Friday 16 December 2011

Shirkii ay Yeesheen maanta Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigii UN-ka Maxaa Kasoo Baxay? [Warbixin]


 
Share
Shirkii Jaraa'id ee Madaxweyne Faroole iyo Wafdigii UN-ka
Garoowe[RBC Radio] Wafdi Ka socday Qaramada Midoobey oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland uuna hoggaaminayey Kuxigeenka Ergayga gaarga ah ee QM Soomaaliya Christian Manhal ayaa Shir la yeeshay Madaxweyne Faroole.
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa sida la sheegay Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo Xubno ka socday IGAD,waxaana ay kulamo albaabadu u xiran yahay ay la qaateen Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole.
Kulanka ka dib ayey Saxaafada u qabteen  Shir Jaraa’id gudaha Jaamacada PSU oo lagu qabanayo Shirka Wadatashiga,Kuxigeenka  Ergayga gaarga ah ee QM Soomaaliya Christian Manhal ayaa si kooban uga hadlay Khilaafka baahsan ee soo kala dhexgalay Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda KMG ah iyo Qabsoomida Shirka Wadatashiga ee gudaha Garoowe.
Mr Christian Manhal ayaa ku tilmaamay khilaafka Mudanayaasha Baarlamaanka DKMG ah in uu yahay mid xiligaan aan loo baahneyn ayna ku tala jiraan khilaafka sidii ay u xalin lahaayeen,wuxaana uusan caymin wakhtiga uu dhacayo Shirka balse tilmaamay in sida ugu macquulsan ku qabsoomi doono.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole oo isna kaga hadlay Shirka Jaraa’id arrimo fara badan oo kamid yhihiim Khilaafka Baarlamaanka DKMG ah,Qabsoomida Shirka Wadatashiga ee Garoowe iyo Gal-mudug ayaa sheegay in Shirku uu si rasmi ah loo qaban doono 20.12.211 oo ah maalin Talaado ah,wuxuuna Madaxweynuhu tilmaamay in haddii uusan maalintaas ku dhicin Puntland laga maqli doono war kale. ….”Talaado-Talaado-Taaldo-Talaado,waa inoo Talaado…”ayaa Madaxweyne Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole.
Baarlamaanka Dawladda KMG ah
Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ku tilmaamay khilaafka Baarlamaanka DKMG ah ee iminka dhexyaala mid aan wakhtigan loo baahneyn,wuxuuna buuqa iyo isqabqabsiga Xildhibaanada ku sifeeyey mid lagu doonayo in lagu majaxaabiyo Shirka la fialyo lagu qabto magaalada Garoowe waa sida uu yire.
Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uusan cid gaar ah eedeeyn usoo jeedinayn ha ahaado Madaxweynaha DKMG ah,Raysalwasaarah iyo Guddoomiyiha Baarlamaanka balse uu dhaliilayo kuwa buuqa iyo isqabqabsiga wada.
Gal-mudug
Mar uu soo hadal qaaday Madaxweyne Faroole in Gal-mudug ay sheegtay in aysan marnaba kasoo qeybgaleyn Shirka Wadatashiga ee Garoowe sababo amni oo jira awgeed ayaa waxa uu ku tilmaamay in ay Gal-mudug wado daandaansi iyo aflagaado aan lahayd sal iyo raad toona balse ay wadaan Xasarad sid uu sheegay.
Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole oo u muuqanyey in fariin toos ah u dirayo Gal-mudug ayaa yiri….”Halkaan cidna wax lagu yeeli maayo,dadka reer Puntland iyo Shacabka Soomaaliyeed waa isku mid cid wax la yeelayaana ma jirto waana amaan..”ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee Shirka Wadatashiga ee Puntland u cayimtay in 20.12.2011 ka dhacayo Garoowe ayaa waxaa soo baxaya in Gal-mudug ay diiday ka qeybgal Shirka kuna tilmaantay meesha lagu qabanayo in amnigeeda uusan fiicnayn,waxaana sidoo kale jira Khilaafka Baarlamaanka oo caqab ku noqon kara qabsoomid Shirka.
Xafiiska RBC Radio
Garoowe,Puntland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...