Monday 3 December 2012

Isbaaradii ugu weyneyd Muqdisho oo maanta la Qaadey

Isbaarada ex koontarool Afgooye oo lacago looga qaadayay gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho, Afgooye iyo Gobolada koofureed ayaa maanta la qaaday, iyadoo ay aheyd isbaaradii ugu weyneyd ee taalay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha heystay Isgoyska Ex Koontarool afgooye ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya aanay gaadiidka lacago looga qaadi doonin, iyagoo cadeeyay in markii hore ciidamo dowladda hoose ay lacago canshuuro ah ku qaadi jireen, balse mar hore laga qaaday ciidankaas.

Isbaarada Ex koontarool ayaa waxay xudun u aheyd isbaarooyinka yaalay magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo sanadkii 2009-kii ay halkaas taalay, gaadiidka mara wadadaas lacago fara badan looga qaadayay.

Gaadiidka BL-ka iyo kuwa xamuulka ayaa ahaa kuwo lacago looga qaadayay isbaaradaas, waxaana Taliyaha ciidamada dowladda ee aagaas Nuur xasan Maxamuud uu cadeeyay inay si rasmi u qaadeen isbaarada.

"Maanta wixii ka dambeeya wax lacag loogama qaadi doono gaadiidka, ammaanka koontaroolkana sidiisa ayaa u sugi doonaa"ayuu yiri Nuur Jareer oo intaa ku daray in go'aanka Madaxweynaha ay dhaqan geliyeen.

Taliyaha ayaa sheegay in Amniga Ex koontarool uu yahay mid la isku haleyn karo, waxaana uu ka dhawaajiyay in howl gal saaka ay sameeyeen ku soo qabteen rag labisnaa dareyska ciidamada oo jidgooyooyin dhigtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Maalmihii u dambeeyay ayaa howl galo isbaarooyinka lagu qaadayay ka socday magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, iyadoo lagu guuleystay in la qaado isbaarooyinkaas.Isbaardii ugu Weyneed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...