Sunday 16 December 2012

Amiin Caamir oo ka hadlay sawirradiisa



 4 December, 2012, 20:06 GMT 23:06 SGA

Media Player

Cabdiraxmaan Koronto oo warreysanaya Amiin Caamir
Waxa uu bilaabay inuu sawir gacmeed sameeyo isaga oo 8 jir ah, Amiir Caamir waa farshaxanle sawirradiisa si weyn loo qiimeeyo. Wuxuu hadda bar ku leeyahay shabakadda Internet-ka, halkaas oo uu sawirradiisa ku soo bandhigo,oo uu ku muujinayo dareenkiisa xaaladda dalka Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool qurbaha dhinacyada siyaasadda, bulshada iyo marxaladaha kala duwan ee dalka.
Amir Amir oo caan ku ah soo bandhigidda sawirada farshaxanka ee uu ku muujiyo duruufaha kaladuwan ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee umada soomaaliyeed, ayaa dadka daawada sawirradiisa, kana faalloodaayi waxa ay ku tilmaaman in uu yahay nin khibrad fiican u leh sawir ku muujinta dhacdooyinka.
Laakiin, waa nin dadka qaar ay ka caroodaan sida uu wax u fasiro, kuwa kalena ay la dhacaan hal abuurkiisa.
Dhowrkii sano ee ugu dambeysay, Amiin wuxuu xoogga saaray inuu soo bandhigo sawirro cabbiraya xaaladda siyaasadeed ee ku sugan yahay dalka.
Amiin Caamir wuxuu imminka ku nool yahay dalka Canada, halkaas oo uu ku leeyahay studio uu ku sameeyo sawirrada uu soo bandhigo. Wuxuu imminka sawirradiisa ku farsameeyaa aalado casri ah.
Intii uusan dalka Canada iman, Amiin Caamir wuxuu ahaa farshaxanle si weyn looga qaddariyo dalka Soomaaliya, isagoo soo wargeysyadii dalka ku soo bandhigi jiray farshaxankiisa.
Amiin waxa uu nagu soo booqday Istuudiyeyaasha BBC ee London, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Koronto ayuu uga warramay howlaha uu qabto iyo sida uu u qabto.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...