Sunday 18 December 2011

Xadiisyadii lagu haystay Sheekh Xasan Takar Tolow ma kuwanaa?

Xadiisyadii lagu haystay Sheekh Xasan Takar Tolow ma kuwanaa?

Written by Administrator on .
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Ilaahay ayaa mahad iska leh: Waxan dhawaan isha ku hayey buuq iyo ismaan-dhaaf ka oogmay wadaado Soomaaliyeed dhexdooda. Ismaandhaafkaas  oo yeelan karayey midabbo diineed, qaar siyaasadeed, qaar kooxeed ama qaar shakhsiyeed, waxa aad ii soo jiitay qaybihiisa diiniga ah oo ay ka mid ahayd in wadaadada qaarkood ku eedeeyeen wadaad kale inuu ku been-abuurtay xabiibkeennii iyo rasuulkeennii Muxammed ahaa (SCW).

Wadaadadu waa kuwama?

Wadaadadu waa:
( 1) Sheekh Xasan  Maxamuud Takar oo Soomaaliya jooga,
(2) Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo Kenya joogaa iyo
(3) Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamed Shible oo Kenya jooga

Qisada ismaandhaafku sidee ayey u dhacday?

1-  Sheekh Xasan Maxamuud Takar ayaa khudbad uu ka jeedinayey shir-culimo oo ka dhacayey magaalada Baydhabo 30 nov ilaa 4 dec 2011, waxa uu ku eedeeyey rag culimo ah oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed cabdi Umal. Eedda Nuxurkeedu wuxu ahaa inay culimadaasi la saf noqdeen cadowga islaamka ee duullaanka ku ah Soomaaliya iyo shareecada islaamka. Waxa uu si gaar ah u soo qaatay shir ka dhacay dalka Kenya oo looga hadlayey duullaankii Kenya ku qaadday Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen madaxda Kenya qaarkood oo uu ku jiray wasiirka difaaca iyo culimo uu ku jiray Sheekh Umal.  Iyo Weliba in culimadaasi taageereen duullaankaas Kenya.
2- Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa qabtay muxaadaro uu arrinkaas kaga jawaabayo oo ku sheegay in warka Sheekh Xasan Takar yahay been-abuurasho lagu bannaysanayo shiigga culimada. Waxaanu sii raaciyey in uu  Sheekh Xasan Takar horeba ugu been abuurtay Nebig (scw), isaga cuskaday muxaadaro uu sheekh Xasan ka jeediyey dalka Iswiidhan sannaddo hore. Muxadaradaas oo uu ku xusay xadiisyo  markii la waydiiyey meesha uu ka keenay uu caddayn kari waayey. Iskaba daaye wuxu u sheegay  sheekh Shible oo mawduucaas kala dooday inay qiiro ku kelliftay. Wuxu sheekh Umal sheegay in markii xadiisydaas la raadiyey laga waayey xiitaa kutubta lagu ururiyo xadiisyada mawduuca ah (been-abuurka ah). Yacnii waxa lagu tuhunsanyahay Xasan Takar inuu isagu xadiisyada been-abuurtay.  Markaa wuxu Umal  ka codsaday in uu xadiisyadaas meel ku tiiriyo Xasan Takar.
3- Sheekh Maxamuud Shible ayaa soo qoray warqad uu Xasan Takar kaga dalbanayo in uu xadiisyadii meel ku sheego. Yacnii xadiisyadii uu ugu muxaadareeyey dadka reer ISwiidhan tobaneeyo sano ka hor. wuxu qoray sheekh Shible:
Hadda iyo Gunaanad:
Muxaadaradii uu jeediyay Sh. Xasan Maxamuud Takar way taallaa halkan Nairobi iyo meela kaleba, wayna sahlantahay in lasoo bandhigo hadalkiisii oo sheegaya axaadiithta lagu haysto.
Haddii Sh. Xassan Maxamuud Takar uu hayo jawaab dadka shaafisa oo axaadiithtaas uu kaga jawaabay, waxaan dhihi lahaa haddaba hasoo gudbiyo.
Waxaan aniga iyo dadkuba sugaynaa meesha ay ku yaalaan axaadiithtan soo socota oo kamid ah kuwii badnaa ee lagu haystay Sh. Xasan Maxamuud Takar:
(1)    Haddii ciraaq la cunaqabateeyo, caruurtoodana la gaajaysiiyo waxaa soo baxaya mahdigii ?
(2)    Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “?
(3)    Mahdiga runta ah iyo kan beenta ah waxaa u dhaxeeya 20 sano ?
(4)    Markii mahdigu soo baxo waxaa ugu farxad badnaan doona reer Ciraaq dhibaatada ay ku jiraan darteed?
(5)    Dajaal waxuu kusoo dagayaa Juruf guriga boqorka?
Waxaan ka codsanayaa Sh. Xasan Maxamuud Takar in uu meel ku sheego axaadiithtaas ku jirta muxaadaradiisa aan ka hadlayno."
4.  Sheekh Xasan Takar ayaa hadlay, waxanu tiriyey kutubo fara badan oo uu axaadiistaas ka soo ururiyey. Laakiin muu sheegin xadiis kastaa kitaabka uu ku jiro iyo meesha uu kaga jiro.
5- Haddana waxa warqad labaad soo qoray Sheekh Shible oo yiri Sheekh Takar kama uu jawaabin su´aalihii aan waydiiyey. Kitaabadii uu magacaabayna waan ka eegay oo kuma jiraane, meel ha ku sheego xadiisyadaas. wuxu soo qoray sidan:
"Codsi Mar kale:
Waxaan Sh. Xassan Maxamuud Takar ka codsanayaa mar labaad in sidii culimada lagu yaqiinay  meel ugu sheego axaadiith-ta oo kala ah:
(1)    Haddii ciraaq la cunaqabateeyo, caruurtoodana la gaajaysiiyo waxaa soo baxaya mahdigii ?
(2)    Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “?
(3)    Mahdiga runta ah iyo kan beenta ah waxaa u dhaxeeya 20 sano ?
(4)    Markii mahdigu soo baxo waxaa ugu farxad badnaan doona reer Ciraaq dhibaatada ay ku jiraan darteed?
(5)    Dajaal waxuu kusoo dagayaa Juruf guriga boqorka?"
Weliba wuxu sheekh Shible ugu baaqay Alshabaab in ay sheekh Xasan Takar ka mamnoocaan wax sheegidda maadaama oo uu Nebiga scw ku been-abuurtay. sidan ayuu u dhigay hadalkiisa:
" Waxaan xasuusinayaa dhamaan inta qoraalkaygani gaadho in ay waajib ku tahay Xarakada Al-shabaab in ay ka mamnuucaan qof kasta oo ay ku cadaato in uu ku been abuurtay  Nabiga Scw in uu ka hadlo diin, danbina tahay in loo ogolaado ka hadalka diinta qof Nabiga Scw waxuu doono ka sheegaya ama ku been abuuranaya."
6- Sheekh Xasan Takar weli (18 dec 2011) wax war ah lagama hayo. Lagase yaabee in uu soo socdo ama duruufuhu ka xannibeen soo gudbinta warkaas.

Muxaadaradaas waan joogay (qoraaga maqaalkan)

Aniga oo ah qoraaga maqaalkan waan joogay muxaadaradaas uu jeediyey Sheekh Xasan Maxamuud Takar,  waanan fadhiyey markii uu jeedinayey. Laakiin cajalkii dib uuma aan dhegaysan. Xasuustayduna ma wada sugi karto wixii ku guda jiray. Laakiin waxan hubaa:
- In uu sheekhu soo daliishadaday xadiisyo badan oo kuwan sheekh Shible ku haysto ku jireen (qaar ayaan caadi u xasuustaa weli)
- In uu xadiisyada dul saarayey dhacdooyin macruuf ah oo dhacyey wakhtigaas ama wax yar ka hor, isaga oo dhacdooyinkaas ka dhigayey isla kuwii Nebigu (scw) sheegayey.
- In sheekhu muxaadarada u soo bandhigaysi xiiso leh oo dadka xasuus ku reebi karta (laakiin anigu aad ayaan uga biyo diiday in arrimo "qayb" ah lagu macneeyo dhacdooyin aan la hubin inay yihiin kuwii loo jeeday. dad badanna waan kala hadlay isla berigaas iyo beryo dambe).
Isla waayadaasba waxan isku deyey (qoraaga maqaalka) bal in aan ogaado xadiisyadaas iyo meelaha ay ku jiraan. Xadiisyadii uu sheekhu sheegayey in badan oo ka mid ah, waan helay berigaas mase wada caddayn karo ansixiddooda iyo ansixid l´aantooda.

Maxay haddaba labada sheekh ee Shible iyo Umal, ku haystaan Sheekh Xasan Takar?

1- Ma jiritaanka xadiisyadan baa? oo waxay u baahanyihiin uun in kitaabadii laga soo xigtay loo sheego? (waa sida ka muuqata hadalkooda eh).
2- Mise darajada  xadiisyada ayey rabaan, sida (Saxeex iyo Daciif ama mawduuc).
3- Mise waxay diidanyihiin sida uu sheekhu xadiisyada ugu fasiray dhacdooyin wakhtigeennan dhacay oo macruuf ah oo mucaasir ah?

Haddii ay jawaabtu tahay:

1- Haddii ay jawaabtu tahay, Waxa sheekha lagu haystaa in uu xadiisyada ku fasiray dhacdooyin  macruuf ah oo mucaasir ah. Tafsiirkaas oo ah mid male iyo qiyaas ah. Waxan labada sheekh ku leeyahay waan idinku raacsanahay ee ku qabsada, bal ha idiin macneeyo cidda u sheegtaye. Laakiin taas ma lagu sheegi karaa ku been-abuurasho Nebi (scw) mise waa ta´wiil iyo ijtihaad aqbali kara sax  iyo gef?
2-  Haddiise jawaabtu tahay, waxa sheekha lagu haystaa jiritaanka xadiisyada iyo aathaarta uu soo daliishaday, markaa waxan idinka codsanayaa bal in aad ila eegtaan aniga si aan meelo idiinku tilmaamo. Waayo waxan hubaa in aan arkay xadiisyadaas ama aathaartaas oo kitaabo ku qoran. Waxase jirta in sheekhu xadiisyada ama aathaarta qabadsiiyey oo ku tafsiiray dhacdooyin macruuf ah oo mucaasir ah.  Taas oo aanan ku raacsanayn.  Laakiin waa in dadka loo kala saaro tafsiirka sheekhu leeyahay iyo atharka uu daliishanayo.

Su´aalihii sheekh Shible iyo xadiisyadii la goobayey

Su´aal 1: Haddii ciraaq la cunaqabateeyo, caruurtoodana la gaajaysiiyo waxaa soo baxaya mahdigii ?
Jawaab 1Waxa jira xadiis saxeex ah oo meelo badan ku jira oo tibaaxaya inay soo dhawdahay in raashinka iyo lacagtaba laga joojiyo reer Ciraaq oo ay umadaha CAJAMTU u diidaan, dabadeedna sidaas oo kale lagu samayn doono reer shaam, dabadeedna uu soo bixi doono khaliif maalka farraqi doonaa oo aan u tirin doonin dadka. Werinta ku jirta saxeexul-muslinka ayaan halkan ku soo gudbinayaa:
عن أبي نضرة ، قال : كنا عند جابر بن عبد الله فقال : يوشك أهل العراق أن لا يجبى إليهم قفيز ولا درهم ، قلنا : من أين ذاك ؟ قال : من قبل العجم ، يمنعون ذاك ، ثم قال : يوشك أهل الشأم أن لا يجبى إليهم دينار ولا مدي ، قلنا : من أين ذاك ؟ قال : من قبل الروم ، ثم سكت هنية ، ثم قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " يكون في آخر أمتي خليفة يحثي المال حثيا ، لا يعده عددا " قال قلت لأبي نضرة وأبي العلاء : أتريان أنه عمر بن عبد العزيز فقالا : لا
Ka fiiri xadiiska Saxiixul-muslim "Kitaabul-fitan wa ashraadu saacah", juska 8, xaashida 229, sharraxa Sheekh Maxamed Saalix Cuthaymiin.
Halkaas waxa ka cad in marka ciraaq la cunaqabateeyo ka dib uu soo baxayo khaliif maalka farraqi doona oo aan u xisaabin doonin dadka. Sifadaas oo ah sifada ay axaadiista faraha badan lihi ku tilmaantay Mahdiga.  Anigu ma odhanayo sheekha lagama daba hadli karo laakiin waxan leeyahay, tafsiirkiisa waxbuu ku dul dhisay ee cidla kamuu abuuran.
Su´aal 2: Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “?
Jawaab 2: Jawaab aan ku kalsoonaado ma helin, laakiin xadiisyo saxeex ah ayaa tilmaamaya in ay reer RUUM, ka dalbanayaan muslimiinta qaarkood inayna ka hor joogsan muslimiin kale oo dhibaato u geysatay.  Haddii aanu sheekh Xasan Takar xadiiskaas u jeedin ma helin mid kale oo sharrax noocaas ahi soo geli karo. Markaas waan ka boodayaa su´aashan oo jawaab uma hayo. Waanse sii wadayaa baaritaanka insha Alllaahu.

Su´aal 3: Mahdiga runta ah iyo kan beenta ah waxaa u dhaxeeya 20 sano ?
Jawaab 3: Waxa jira aathaar aanan  xaqiijin karin darajadooda iyo sugnaantooda oo sheegaya laba mahdi oo ay u dhaxayso 20 sano. Ka dambe waa Mahdiga Nebi Ciise (sc) la kulmi doono. wuxu atharkani ku jiraa kitaab uu qoray Jalaaludiin Al-suyuudi oo magaciisa la yidhaahdo:
bogga 65العَرْفُ الوَرْدِي في أخبار المَهْدِي
Wuxu ka soo naqlinayaa kitaabka Nucaym binu Xammaad ee al-fitan. wuxu u dhiganyahay sidan:

- وأخرج ( ك ) أيضا (1214) عن أرطاة قال:
(( بلغني أن المهدي يعيش أربعين عاما, ثم يموت على فراشه, ثم يخرج رجل من قحطان, مثقوب الأذنين, على سيرة المهدي, بقاؤه عشرين سنة, ثم يموت قتلا بالسلاح ثم يخرج رجل من أهل بيت النبي r ,مهدي حسن السيرة, [ يفتح ] مدينة  قيصر, وهو آخر أمير من أمة محمد r , ثم يخرج في زمانه الدجال, وينزل في زمانه عيسى بن مريم 
Sida uu sheegay sheekha kitaabkaas taxqiijiyey  ninkaas atharka laga wariyey ee ah Arda´ah, waa Arda´ah Binu mundir oo taabici ahaa lana kulmay asaxaab kala duwan.  Jalaaludiin Al-Suyuudi wuxu odhanayaa marka uu atharkan sheego ka dib, hadalkan:

-  هذه الآثار كلها لخصتها من كتاب ((الفتن)) لنعيم بن حماد, وهو أحد الأئمة الحفاظ, وأحد شيوخ البخاري
Su´aasha 4: Markii mahdigu soo baxo waxaa ugu farxad badnaan doona reer Ciraaq dhibaatada ay ku jiraan darteed?
Jawaab4: Waxa jira athar ama xadiiis mawquuf ah oo laga soo wariyeyCabdillaahi Bin Camar Bin caas. Ma ogi darajada saxeexnimadiisa laakiiin haddii uu ansaxo wuxu yeelanayaa xukunka marfuuca.  Wuxu tilmaamayaa in dadka ugu farxadda badnaanaya soo bixitaanka Mahdiga ay yihiin reer Kuufa (reer Ciraaq). ka fiiri isla kitaaabka jalaaludiin al-suyuudi ee kor ku xusan bogga 43. wuxu atharku u dhiganyahay sidan:

-  وأخرج ( ك ) ابن سعد (6\10) , وابن أبى شيبة (37643) عن عبد الله بن عمرو
قال:   يا أهل الكوفة, أنتم أسعد الناس بالمهدي 
Dabadeed ninka kitaabka taxqiijiyey wuxu haamishka kitaabka ku qoray sidan:

[1]-  أخرجه ابن سعد في (طبقاته)(6\10) والداني في (سننه)(578) ولفظ الأخير ( عن سالم بن أبى الجعد قال:خرجنا حجاجا فجئت إلى عبدالله بن عمرو بن العاص فقال:ممن أنت يا رجل؟ قال:قلت:من أهل العراق, قال:فكن إذا من أهل الكوفة, قال: قلت:أنا منهم قال:فإنهم أسعد الناس بالمهدي)
Su´aal 5: Dajaal waxuu kusoo dagayaa Juruf guriga boqorka?
Jawaab 5: Waxa jira xadiisyo saxiix ah oo kutubo badan ku soo arooray oo xusaya in Dajjaal degayo meesha la yiraahdo Juruf oo ah goob macruuf ah oo ku taal duleedka Madiina. Xadiisyadaas waxan ka soo qaadanayaaa xadiis uu soo saaray Imaamu Xaakim.  waxan ka soo guuriyey الصحيح المسند من احاديث الفتن والملاحم bogga 496  . wuxu u dhiganyahay sidan:
عن محجن بن الأدرع رضي الله عنه ، أن رسول الله صلى الله عليه وسلم خطب الناس ، فقال : " يوم الخلاص وما يوم الخلاص " ثلاث مرات ، فقيل : يا رسول الله ما يوم الخلاص ؟ فقال : " يجيء الدجال فيصعد أحدا فيطلع فينظر إلى المدينة ، فيقول لأصحابه ألا ترون إلى هذا القصر الأبيض ، هذا مسجد أحمد ، ثم يأتي المدينة فيجد بكل نقب من نقابها ملكا مصلتا ، فيأتي سبخة الجرف فيضرب رواقه ثم ترتجف المدينة ثلاث رجفات ، فلا يبقى منافق ولا منافقة ، ولا فاسق ولا فاسقة إلا خرج إليه ، فتخلص المدينة وذلك يوم الخلاص " " هذا حديث صحيح على شرط مسلم ، ولم يخرجاه " *  قال الشيخ مصطفى العدوي في الصحيح المسند من احاديث الفتن والملاحم   صحيح لشواهده

Gunaanad

Walaalayaal intaasi waa dadaal yar oo aan jeclaystay in aan la wadaago culimada is maandhaaftay iyo caamada ku dhex wareertay.  Markaas waxan ku soo gabagabaynayaa laba baaq oo midna culimada ku socdo midna dadka caadiga ah ama caamada ila midka ah.

Baaqa dadweynaha:

Waxan dadka akhristayaasha ah ugu baaqayaa in ay niyadda wanaajiyaan oo aanay walaalahood xumaan ka malaysan. Saddexda sheekh sidan soo socota ka malaysta ayaan odhan lahaa:
1- Sheekh Xasan Maxamuud Takar, ma aha qof u badheedhi kara  ku been-abuurashada Nebi Muxamed (scw) (sida aanu u malaynayno, ilaahaybaa ku cilmi badane). Haddiiba wax qalad ahi ka dheceen waa wax aanu ula kac u samayn ee uu ijtihaad ama taqliid u sameeyey. Ijtihaadkiisana waa lagala doodi karaa ayada oo aan lagu Nabin dembi kabiiro ah oo aanu shaqo ku lahayn.  Niyadda aynu u wanaajinno walaalkeen, hana laga dhowro hadalka cunfiga ah iyo aflagaadada
2- Sheekh Maxamuud Maxamed Shible iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal, ma aha niman qasdigoodu yahay nabitaan iyo sumcad dilidda walaalkaas ((sida aanu u malaynayno, ilaahaybaa ku cilmi badane). Malahayga ujeedadoodu ma aha inay "faasiqnimo" ku xukumaan si loo qaadan waayo warka uu ayaga ka sheegayo. Ujeedadoodu waa inay ka difaacaan Nebigeenii  (Scw) wixii aan u cuntamin.  Haddiiba wax qalad ah laga dareemana waa ka ijtihaad ee ha loo cudur daaro. Niyadda aynu u wanaajinno walaaleheen, hana laga dhowro hadalka cunfiga ah iyo aflagaadada.
3- Culimada aan si indho la´aan ah loola kala safan ee xaqa ha laga dhex raadiyo, hana laga faa´iidaysto cilmiga iyo mas´alooyinka xeesha dheer ee ay isugu duur-xulayaan.

Baaqa culimda

Waxan culimada ugu baaqayaa in ay aayadahan  soo socda dib u akhriyaan, khilaafkoodana ku miisaamaan. wuxu Alle yidhi:
شَرَعَ لَكُمْ مِنَ الدِّينِ مَا وَصَّى بِهِ نُوحًا وَالَّذِي أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ وَمَا وَصَّيْنَا بِهِ إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَى وَعِيسَى أَنْ أَقِيمُوا الدِّينَ وَلا تَتَفَرَّقُوا فِيهِ كَبُرَ عَلَى الْمُشْرِكِينَ مَا تَدْعُوهُمْ إِلَيْهِ اللَّهُ يَجْتَبِي إِلَيْهِ مَنْ يَشَاءُ وَيَهْدِي إِلَيْهِ مَنْ يُنِيبُ (13) وَمَا تَفَرَّقُوا إِلاَّ مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ وَلَوْلا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِنْ رَبِّكَ إِلَى أَجَلٍ مُسَمًّى لَقُضِيَ بَيْنَهُمْ وَإِنَّ الَّذِينَ أُورِثُوا الْكِتَابَ مِنْ بَعْدِهِمْ لَفِي شَكٍّ مِنْهُ مُرِيبٍ (14) فَلِذَلِكَ فَادْعُ وَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ وَلا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَهُمْ وَقُلْ آَمَنْتُ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ مِنْ كِتَابٍ وَأُمِرْتُ لأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ اللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ لَنَا أَعْمَالُنَا وَلَكُمْ أَعْمَالُكُمْ لا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ اللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا وَإِلَيْهِ الْمَصِيرُ (15


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...