Wednesday 7 December 2011

Sir Fakatay:Mahiga iyo Marwadiisa Reer Somaliland oo ku dhaqaaway in la aqoonsado Somaliland

Written by Administrator   
Tuesday, 06 December 2011 21:37

Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine  Mahiga iyo Marwadiisa Reer Somaliland  ayaa laga Hargeysa ka sheegay  in Somaliland  tahay degaan Moderate ah  sidaas awgeedna ay mudan tahay in la taageero xitaa hadii ay noqon lahayd Aqoonsi Caalami ah.

Mahiga oo taladan ay siisay Marwadiisa ayaa yiri sidan " Somaliland waxay  u qalantaa  taageero kasta xitaa hadii la siinayo  aqoonsi caalami ah sababtoo ah waxay ka soo gudubtay imtixaankii iyo dhibaatooyin badnaa oo ka hor yimid  labatanka Sano oo ay soo  jiratay.


Mahiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri sidan "Somaliland waa gobol ay ka jirto demoqraadiyad,waa gobol ay ka jiraan Asxaab,waa gobol ay ka jirto nabad waxayna u qalantaa in la siiyo aqoonsi caalami ah.

24 Saac ka dib markii Ergayga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaliya Augstine Mahiga  ka sheegay magaalada Hargaysa hadalkan meel ku dhaca ku ah qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya looguna  ololeenayo in Soomaaliya lagu kal gooyo  ayaa  haba yaraatee ayna jirin wax  war murtiyeed ama jawaab ah oo   ka soo baxday Xafiisyada Madaxda Dawlada KMG Soomaaliya  Sida Madaxweynaha  Sheekh Shariif iyo RW CabdiWali Gaas ,Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya iyo Xafiiskeeda qaramada midoobey ee magaalada New York


Sidoo kale waxa ka aamusan oo aan ka hadlin hadalkii Mahiga ee  ahaa in la aqoonsado Somaliland   Xildhibaanada Dawlada KMG oo  ka soo jeeda  Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo horay u  ahaa kuwo ku caan baxay   in ay ka ag dhowaadaan  Microfoonka marka laga hadlayo Mucaaradnimo joogta oo aan waxba  soo siyaadin , hase ahaatee maanta oo Bulshada midnimada jecel ee Gobolada Sool iyo Sanaag  ku sugayeen in Jawaab canbaarayn ah ama mid cabasho ah oo ku socota qaramada midoobey ka bixiyaan hadalka Mahiga  ayaa waxay ka doorteen sidii caadadu u  ahayd in ay ka aamusaan danta Bulshada, iyada oo maanta aya soo foodsaartay  khatartii ugu xumayd gobolada Hartigu dego  ilaa asaaskii Jabhadii SNM.


Ugu danbayntii Hadlaka Mahiga wuxuu dhiiri gelinayaa  Jabahada SNM oo horay xasuuqa uga gaystay degaano ka mid ah waqooyiga  Soomaaliya  in ay ku dhaqaaqaan  Hadalkii wasiirka warfaafinta Xaabsade  oo ahaa in ay xoog ku tegayaan Yoocada iyo Qow soona xirayaan xadka taasina waxay keeni doontaa dagaalo hor leh oo ka bilowdo gobolada waqooyiga Soomaaliya iyo aqoonsigii la raadinayey uu noqdo mid laga shalaayo qarniyada soo socda.

Allsanaag+Shacabkamedia

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...