Written by Administrator |
Sunday, 30 June 2013 09:32 |
Kadib markii saaka soo baxeen warar sheegaya in 2-dii Gaari ee Tiknikadda ahaa ee Ciidamadda Kenya isku-dhiibay,ayaa baaritaan kadib Maamulka Jubbaland oo Garoonka tagay si ay su'aalo u weydiiyaan Ciidamadan saaran 2-da Gaari,ay u xaqiijiyeen in Bare-Hiiraale iyo Sheekh C/Raxmaan Fiiloow oo Alshabaabka ka tirsan,ciidamadiisa ay ka bar-bar-dagaalamayeen maalmahan kuwa Bare inay u baxsadeen dhanka Goobweyn,Bare-Hiiraale ayaa hadda la xaqiijiyay inuu isu dhiibay Shabaabka-Goobweyn,waxaana la filayaa maalmahan in la keeno Magaaladda Baraawe oo xarun u ah Ururka Alshabaab.Shacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Sunday, 30 June 2013
Bare Oo Shabaabka Goob-Weyn Isku Dhiibay Iyo Warkii Sheegayey Inuu AMISOM Isku Dhiibay Oo Beenoobay
Hambalyo M/Weyne Xasan:Qalinkii:Suldaan Godo-Godo
Written by Administrator |
Sunday, 30 June 2013 10:57 |
Dad badan ayaa igu xanta inaan ka mid ahay mucaaradka tooshka ku ifiya khaladaadka Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh,balse anigu waxaan ahay mucaarad qalinkiisa wax ku saxa mana-ihi,dadka loo yaqaan (Destructive-Opposition)yacni(Mucaarad-wax-dumiya).Hadaba waxaa maanta markii iigu horeysay aan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Xukuumadda Reysalwasaare Saacid oo talaabo geesinimo ah qaadatay inay jeebeeyaan xabsina u taxaabaaan Sheekh Xasan Daahir-Awees oo diiday in su'aalo ay weydiiyaan Ciidamadda Nabad-sugidda ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed,waxaana aan ku amaanayaa Dawladda inay xabsi u dhaa-dhiciyaan Wadaadkan lagu tuhmayo laga soo bilaabo 1991-kii ilaa iyo 2013-kii bishan Juune,in magac Diimeed isagoo ku qaraabanaya inuu dhibaato ka geystay Gobolo-badan oo Soomaaliya ka tirsan.Waxaan halkan ka cadaynayaa in maanta Soomaali kala ogaan-doonto in xariga la xiray Sheekhan,inay soo bixi-doonaan qolooyin Dawladda ku mucaaradda maxaad u xirtay Sheekha?halkii ay aheyd in Dawladda loogu bishaareeyo lagana warsugo baaritaanka ku socda Sheekha halka uu saldhigan-doono,lagana yaabee inta dambi lagu-waayo in la soo daayo,balse yaan Dawladda lagu mucaaradin maxaad su'aalo u weydiinaysaan Sheekhan la tuhmayo ee Alshabaab ka tirsan.Waxaan sidoo lae u hambalyeynayaa Ciidamadda Nabad-sugidda Qaranka,waxaana ka codsanayaa inay Maxkamad caadil ah saaraan Sheekhan 23-sanno masiirkii Umadda Soomaaliyeed bohol ka tuuray,isagoo tashkiiliyay Dhalinyaro badan oo Madhabka Takfiirka ee Alshabaab qaatay una heysta Soomaalidda oo dhan inay Gaalo yihiin.Qolooyinka Dawladda ku mucaaradayo Sheekha maxaa xabsi loogu tuurayna waxaan leeyahay isku-xishooda oo maanta nin Dembiile ah yaan muumin laga dhigin,waxaana waajib idin ku-ah,inaad taageertaan mawqifka Xukuumadda ay ka qaadatay Sheekhan diiday in si sharaf leh su'aalo ay u weydiiyaan Ciidamadda Nabadsugidda.Qalinkii:Suldaan-Godo-GodoShacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
SOMALI FORCES ARREST ISLAMIST LEADER IN MOGADISHU
MOGADISHU (AFP) – Somali security forces have arrested veteran Islamist leader Sheikh Hassan Dahir Aweys at Mogadishu airport, police said on Sunday.
“There was a big argument that turned into a fist fight between the security forces who arrested Sheik Aweys and members of the delegation accompanying him who resisted the arrest,” a senior police officer told AFP of the arrest on Saturday.
Source: AFP
Masuuliyiintii SH Xasan Daahir Cadaado ka keenay oo ay jirdil u geysteen ciidanka Nabad sugidda oo xabsiga laga sii daayey
Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaanadii, Siyaasiyiintii, odayaashii dhaqanka iyo saraakiishii ciidan ee Cadaado ka keenay SH Xasan Daahir Aweys ee xalay ay jirdalka u geysteen ciidamada nabad sugidda kadibne ay xabsiga u taxaabeen ayaa maanta Jeelka laga sii daayey,Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa dadka xabsiga la dhigay ayaa sheegay in laga siidaayey.
Axmed Diiriye ayaa sheegay iney si ba’an u jirdileen ciidanka nabad sugidda wuxuuna xusay xiliga uu hadlayey inuu dareemayo xanuun fara badan,wuxuuna tibaaxay ineysan garaneen waxa ay dilka iyo xabsiga ku mutaysteen iyaga oo kusoo guuleystay shaqo ay u dirtay dowladda Soomaaliya oo ay dhib badan kasoo mareen.
Ciidanka nabad sugidda Soomaaliya ayaa xalay xabsiga dhigay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Axmed Diiriye Cali. Jen. Subxaanyo,Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo rag kale oo ka mid ahaa waftigii SH Xasan Daahir Aweys ka keenay magaalada Cadaado.
Dowladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin jirdilka iyo xarigga lagula kacay Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta,Xildhibaanada iyo Saraakiisha ciidan ee SH Xasan kusoo qanciyey inuu isku dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
Somalia - Wararka maanta
Egypt
protest: Crowds gather for big anti-Morsi rally
Cannot
play media. You do not have the correct version of the flash player. Download
the correct version
Crowds
have been gathering in Cairo's Tahrir Square ahead of a mass rally to demand
the resignation of Egypt's Islamist President Mohammed Morsi.
Thousands
of people could be seen overnight milling in the square, focus of the protests
which brought down former leader Hosni Mubarak.
Sunday
is the first anniversary of Mr Morsi's inauguration as president.
Tension
has been high ahead of the rally. At least three people, including a US
citizen, died in unrest on Friday.
--Obama
hails Mandela 'inspiration' in South Africa visit
US
President Barack Obama has praised Nelson Mandela as "an inspiration to
the world" while visiting South Africa.
The
US leader, who was speaking in Pretoria after talks with President Jacob Zuma,
does not intend to visit the 94-year-old, who has been critically ill for
nearly a week.
But
he met the Mandela family in private and spoke by telephone to his wife, Graca
Machel.
Riot
police clashed with anti-Obama protesters in Soweto.
The
American leader was in Soweto to deliver a speech to young African leaders at
the University of Johannesburg.
According
to Mr Zuma, Mr Mandela remains "stable but critical", and he added
that he had "every hope that he will be out of hospital soon".
Continue
reading the main story
BBC
News, Johannesburg
Nelson
Mandela's ill health has overshadowed Barack Obama's first trip to South Africa
as US president. Both Mr Obama and South African President Jacob Zuma began
their remarks to the media by mentioning the hero of the fight against white
minority rule.
But
the trip was planned long before Mr Mandela was taken to hospital and was
intended to focus on increasing trade, for mutual benefit. President Zuma noted
that Mr Obama had been involved in the campaign to impose economic sanctions on
apartheid South Africa in the 1980s, but said now was the time to shift from
"disinvestment to reinvestment".
While
South Africa has been criticised for having slow economic growth at a time when
other African countries are booming, Mr Zuma rebuffed this by saying: "We
are pursuing the dreams and policies of Nelson Mandela." He even said the
former president had recently told him: "When I go to sleep, I will be
happy as I know I will leave South Africa moving forward."
However,
South Africa's last apartheid president and the man jointly awarded the 1993
Nobel Peace Prize with Mr Mandela, FW de Klerk, is to cut short a visit to
Europe due to Mr Mandela's poor health, his foundation said in a statement.
Meydadka
Afar Askari Oo Ciidamada Kenya oo Ay Soo Bandhigeen Ciidamada Barre Hiiraale
Dagaalkii
ayaa galay waji cusub iyadoo ay dagaalkan si toos ah ugu jiraan ciidamada lugta
dawlada kenya oo garabsiinaya kooxda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in
dagaalkan hadda socda uu khasaare ka soo gaarey ciidamada dawlada kenya ee
qaabka nabad ilaalinta ah ku jooga kismaayo.
Dhimashada
Afar askari oo ka tirsan ciidamada kiiniya ayaa hadda la shaaciyey in
ciidamada degaanku gacanta ku dhigeen isla markaasna doonayaan inay saxafada u
soo bandhigaan,waxaana la sheegayaa in ciidamada degaanku dagaalkan ay hada
kula jiraan ciidamada kiniya iyo jabhadda Raaskambooni u bedeleen qaabkii
dagaalka,waxaana la sheegayaa in hadda wadooyinka magaalada si toos ah loogu
dagaalamayo.
Ciidamada
degaanka ayaa sheegey in saacadaha soo socda saxafada u soo bandhigi doonaan
maydadka ciidamada kiiniya isla markaasna ay shaacin doonan in dawlada kiiniya
ay doonayso inay dalka soomaaliya u kala jabiso qaab qabiil iyadoo la
shaacinayo in ciidamada kiiniya arrintaasi dhibaato xoogan ka soo food saari
doonto.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland
Iyo Galmudug “SAWIRRO”
Gudoomiyaha
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan
Jawaari ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada
Puntland iyo Galmudug oo maalinnimadii shalay aheyd soo gaaray magaalada Muqdisho.
Ugu
horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan
Jawaari ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul
goboleedyada Puntland iyo Galmudug sida ay ugusoo jawaabeen marti qaadka uu
Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey waxaana mahad celintaasi kadib uu Gudoomiyuu
ka dhageystay gudoomiyeyaasha Baarlamaannada labada maamul goboleed sida ay
howlahooda u socdaan.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/rashiid
Maxamed Xirsi oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey sida ay u socdaan
shaqooyinka Baarlamaanka Puntland waxaana uu xusay in howlaha Baarlamaanka
Puntland ay hada kuwo u socda si wanaagsan waxaana uu dhanka kale Mudane
C/rashiid Maxamed Xirsi uu tilmaamay in ay aad ula dhacsanyihiin sida xiligan
uu u shaqeynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo
kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Mudane Xasan Maxamed
Hey loo isaguna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa si lamid ah ka warbixiyey sida
uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug oo uu tilmaamay iney dhowaan
doorteen Madaxweynaha maamulkaasi, dhinaca kalena waxa uu soo dhaweeyey
hormarrada sii kordhaya ee uu ku talaabsanayo Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya.
Gudoomiiyeyaasha
Baarlamaannada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay soo gaaray
magaalada Muqdisho waxaana ayaga oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka kala tirsan
Baarlamaannada labada maamul goboleed ay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad uu u
fidiyey Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan
caawa waxa ay casho sharaf la qaadan doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo casho
sharaftaasina ay kasoo qeybgali doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi
Faarax Shirdoon (Saacid).
Ururka
Al-Shabaab ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay dilka sarkiil sar sare ee oo ka
tirsan ururka, oo uu ku jirro Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaano
Ibraahim Afghan.
Afhayeenka
Al-Shabaab ee dhinaca howlgalada Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay
wabaahinta qaarkood ayaa sheegay in la toogtay labo nin oo uu ku sheegay in ay
ka dhaga adeegeen in ay is soo dhiibaan, isagoo intaas ku daray in wali la
la’yahay kuwa kale oo jidkaas hayay.
Abuu
Muscab ma sheegin magacyada labada qof ee la dilay, balse Shabakadda Caasimada
Online ayaa heshay in labada nin ee la dilay ay kala yihiin Ibraahim Afghan iyo
Sheekh Xamdi oo loo yaqaano Macalin Burhaan.
Sida
ay in oo xaqiijiyeen dad ku sugan Barraawe ama gacan saar la leh
Al-Shabaab raggan ayaa la dilay 18-kii bishan June, waxaana lagu dilay
magaalada Barraawe oo 350 km koonufr kaga beegan magaalada Muqdisho ee
caasimada Soomaaliya.
Afhayeenka
Al-Shabaab ayaa sheegay in labadan nin ka hor inta aan la dilin ay isku dayeen
in ay dagaalamaan sidaasna ay ku dhacday xabad.
“Allaha
ha u naxariisto oo janadii ha galiyo waxa ay ahaayeen mujaahidiinta, qorshaha
ma ahayn la dilo ee waxaa la rabay in ay i soo dhiibaan balse xabad ayaa ku
dhacday”
Si
kataba, ilo wareedyo lagu kal soon ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay
in Ibraahin Afgaan la dilay isagoo ka soo baxaya Masjid 6-dii iyo 20 daqiiqo
18-kii bishan June, halkas Macalin Ibraahim laga soo qabtay gurigiisa 7-dii
habeenimo isla 18-kii bishan June balse waxaa la dilay subixii waxaana
meydkiisa lagu jiidjiiday wadooyinka Barraawe.
Ibraahim
Afgaan ayaa wuxuu ahaa ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, wuxuu kaloo soo
noqday madax maaliyadda iyo tababarka Al-Shabaab.
Wuxuu
joogi jiray gobalka Virgina ee dalka Maraykanka, ka hor inta uu 1998-dii uusan
aadin dalka Afghanistan halkaas oo uu magaca Afghan uu kala yimid.
Macalin
Burhaan wuxuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca dacwada wuxuuka ka tirsnaa
Golaha wadatashiga ee Ururka Al-Shabaab.
Si
kastaba, waxaa muuqata khilaaf xooggan oo ka dhexjirra hoggaanka Al-Shabaab
kuwaasoo hadda la garab kala noqday, waxaana ka dhexjirra ugaarsi ballaaran.
Allaha
u Naxariistee Nuur Cabdi Xaaji (Shaarkeey) oo Maanta ku Geeriyooday Magaalaad
Muqdisho
Nur
Abdi Haji Shaarkey addresses at a meeting of former players in Mogadishu in
February 2013Allaha u naxariistee Nuur Cabdi Xaaji oo loo yaqaanay (Shaarkey)
kana mid ahaa xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada
Muqdisho.
Xiriirka
kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Nuur Cabdi Xaaji (Shaarkey) uu
geeriyooday waxaana isla galabta lagu aasay magaalada Muqdisho.
Xiriirka
kubadda cagta ayaa sheegay in halyeygan isborti uu u geeriyooday wadno xanuun
ku soo booday.
Allaha
u naxariistee Shaarkey waxa uu ahaa ciyaaryahan si aad u ah uga dhex muuqday
xulka Qaranka Dalkeenna laga soo bilaabo dhamaadkii sanadkii 1970kii ilaa
1980kii,isaga oo si aad ah uga dhex muuqday horyaalka dalka iyo ciyaaraha uu
xulka Qaranka Soomaaliya ku aadi jiray dalka dibaddiisa.
Xiriirka
kubadda cagta Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka naxeen geerida halyeeygan
ispoorti,islamarkaana bahweynta isboorti uu ka baxay halyeey isboorti.
Gudoomiyaha
xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Saciid Guuleed Rooble ayaa allaha u
naxariistee geerida Shaarkey uga tacsiyadeeyay xaaskiisa, caruurtiisa iyo
qaraabadiisa.
Saciid
Guuleed Rooble oo isna ka mid ahaa ciyaartooydii caanka ahaa ee dalka sanadkii
1970kii ayaa sheegay in geerida Shaarkeey ay tahay mid laga naxo.
Buug
tacsi ah ayaa laga furay xarunta xiriirka kubadda cagta ee Dalkeenna waxaana
saxiixaya saaxiibadiis,ciyaartooyda iyo taageerayaasha.
Maxaa
ka soo kordhay warka Xasan Daahir?
Wararkii
ugu dambeeyay ee naga soo gaaray xaaladda Xasan Daahir Aweys oo xaley laga soo
dajiray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xasan Daahir Aweys iyo xubno la
socday loo gacan galiyay hey’adda nabad sugida dowladda Soomaaliya.
Sidoo
kale warku wuxuu intaas ku darayaa in odayaashii iyo siyaasiinta la socda Xasan
Daahir Aweys la jirdilay qaarbaa dhaawacan oo xabad nool ayaa lala dhacay.
Waxaana
dadka dhaawacmay ka mid ah Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar in kastoo dhaawaciisa
halka uu gaarsiin san yahay aan lahayn inta uu la egyahay.
Sidoo
kale waxaa jirra odayaal lala xiray Xasan Daahir oo xaley ku baryay xabsi sida
ay Shabakadda Caasimada Online u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Si
kastaba, waxaa jirra saaka in xaalad kacsanaan ah ay kaa taagan tahay magaalada
Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda Xasan Daahir Aweys ay ka dhalato
dagaal.
Waxaa
jirra khilaaf iyo gacan-ka hadal dhexmaray hey’adda nabad sugida iyo ergadii la
socotay Xasan Daahir Aweys waayo Xasan markii uu ka soo degay garoonka Muqdisho
waxaa xoog kuwatay ciidamo ka tirsan hey’adda nabad sugida kuwaasoo sheegay in
Xasan Daahir Aweys la marsiin doono wixii dadka u geestay. arrintaas waxaana ka
xumaaday ergada waday Xasan Daahir.
Waxaa
intaas kaddib gacanta loola tagay wafdiga Xasan Daahir iyadoo la sheegayo in
xabad lala dhacay. oo qaarbaa dhaawacan.
Odayaal
iyo Xildhibaanno ay isku beel yihiin Xasan Daahir Aweys ayaa ku eedeeyay
dowladda in ay ka baxday ballan ay horrey ukala galeen, taasoo ahayd in si
fiican loola dhaqmi doono Xasan Daahir Aweys.
Odayaasha
iyo Xildhibaannada ayaa si wayn u eedeeyay wasiirka gaashandhigga iyo wasiirka
arrimaha gudaha,kuwaasoo ay sheegeen in amreen in xabsiga la dhigo Xasan Daahir
Aweys, waxaana ay ku amreen ergada waday Xasan Daahir ay meesha ka tagaan.
Xasan
Daahir Aweys, 12-xubnood oo la socday iyo saraakiil uu ka mid yahay Jenaraal Subxaanyo
ayaa xabisga la dhigay, waxaana ammaankooda aad u waardiyeenaya ciidamada
Gaashan ee wajiga xirta.
Magaalada
Muqdisho waxaa tan iyo xaley ka socday kulamo looga hadlaayay siddii laga
yeelayo Xasan Daahir Aweys, waxaana beesha uu ka soo jeedo Xasan Daahir ay
sheegeen in ay diyaar u yihiin difaaca Xasan Daahir maadama uu oggolaaday in
dowladda Soomaaliya uu isku soo dhiibo.
Xubnaha
Baarlamaanka oo kala qeybisay warqad Madaxweyne Xasan Sheekh ugu timid
Xildhibaanada
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku kala qeybqasamay warqad codsi ah oo ka
timid Madaxweynaha, kaasoo ahaa in muddo bil ah ay sii shaqeeyaan mudanayaasha
baarlamaanka, xilli maalinta berri uu ku eg yahay kalfadhiga labaad ee
baarlamaanka.
Gudoomiyaha
baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudanayaasha
baarlamaanka ka hor aqriyay warqada ka timid Madaxweynaha ee uu ku dalbanayay
in muddo bil lagu daro fadhiyada baaralmaanka.
Prof.
Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay aqbalaan codsiga Madaxweynaha, isla
markaana uu dastuurku qabo inuu soo dalban karo in muddo lagu daro kulamada
baarlamanka Soomaaliya.
Intaas
kadib ayaa mudanayaasha baarlamaanka loo gudbiyay inay aragtiyadooda ka
dhiibtaan, waxaana kulanka soo xaadirtay ilaa 50-xildhibaano.
Mudanayaasha
qaar ayaa sheegaya in aanay xilligan sii shaqeyn karin, isla markaana waqtigii
loogu tala galay kalfadhiga labaad uu gabo gabo yahay, isla markaana maalinta
berri uu ku eg yahay kalfadhiga labaad.
Qaar
kale oo mudanayaasha ah ayaa iyana ku doodaya in Madaxweynaha uu soo dalban
karo in fadhiga baarlamaanka muddo lagu daro, isla markaana ay muhiim tahay in
baarlamaanka sii shaqeeyo, maadaama hindise sharciyeedyo uu horyaalo.
Dooda
Xildhibaanada ayaa ah mid sii socota, waxaana lagu wadaa in Gudoonka
Baarlamaanka uu cod u qaado codsiga Madaxweynaha.
Wararka
qaar ayaa sheegaya in sababaha kalfadhiga baarlamaanka loogu kordhinayo muddo
bil ah ay tahay in isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada oo la
doonayo in baarlamaanka ansixiyo inta aanu fasax gelin.
Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa horay fasax u soo galay markii uu dhamaaday kalfadhigii koowaad
ee baarlamaanka, waxaana lagu xusuustaa kalfadhigaas, ansixintii Ra’iisul
Wasaaraha, Golaha Wasiirada iyo Miisaaniyad sanadeedka dowladda.
Saraakiil
Brirish ah oo Baladwayne lagu arkay
Wararka
naga soo gaaraya magaalada Baladwayne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in
halkaas ay gaareen saraakiil ka tirsan Millatariga UK.
Saraakiisha
ayaa la sheegay markii ay gaareen Baladwayne in ay booqdeen xarumaha ciidamada
AMISOM ee ku yalla magaalada iyo kuwa dowladda ee Beledweyne.
Saraakiisha
British-ka ee gaaray Baladwayne waxaa hoggaaminaayay Col. Maklan oo ka scoda
wsafaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, wuxuuna mar uu la hadlay
warbaahinta uu sheegay in uu aad ula dhacay qaabka ay ciidamada xoogga u
sugeen ammaanka magaalada iyo gobolka.
Wuxuu
sheegay in baahiyaha militari ee ka jira gobolka uu u gudbin doono dowladdiisa,
isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii taageero militari loo siin lahaa
ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha
ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan, Col. Towane Axmed Gurubey ayaa
warbaahinta u sheegay, in ay kala hadleen wafdiga dowladda Ingiriiska ka
socday, sidii ay uga taageeri lahaayeen dhinacyada qalabeynta ciidamada.
Si
kastaba, ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay intii saraakiisha
Britisho ay ku sugnaayeen halkaas. waxaana lagu soo warramayaa in ay goobta ka
sheegeen in Baladwayne ay ka furi doonaan xarun wayn oo lagu tababaro ciidamada
dowladda.
Ciidamo
DF ay u dirtay Kismaayo oo ay dib usoo celiyeen ciidamada Kenya
Ciidamo
ka tirsan kuwa dowladda Somalia, oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo, ayaa waxaa
is hortaag ku sameeyey ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee jooga gobollada
Jubbooyinka, dibna u celiyey
Ciidamadan
ayaa la sheegay inay ka baxeen goblka Gedo, ayna doonayaan inay Kismaayo
galaan, si ay amniga u sugaan, sida ay sheegeen.
Axmed
Sheikh Maxamed oo ah taliyihii watay ciidankan ayaa sheegay in amarka lagu
joojiyey uu kasoo baxay taliyaha ciidamada Kenya ee Somalia.
“Taliyaha
Ciidamada Kenya waxa uu inoo sheegay in haddii aan wax dhaq dhaqaaq ahna
sameyno in cirka iyo dhulka ay inaga soo weerari doonaan, sidaas ayaana ku
istaagnay” ayuu yiri taliye Axmed Sheikh.
“Innagu
iskama socon ee amar dowladeed ayaan ku baxnay” ayuu yiri
Axmed
Sheikh, ayaa sheegay in ayagu aanay Kismaayo ugu socon inay fara geliyaan
dagaalka, balse ay doonayeen inay xal ka abuuraan halkaas, balse si kale loo
fahmay.
Waxa
uu sheegay in ciidamada Kenya ay ilaalinayaan kuwa Raaskambooni, sidaa darteedna
aysan arki karin cid kale, si Raaskambooni ay dagaalka Kismaayo ugu adkaato.
Ciidankan
ka tirsanaa kuwa DF, ayaa iminka ku xanniban deegaanka Gariley ee gobolka Gedo.
Wasiirka
Warfaafinta oo furay shir wasaaraddu u Qabatay Shirkadaha Isgaarisiinta
Wasiirka
Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge
ayaa saaka subaxdii furay shir muhiim ah oo ay wasaaradda iyo ururka
Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU iska kaashadeen kana bilawday magaalada Dubai
ee dalka Imaaraadka Carabta. Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan shirkadaha
Isgaarsiinta ee ka shaqeeya dalka Soomaaliya ayaa waxaa saaka furay wasiirka
isagoo uga mahadceliyay shirkadaha Isgaarsiinta inay kasoo qaybgaleen shirkan
meel dheerna uga yimaaddeen waxuuna wasiirku u sheegey shirkadaha inay ka
faaiideystaan shirkan oo ah mid lagu soo gudbin doono culuum faaiido badan u ah
shirkadaha.
Shirkan
oo ay iska kaashadeen ururka Isgaarsiinta Caalamka iyo Wasaaradda Warfaafinta
ayaa maalintiisii 1aad lagu soo bandhigay warbixin ay soo diyaarisay wasaaraddu
oo kusaabsan qaabka loo maamulo Hirarka(Spectrum Management) iyo sida
shirkaduhu ukala isticmaalaan.
Hay’adda
sharci dajinta Isgaarsiinta ee waddanka Imaaraadka (RTA) oo iyadu qabatay
shirka ayaa shirkadaha Soomaaliyeed warbixin dheer ka siisay qaabka ay u
shaqeeyaan shirkadaha caalamka iyo waliba dhibaatadii ay kasoo gudbeen iyadoo
sheegey iney diyaar u yihiin in wasaaradda Warfaafinta ka caawiyaan arimahan.
shirkan
oo loo balansan yahay inuu maalinta barito ahna subaxdii ka bilawdo isla
madashii ayaa lagu wadaa in shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay wax ku
qaadan doonaan.Shirkadaha ayaa soo dhaweeyey macuumaadka ay helaan maanta
iyagoo ku rajo wayn iney heli doonaan warbixino dheeri ah maalinta bari ah
iyagoo si wadajir ah usoo dhaweeyey shirkan kana rajaynaya hormar dhinacwalba
ah.
Radio
Muqdisho, Dubai UAE
Shaqaalaha
dab-damiska oo tababar loogu soo xiray Muqdisho
Wasiirka
arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta tababar u soo xiray shaqaalaha
dab-damiska ee gobolka Banaadir.
Tababarka
oo ay bixinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa
socday muddo shan iyo toban maalmood ah, kaasoo shaqaalaha lagu baray hannaanka
ugu wanaagsan ee ay u badbaadin karaan dadweynaha iyo hantida haddii uu dabi
qabsado goob ay ku sugan yihiin.
Wasiirka
arrimaha gudaha iyo amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa guul ku tilmaamay in
muddo dheer kaddib ay shaqalaha dab-damisku ka hawlgallaan gobolka Banaadir,
lana siin doono tababar kale muddo toddobaad ah si sare loogu qaado aqoontooda.
Guddoomiyaha
gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa
sheegay in shaqaalaha laga rabo in ay u gurmadaan dadweynaha ku nool goobaha uu
dabku qabsado, ayna si taxadar leh ula tacaalaan masiibadaasi, maadama ay tahay
mid u dhaxaysa geeri iyo nolol.
Dowladda
hoose ee gobolka Banaadir ayaa horay tababar noocan oo kale u siisay shaqaalaha
dab-damiska ee gobolka Banaadir, kaddib markii uu maamulka ugu deeqay saddex
gaari oo ah nooca dab-damiska ah billowgii sanadkan.
Saturday, 29 June 2013
China steps up operations in Xinjiang
Continue reading the main story
Related Stories
China says it will step up its operations in the western Xinjiang region, after days of unrest.
State-run media reported that more than 100 people riding motorcycles, some wielding knives, attacked a police station in remote Hotan on Friday.
It follows Wednesday's clashes elsewhere in Xinjiang which killed 35.
At a meeting chaired by President Xi Jinping, China's leaders resolved to crack down on those responsible for the violence.
Senior Communist Party official Yu Zhengsheng said China "would strike hard on violent terrorist attacks," according to state-run Xinhua.
Appealing for calm and vigilance from local people at a meeting in Xinjiang's capital Urumqi, Mr Yu said China would impose severe punishment on those taking part in violent crimes.
"We will step up the actions to crack down upon terrorist groups and extremist organisations and track the wanted," Mr Yu added.
A military exercise took place on the streets of Urumqi on Saturday, according to Agence France-Presse news agency.
The agency reported that large sections of the city centre were shut down as tanks and armed personnel blocked access to streets.
China's Global Times, which is owned by the Communist Party, says that security has been beefed up in Xinjiang.
Confirming reports from the region is difficult because information is tightly controlled.
Ethnic divisions
Xinjiang has seen sporadic outbreaks of violence fuelled by ethnic tensions.
The Muslim Uighur community makes up about 45% of the population in the region, which borders central Asia. Many Uighurs feel that an influx of Han Chinese has left them and their culture marginalised.
The latest unrest comes ahead of the fourth anniversary of rioting in Urumqi, in which almost 200 people died.
The BBC's former Beijing correspondent, Michael Bristow, says Chinese officials use the label "terrorist" for most opponents in Xinjiang.
Many think the real cause for the region's sporadic unrest is Beijing's heavy-handed treatment of the ethnic Uighurs, he says.
DEG DEG: Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga oo Garoonka Muqdisho kulamo kula leh
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa halkaas kulan kula leh Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo wafdigii ka keenay Cadaado oo uu ku jiro Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb.
Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Jowhar.com Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo markii hore ku lug lahaa wada hadalada Xasan Dahir lagu keenayay Muqdisho ayaa hada kulan toos ah la leh wadaadka.
Sheekh Xasan Dahir ayaa wali ku sugan garoonka oo aan laga bixin, sidoo kale qaar ka mid ah xubnihii ka keenay Cadaado ayaa iyana garoonka jooga, waxayna wada hadalada socda ay yihiin kuwo saddex geesood ah oo looga arinsanayo xaalada Xasan Dahir.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan hada ka socda Garoonka uu qeyb ka yahay kulamo ammaanka looga hadlayay oo ay goor dhoweyd yeesheen Hey'adaha ammaanka dowladda, kaasoo ku saabsanaa sida laga yeelayo Wadaadka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlayo dhaqan gelinta heshiis la sheegay inuu ahaa midka Xasan Dahir lagu keenay Muqdisho, kaasoo ay la soo galeen Xubnaha tagay Cadaado ee isugu jiray Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha.
Heshiiska ayaa qodob ka mid ah dhigayay in Xasan Dahir aanan saxaafada la tusin marka uu ka soo degayo garoonka, iyadoo muuqaalo laga soo qaaday garoonka Cadaado markii uu ka soo baxayay la arkayay wadaadka oo khamiis xirnaa oo wajiga ay camaamad ugu duubneyd, iskana qarinayay saxaafada.
Xasan Dahir lagama haayo inuu isa soo dhiibay, inuu ka tanaasulay fikirkiisa iyo inuu dowladda ku soo biira doona, sidoo kale lama oga halka ay ku dambeyn doonto mustaqbalkiisa.
Hase ahaatee waxaa kaliya muuqata in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan, isla markaana uu ku sugan yahay mid ka mid ah goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo.
Waxaa xusid mudan in markii Sheekh Xasan Dahir ka soo degayay garoonka Muqdisho aanay madaarka ku sugneyn Ciidamada AMISOM, waxa kaliya ee goobta joogay ay ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka dhacay kulan gaar ahaa, oo ay ka qeyb galeen taliyeyaasha ammaanka, kaasoo looga arinsanayay sidii Xasan Dahir ammaankiisa loo adkeyn lahaa.
Xaalada magaalada ayaa ka duan sidii hore, iyadoo aad looga hadal haayo Xasan Dahir oo caawa fiidkiia y diyaarad keentay, waxaana ammaanka magaalada uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay.
La soco wixii ku soo kordho.
Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Jowhar.com Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo markii hore ku lug lahaa wada hadalada Xasan Dahir lagu keenayay Muqdisho ayaa hada kulan toos ah la leh wadaadka.
Sheekh Xasan Dahir ayaa wali ku sugan garoonka oo aan laga bixin, sidoo kale qaar ka mid ah xubnihii ka keenay Cadaado ayaa iyana garoonka jooga, waxayna wada hadalada socda ay yihiin kuwo saddex geesood ah oo looga arinsanayo xaalada Xasan Dahir.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan hada ka socda Garoonka uu qeyb ka yahay kulamo ammaanka looga hadlayay oo ay goor dhoweyd yeesheen Hey'adaha ammaanka dowladda, kaasoo ku saabsanaa sida laga yeelayo Wadaadka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlayo dhaqan gelinta heshiis la sheegay inuu ahaa midka Xasan Dahir lagu keenay Muqdisho, kaasoo ay la soo galeen Xubnaha tagay Cadaado ee isugu jiray Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha.
Heshiiska ayaa qodob ka mid ah dhigayay in Xasan Dahir aanan saxaafada la tusin marka uu ka soo degayo garoonka, iyadoo muuqaalo laga soo qaaday garoonka Cadaado markii uu ka soo baxayay la arkayay wadaadka oo khamiis xirnaa oo wajiga ay camaamad ugu duubneyd, iskana qarinayay saxaafada.
Xasan Dahir lagama haayo inuu isa soo dhiibay, inuu ka tanaasulay fikirkiisa iyo inuu dowladda ku soo biira doona, sidoo kale lama oga halka ay ku dambeyn doonto mustaqbalkiisa.
Hase ahaatee waxaa kaliya muuqata in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan, isla markaana uu ku sugan yahay mid ka mid ah goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo.
Waxaa xusid mudan in markii Sheekh Xasan Dahir ka soo degayay garoonka Muqdisho aanay madaarka ku sugneyn Ciidamada AMISOM, waxa kaliya ee goobta joogay ay ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka dhacay kulan gaar ahaa, oo ay ka qeyb galeen taliyeyaasha ammaanka, kaasoo looga arinsanayay sidii Xasan Dahir ammaankiisa loo adkeyn lahaa.
Xaalada magaalada ayaa ka duan sidii hore, iyadoo aad looga hadal haayo Xasan Dahir oo caawa fiidkiia y diyaarad keentay, waxaana ammaanka magaalada uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay.
La soco wixii ku soo kordho.
Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
Friday, 28 June 2013
SH Xasan Daahir Aweys oo ogolaaday inuu ka tago deegaanada maamulka Ximan iyo Xeeb kadib markii uu ku adkaystay go’aankiisa
Cadaado(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in SH Xasan Daahir Aweys oo maalmihii danbe ku sugnaa halkaa uu ogolaaday inuu ka boxo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb kadib markii uu ku gacan saysay talooyin ku aaddanaa inuu Muqdisho usoo raaco wafti dhawaan Cadaado gaaray.
SH Xasan Daahir Aweys ayaa la tilmaamayaa inuu diiday inuu Muqdisho yimaad si uu wadahadal ula yeesho madaxda dowladda Soomaaliya arintaas oo ay isku dayayeen iney ka dhaadhiciyeen wafti uu hogaaminayo Xildhibaan SH C/qaadir Cali Cumar oo kulamo isdaba joog ah 2dii maalmood ee u danbeeyey Cadaado kula lahaa SH Xasan Daahir Aweys iyo masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb.
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in wadahallo saacado badan qaatay kadib uu SH Xasan Daahir ogolaaday inuu ka boxo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Ximan iyo xeeb,kadib markii sida uu sheegay uu SH Xasan ku adkaystay go’aankiisa ah inuusan waftiga Muqdisho usoo raacin.
Hagafeey ayaa tibaaxay in la magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood kuwaas oo xiligan wadahadallo la leh SH Xasan Daahir Aweys wuxuuna tilmaamay in gudigani ay soo sheegi doonaan xilliga uu baxayo iyo halka uu aadayo SH Xasan Daahir Aweys.
Lama oga hadka uu u dhaqaaqi doono SH Xasan Daahir Aweys hadii uu ka tago deegaanada maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu xiligan ku sugan yahay,waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya inuu qorsheynayo inuu aado magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo ay ku sugan yihiin rag kale oo ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam oo uu ka mid yahay gudoomiyihii ugu horeeyey ururkaa SH Cumar Imaan Abubar iyo rag kale.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
Subscribe to:
Posts (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...