Monday, 3 December 2012

Fadlan Igala Hadal İna-Adeerkaa Xasan-Culusoow:Guulwade-Tarzan


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 03 December 2012 12:40

Warar laga helay ilo muhiim ah oo si aad ah ugu dhow madax weynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Guulwade Tarsan uu dacwo ka dhan ah Madaxweyne Xasan-Culusoow u gudbiyay Madaxweynihii hore e Soomaaliya Sheekh-Shariif isagoo ka codsaday in xilka Gudoomiyanimada aan laga qaadin,maadaama uu xilkan ku helay Mudaahaaraad beenaadkii uu London ka dhigi-jiray,inkastoo hadda godkiisii biyo ugu soo galeen laa filayo in shaqsi-nadiif ah lagu bedelo.

Guulwadaha  ayaa la sheegayaa in uu uu maalmihiiugu dambeeyay shaki weyn qabay isagoo aaminsan in laga qaadi doono xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Waliba Duqa Magaalada , wasiirka cusub ee arimaha gudaha Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa bilaabay wada tashi uu la yeelanayo gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir si uu xog ogaal ugu noqdo howlaha kasocda degmooyinka Gobolka Banaadir , wuxuuna gudoomiyayaasha Degmooyinka u sheegay inay dhexdooda iska soo doortaan hal qof oo lacagta loogu dhiibo taas oo sicad u muujisay in Gudoomiyaha Gobolka uu waqtigiisii sii dhamaanayo lana filayo in mar dhow xilka laga xayuubiyo.

Maxamuud Axmed Nuur TARSAN ayaa ka mid ah xubno si aad ah ugu dhawaa madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuuna xilka ku hayay taageero xoog leh oo uu ka heystay Sheekh Shariif oo ay ka wada tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga iyo Waliba Isbaheysigii Dib u xoreynta Soomaaliya oo xaruntiisu aheyd magaalada ASMARA ee dalka ERITEREA , haatana wuxuu magaalada Kampala ee dalka Uganda u imaanayaa isagoo doonaya in uu Sheekh Shariif ka codsado in uu kala hadlo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Professor Xasan Sheekh Maxamuud si loogu daayo xilkiisa oo uu sheegay in uu halgan dheer usoo galay.

Afar musharax ayaa u taagan qabashada xilka gudoomiyenimada Gobolka banaadir kuwaas oo dhamaantood isku beel kasoowada jeedaan TARSAN, waxaana la sheegayaa in labo musharax oo aad u cad cad midkood dhawaan loo magacaabi doono xilka gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaala Muqdisho , tarsan ayaa intuu madaxda ka ahaa gobolka Banaadir muujiyay wax qabad aad u balaaran inkastoo madaxda degmooyinka qaarkood ay ku tilmaameen nin kali talis ah oo aan dhageysan fikradaha dadka la shaqeeya

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...