Thursday 27 June 2013

Sir La Helay:Fadeexad M/Weyne Xasan Ku Dhacay Kadib Markii Uu Si Hoose U Saxiixay In La Xiro

Sir La Helay:Fadeexad M/Weyne Xasan Ku Dhacay Kadib Markii Uu Si Hoose U Saxiixay In La Xiro Xawilaadaha Soomaalidda Ee Ingiriiska(Sirta Loo Xirayo Oo Aan Helnay)PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Thursday, 27 June 2013 08:23

Sir la helay:Fadeexad M/weyne Xasan ku dhacay kadib markii uu si hoose u saxiixay in la xiro Xawilaadaha Soomaalidda ee Ingiriiska(Sirta loo xirayo oo aan helnay)

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Xasan Culusoow ayaa fadeexadii ugu foosha xumeyd ku dhacay dembina ka galay Soomaalidda,kadib markii uu si hoose ugu saxiixay Reysalwasaaraha Ingiriiska David-Cameron in la xiro Akoontiyadda Xawilaadaha Soomaalidda Ingiriiska ku leeyahay Bangiyadda Dalka Ingiriiska.

Sirta ka dambaysa Xawiladaahan in la xiro ayaa ka dambaysa inay si toos ah hadda kadib u wada shaqeeyaan Bangiyadda Ingiriiska iyo Bangiga-Dhexe ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed si Hey'adaha Samafalka Ingriiska oo markii hore lacagaha loo soo marsiin-jiray Xawilaadaha Soomaalidda ay hadda kadib lacagtooda Jeek ahaan uga qaataan Bangiga dhexe ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo London ka dhoofay 17-kii bishan Juune,ayaa markii uu ka soo baxayey Muqdisho ku been-guuray inuu shirka G-8 ka qeyb-galayo iyo dhalashadda Boqoradda Ingiriiska,laakiin 2-daas shir midna kama qeyb-galin ee ujeedada uu London u yimid aya aheyd inuu Ingririiska si hoose ugu saxiixo in la xiro Xawilaadaha si loo cuna-qubateeyo Soomaalidda,loona hoos-yimaado Bangiga-dhexe ee Muqdisho ku yaal.

Soomaalidda Ingiriiska ayaa hadda ku baraarugtay in 2-dii jeer ee Madaxweyne Xasan uu London yimid inuu ka shaqeynayey sidii cunaha loo qaban-lahaa Soomaalidda loogana xiri-lahaa Akoonyadda ay ku leeyihiin Ingiriiska si Shacabka Soomaaliyeed iyo Maamuladda jira ee Somaliland,Puntland iyo Jubbaland loogu qasbo inay hoos-yimaadaan Bangiga-dhexe ee Soomaaliya oo lacago cusub oo shilin-Soomaali ah soo daabacanaya.

Qofkii aaminsanaa Madaxweyne cusub  baa Soomaali dooratay can-dhuuftaada gadaal u liq oo waxaad ogaataa inaan Musiibo dooranay,ninkan iyo Xertiisa Damjadiid iyo HAG waa kooxo dhaqaalo-doon ah oo 3-da sanno iyo 2-da bil oo u dhiman cuna-qabatayn-doono Soomaalidda,maantana waxay ku guuleysteen inay xiraan xawilaadihii Soomaalidda ee Ingiriiska,iyagoo kadibna u gudbaya inay xiraan Xawilaadaha kale ee Yurub iyo Waqooyiga-Ameerika ku yaal.

Xubin ka tirsan Ururka HAG ee London ahna Xildhibaan ka tirsan Dawladda Federaalka iskuna magacaabay darajadda Professor-Guure ayaa maalmahan la arkayey isagoo Beesha uu ka dhashay uga digayo inay lacagahooda kala baxaan Xawilaadaha,maadaama mar-dhaw la xiri-doono Xawilaadaha Kaah oo Absame ay leeyihiin iyo Xawilaadda Dahabshiil oo Isaaq ay leeyihiin,kadibna la xiri-doono Xawilaadaha kale sida Amal iyo Iftin oo Mj ay leeyihiin,si loogu qasbo inay hoos-yimaadaan Bangiga-dhexe ee Muqdisho ku yaal.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...