Tuesday 13 December 2011

Taleex: Waa San Uma Beryin!


Wq. Cali Maxamed Cartan
Diisember 12, 2011


Magaaalada Taleex waxay ku taallaa dooxada  bilicda san ee Nugaal. Horumar badan kama hirgelin labaatankii sano ee dawladdii dhexe ee Soomaaliya faraha ka baxday.  Tusaale ahaan, magaalada Taleex kama jirin wax maamul ah, horumar caafimaad haba sheegin, xagga waxbarashada illaa dugsi sare bay magaaladu lahayd. Kaas oo ay hirgeliyeen dad is xilqaamay oo deegaanka u dhashay.
Dibu dhaca magaalada ku yimi  waxaa eeddeeda iska leh dadka deegaanka u dhashay balse nasiib wanaag waxay magaaladu muddadaa 20-ka sano ah ku caan baxday nabad  iyo xasillooni illaa iyo intii la abaabulay shirkii loogu magacdaray Khaatumo II. Shirkani wuxuu dabo joogaa Khaatumo I oo lagu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska (Abriil 21, 2011). Hadafka la shaaciyey ee shirkaasi wuxuu ahaa sidii la isugu keeni lahaa beesha Dhulbahante ee taladoodu sida tusbax furtay in muddo ahba ahayd.
Bulsho waxa qeexa ma'aha cadowgooda, ama waxa dadka kale ka sheegaan, waase sida bulsho kastaa isu qeexdo. Dhab ahaan reer SSC Rabbi uma darraan, oo dad iyo duunyaba wuu ku manaystay ay kula jaan qaadi karaan gedgedoonka siyaasadda jaah wareersan ee Soomaaliya - La mood noqonse wayday - arrinta beeshu waxay la mid tahay hadalkii hooyadu wiilkeeda ku tidhi “ Aabahaa Alle waxaa ma tusin”. 
Mahadhada taariikhdu kama xishoon doonto in ay xusto fashilka ku dhacay beesha ee ay xakamaha ugu xidhan yihiin toban dagaal ooge iyo madax dhaqameedyo sidii waagii mugdiga u dhaqmaya qarnigan maanta la joogo ee 21-aad.
Taleex
Nasiib daro Taleex waa san uma beryin. Maanta oo taariikhdu tahay Diiseembar 12-keeda, 2011, waxaa fal waxashnimo ah, oo qorshaysan, oo naxdin lihi ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool ka dib markay koox budhcad ah oo u adeegaya maamul beeleedka “Somaliland” ku dileen  labo xubnood oo deegaanka ka soo jeeda Halkaas. Labada marxuum ee la dilay waxa ay kala ahaayeen Ganacsade Jaamac Cali Shire iyo Mubaarik Saalax Cali Shire.  Waxa iyana goobtaas lagu dhaawacay 2 xubnood oo kale  oo kala ah:Cabdisamad Maxamed Axmed Sanqadhweyn iyo Weriye  Jaamac Maxamed Nuur (Jeelle) .  Dhanka denbiilayaasha waxa lagu soo waramayaa in qof ka dhaawacmay magaciisa oo dhamaystiran aanan illaa hadda hayn. Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...