku heysato.

Maanta Duhurkii  ayuu qarax xoogan ka dhacay Kastamka magaalada Mandheera waxaana qaraxaasi lala eegtay kolonyo ay la socdeen gaadiidka Booliska dowladda Kenya.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa Mandheera ka dhacay ay ku dhinteen ilaa 10 Askari oo katirsan Booliska dalka Kenya, goob joogayaal ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidanka dhintay Meydadkooda lageeyay Saldhigga Booliska Mandheera.

Maanta Gelinkii dambe ayuu qarax kale ka dhacay magaalada Wajeer ee dhulka Soomaaliya Kenya, sarkaal katirsan Booliska ayaa xaqiijiyay in mas'uul katirsan ciidanka Booliska uu ku dhintay qaraxii Wajeer.

Magaalada Wajeer waxaa galabta kajiray xiisad dagaal kadib markii ciidanka laweeraray ay rasaas ku fureen wadada Halbowlaha u ah magaalada.

Dagaalka ay ayaa u muuqda mid gudaha dalka Kenya kusii faafaya xilli ciidanka Kenya ay weli duulaan ku yihiin dalka Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...