Sunday 9 December 2012

Nabadsugida Soomaaliya oo Shaacisay In Labo Sarkaal oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab Ay Isu Soo Dhiibeen Dawlada


Muqdisho (RBC) Taliska Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey in labo sarkaal oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab ay isu soo dhiibeen dawlada kuwaasoo maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka nabadsugida ee gobolka BanaadirCol. Khaliif Axmed Ereg ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta hay’adda nabadsugida ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada sarkaal ay xiriir la soo sameeyeen saraakiil ciidamada dawlada oo ku sugnaa magaalada Wanlaweyn kadibna loo fududeeyay sidii loogu soo gudbin lahaa Muqdisho.
“Labada sarkaal waxay kala yihiin; nina wuxuu ka mid ahaa kooxdii Xisbada [booliska] ninka kalana wuxuu ka mid ahaa saraakiishii joogtay Wanlaweyn kadibna wuxuu u baxsaday Buurhakaba ugu dambeyn waxay la soo xiriireen ciidamada waxaana laga soo qaaday Wanlaweyn” Ayuu yiri Col. Ereg oo wariyaasha kula hadlay xarunta hay’adda nabadsugida.
Wariyaashii ka qeybgalay shirka jaraa’id uma suurtagalin inay helaan magacyada labada sarkaal ee ay maanta hay’adda nabadsugidu shaacisay inay isu soo dhiibeen dawlada.
Taliyaha nabadsugida oo ka hadlay sida dawladu ka yeeleyso saraakiisha Al Shabaab ee dhanka dawlada isu soodhiiba ayaa wuxuu sheegay in la siin doono magangelyo, halka maleeshiyaadkana uu sheegay in dhaqancelin loo sameyn doono.
“Tani waxay muujineysaa in dhalinyaradii ay horey u khaldeen Al Shabaab inay maanta ka faa’ideysanayaan cafiskii dawladu u fidisay” ayuu sii raaciyey taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir.
Saraakiisha nabadsugida ayaa dhowr jeer horey u soo bandhigay xubno isugu jira dagaalyahanno iyo saraakiil ka mid ahaan jiray ururka Al Shabaab, kuwaasoo qaarkood ay hadda ku biireen ciidamada nabadsugida.
Waxaana jira walaac fara badan oo laga qabo xubnaha ka tirsanaan jiray Al Shabaab ee marka ay dawlada isu dhiibaan toos lkoogu biiriyo ciidamada kuwaasoo lagu eedeeyo inay qeyb ka yihiin falalka amaan darrida ee ka jirta Muqdisho, walow aysan saraakiisha amaanka ka jawaabin eedeymahaasi.


RBC Radio

1 comment:

Anonymous said...

Thіs is геallу interеsting, You are a ѵeгу skіllеd blogger.
І've joined your rss feed and look forward to seeking more of your wonderful post. Also, I have shared your web site in my social networks!

Here is my page: Katharine Mcphee Video
Check out my web-site :: samsung galaxy note 2

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...