Saturday 1 December 2012

Warbixin: Soomaaliya oo Dib Loogu Soo Celiyey Codsigeedii Ku Biiritaanka Suuqa Dhaqaalaha Bariga Afrika “EAC”


Kulankii 14aad ee madaxda wadamada ku jira EAC oo Nairobi ku soo dhamaaday Jimcihii shalay.
Nairobi (RBC) Madaxda wadamada ku bahoobay suuqa dhaqaalaha ee wadamada Bariga Afrika ee loo yaqaano East Africa Community “EAC”  ayaa dib u soo celiyey dalab horey uga yimid dawlada Soomaaliya oo ku wajahnaa inay Soomaaliya ku biirto suuqa EAC.
Kulankii 14aad ee madaxda wadamada ku bahoobay EAC oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa gabagabadiisa oo ahayd shalay oo Jimce ah, waxay madaxda wadamada EAC ku jira isku raaceen in dib u xaqiijin lagu sameeyo codsiga Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee ururka EAC Richard Sezibera ayaa sheegay in madaxda dawladaha shanta ah ee ku jira EAC ay isla garteen in dib u xaqiijin lagu sameeyo codsiga Soomaaliya isla markaana la hubiyo in shuruudaha ay soo buuxiso.
“Golaha wasiirada wadamada ku jira ururka EAC ayaa loo gartay inay kala shaqeeyaan Soomaaliya soo xaqiijinta codsiga dawlada Soomaaliya.” sidaasi waxaa war murtiyeedkooda ku sheegay xoghayaha guud ee EAC Richard Sezibera oo wariyaasha kula hadlay Nairobi.
Dalabkii Koonfurta Suudaan
Xoghayaha guud ee EAC wuxuu kaloo sheegay in dalabkii ka yimid dawlada Koonfurta Suudaan loo xilsaaray isla golaha wasaarada EAC si ay u soo dhameytiraan dukumintiyo ka dhiman codsiga dawlada Koonfurta Siuudaan oo ah dawlad jirta hal sano iyo dhowr bilood.
Waxay kaloo ururka EAC madaxdooda soo dhoweeyeen dawlada Rwanda oo xubino ka heshay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna Rwanda ka mid tahay wadamada shanta ah ee ku jira suuqa dhaqaalaha Bariga Afrika.
Haddaba su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxay yihiin shuruudaha lagu xayiray Soomaaliya?
Suuqa dhaqaalaha Bariga Afrika “EAC” ayaa ah gole ganacsi oo ah leeyihiin wadamada Bariga Afrika.  Hadda waxaa xubno ka ah shan waddan oo kala ah; Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda.
Ujeedada suuqan loo aas aasay ayaa ah inuu kobciyo isdhaafsiga ganacsiga ee wadamada ku jira, iyadoo canshuurta laga dhaafayo, loona fududeynayo in ganacsatada wadamadaasi ay helaan dal ku gal si fudud loo heli karo.   Waxaa sidoo kale jira in baasaboor aan looga baahneyn ganacsatada u kala dhoofeysa wadamada ku jira EAC.
Dawlada Soomaaliya waxay dalabkeeda ku biirista ururkan ay gudbisatay bishii March ee sanadkan xilligaasoo dukuminti rasmi ah la geeyey xogheynta ururka EAC.  Sidoo kale dawlada Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa soo dalbaday.
Sababta dib loogu celiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa inay ku biirto suuqan ayaa dad badani rumeysan yihiin in la siyaasadeeyay, gaar ahaan in wadamada ku jira ururkan aysan rabin in fursad ay hesho Soomaaliya.
Waxa ugu weyn ee ay sheegeen hogaamiyaasha EAC markii la hordhigay dalabka Soomaaliya ayaa ah inSoomaaliya aanu ka jirin amni buuxa iyo in muduqmaasuq iyo ku xadgudubka xuquuda aadanaha ay meel sare kaga jirto illaa hadda.  Dhamaan arrimahaasi waxaa kuwo ka jira wadamada shanta ah ee haatanba xubnaha ka ah suuqa EAC, gaar ahaan Kenya oo si weyn loogu yaqaano musuqmaasuqa iyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.
Maxay Soomaalidu ka faa’ideysaa EAC?
Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in haddii Soomaaliya ay ku biirto ururkan inay fursad weyn siineyso ganacsatada Soomaaliyeed ee sida weyn ugu firfircoon ganacsiga kuwaasoo haatan dhibaatooyin culus kala kulma wadamada Bariga Afrika oo ay Kenya ugu horeyso.
Waxyaabaha ganacsatada heli karaan ayaa ah in loo fududeyn doono gelitaanka dhammaan wadamada ku jira EAC iyo canshuur ka jaban mida hadda ay bixiyaan laga qaado.  Waxaa kaloo jiri doona waxyaabo uu ururku ku dhiirigelinayo habka isu gudubka ganacsiga guud yo muwaadiniinta oo Soomaaliduna qeybteeda ka heli karto taasoo ay ka walaacsan yihiin wadamada shanta ah in muwaadiniintooda iyo ganacsatooda looga dheereeyo maadaama Soomaalidu ay tahay qowmiyad ilbax ah oo ku firfircoon ganacsiga iyo shaqada.


RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...