Thursday 15 December 2011

Ururada Bulshada Rayidka oo Ku Baaqay in Go’aanka Baarlamaanka la Qadariyo (Daawo Sawiro)


Share
Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka Soomaaliya oo ay ku jiraan culimada iyo dhaqanka oo maanta kulanm ku yeeshay Muqdisho ayaa ku baaqay in la qadariyo go’aankii xildhibaanada baarlamaanka KMG Soomaaliya ay ku gaareen xil ka qaadistii afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ururada waxay kulankooda ku sheegeen in loo baahan yahay in laga fogaado khilaaf baarlamaanka kala geeya kaasoo waqtigan caqabad ku noqonaya nabadda ka jirta caasimada iyo dadaalada kale ee dalka looga saarayo ururka Al-Shabaab.
Nabadoon Muxyidiin Xasan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in waqtigan khilaaf cusub uu ka dhex bilawdo mudanayaasha, wuxuuna soo jeediyay in wax kasta laga hadlo.
Dhanka kale gudoomiyaha Majmaca Culimada Sheekh Axmed Dhicisow ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid madax bannaan wixii go’aan ah ee uu gaarana loo qadariyo si sharci ah maadaama uu yahay hay’adii sharciga dalka u dejin lahayd.
Qeybaha bulshada rayidka ayaa kulanka intiisa badan kaga hadlay xil ka qaadistii maalintii Talaadada ee 13-ka bishan mudanayaal gaaraya 283 mudane ku tureen afhayeenka baarlamaanka. Waxayna ururada bulshada soo jeediyeen in baarlamaanka loo ogolaado inuu gudoon cusub doorto.
Waa dhawaaqii ugu horeeyay ee ka soo yeera ururada bulshada ee Muqdisho iyagoo sida muuqata taageeray xil ka qaadistii afhayeenka baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...