Tuesday 18 December 2012

C/raxmaan Janaqow: Khilaafka U Dhexeeya Saraakiisha Al-Shabaab Iyo Iyo Ajaaanibta Waa Mid Soo Daahay



Muqdisho (RBC Radio)  Sheekh C/rixmaan Janaqow oo ah wasiirkii hore ee cadaalada Soomaaliya oo haatan ku sugan wadanka Jarmalka ayaa wuxuu ka hadlay qilaafka Soo kala dhexgalay Ajaanibta iyo kooxda Al-Shabaab.
Janaqow ayaa wuxuu soo hadal qaaday bayaalkii ka soo baxay Al-Shabaab wuuna sheegay in bayaalkaansi uu banaanka soo dhigay qilaafka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo waliba ajaanibta la joogta.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in ay talaabo ka qaadaan sargaalkaan sidaasi darteedna ay rabaan in ay marka hore cadeeyaan in uusan ka tirsanayn Al-Shabaab.
“Kooxdaan waxay doonaysaa in ay ninkaan go’aan ka qaadato, ama ay xukunto, sidaasi darted waa in marka hore ay cadeeyaan inuusan ka mid ahayn”sidaasi waxaa yiri Sheekh Janaqow.
Wasiirkii hore ee cadaalada Soomaaliya sidoo kalana qayb ka ahaa aas aasayaashii midowgii maxaakiimta islamaanka ayaa wuxuu sheegay bayaanka Al-Shabaab uu yahay mid soo daahay isla markaana horay loo sii ogaa in uu jiray qilaafkaan.
Wuxuu intaasi uu hadalkiisa ku sii daray in qilaafkaan uu saamayn balaaran ku yeelan doono Ajaanibta Soomaaliya joogta ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee hoostagta Al-Qaacida.
Hadalka Kooxda Sheekh C/rixmaan ayaa wuxuu imaanayaa xili Al-Shabaab ay sheegeen in Abuu Mansuur Al-Amriiki aysan ka tirsanayn kooxdaan isla markaana aysan jirin wax xil ah uusan ka haynin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...