Saturday 22 December 2012

Wasiirka Maaliyada Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Ka Hadlay Xaalada Kismaayo, Sheegeyna in Gaajo Ay Dadka Isku Direyso (Warbixin)


Muqdisho (RBC) Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan “Cawil” ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay xaalada Magaalada Kismaayo.
Wasiirka oo wareysi siiyey idaacadda dawlada ayaa faahfaahiyey xaalada ee ka jirta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubbooyinka oo uu ku sifeeyey in dadka ay iska horkeeneyso gaajo iyo dhaqaale la’aan.
“Arrinta Kismaayo wax gaajo iyo dhaqaale la’aan ka weyn ma ahan. Nin qori sita oo gaajo heyso oo magaalada jooga waxa uu sameeyo ma jiraan oo aan ka ahayn inuu raadsado wax kasta oo uu heli karo.” ayuu yiri wasiirka.
Wuxuu ku adkeystay in dawlada federaalka ay ku guuleysan karto in ay dhameyso xiisadaha Kismaayo ka jira, isagoo cadeeyay inaan loo baahneyn dagaal kale oo dad ku dhintaan.
Wasiirka ayaa muujiyey in haddii la helo nidaam dawladeed, wadankuna uu yeesho shaqooyin in dhamaan dadku ay isla noolaan doonaan arimaha ka jira Kismaayana ay yihiin kuwo dhaqaale raadis uuna salka ku haya.
“Runtii wax waa dheceen, dad badanna waa ku dhinteen waana arin aanu ka xunnahay. Hadda xaalada waa la xakameeyay, xiisaduna waa dagan tahay.” ayuu yiri wasiirka.
Maamul u sameynta Jubbooyinka
Maxamuud Xasan Suleymaan oo la weydiiyey halka ay ku dambeeyeen dadaaladii maamul u sameynta Jubbooyinka ee khilaafka hareeyay ayaa wuxuu sheegay in dawlada ay wado la tashiyo beelaha iyo bulshada deegaanka ayna ugu dambeynta xal ka gaari doonto qaabka ugu dhow ee maamulka loogu dhisi karo gobollada Jubbooyinka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...