Wednesday 14 December 2011

Urur Siyaasadeed Cusub oo la Yidhaahdo XUSBULLAAHI ayaa lagaga Dhawaaqey Magaalada Hargeysa Lagaga Dhawaaqay (HALKAN KA DHEGAYSO)

HALKAN KA DHEGAYSO
Hargeysa (Waaheen) Urur siyaasadeed Cusub oo la yidhado  XUSBULLAAHI ayaa Maanta lagag dhawaaqay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Ururkan ayaa waxa uu ka shaqayn doona arimaha Diinta islaamka iyo dhaqanka suuban Waxanu ka Mid noqon doona Urur  siyaasaddeedadii dhowaanahan lagaga dhawaaqay dalka gudihiisa.
Munaasibaddii lagu daahfurarayay urur siyaasadeedkan oo lagu qabtay Hotel Xaraf ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay boqolaal qof oo kale duwan.
Gudoomiayah Urur Siyaasaddeedka XISBULLAAHI Sheikh Maxamuud C/Laahi Geelle oo ka hadlay munaasibaddan ayaa ka warbixiyay Sababta loo aasaasay ururkan waxana uu sheegay in uu ururkani ka shaqayn doono Arimaha Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban, waxana uu carabka ku bdhuftay in uu ururkani muhmiyadda kowaad siin doono diinta islaamka iyo ku dhaqankeedda.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ay wax ka badali doonaan haddii ay taladda dalka ku guulaystaan Dastuurka, waxana uu sheegay in uu dalka ku xukumi doono Sharciga Islaamka.
Gudoomiyuhu waxa uu canbaareeyay Dimuqraadiyadd waxana uu sheegay in dimuqraadiyaddu tahay dhaqan gaallo siddaas awgeedna aanay haboonayn in la qaato dhaqan ay gaallo lee dahay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...