Wednesday 26 June 2013

Bare Oo Dhacay Gaarigii Tooshle Iyo Ciidamadda Jubbaland Iyo Kuwa Bare Oo Kaalmo Ka Helaya Cabaas-Gureey Oo Kismaayo Ku Dagaalamay


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 26 June 2013 15:14

Maleeshiyo Beeleedyo taagersan Bare Hiraale ayaa dhacay Gaari uu iska lahaa Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubbaland oo lago magacaabo Tooshle,arintan ayaa sababtay inay isku dhacaan Ciidamadda Jubbaland iyo kuwa Bare-Hiiraale oo markii dambe garab ka helay Ciidamado ku sugnaa Warshadda Hilibka  Kismaayo oo Cabaas-Gureey nin la dhaho uu madax u yahay oo isagu maalmahan Muqdisho shir kula lahaa Reysalwasaaare Saacid.

Dagaalkan ayaa hadda qaboobay kadib markii Maleeshiyaadkii Cabaas-Gureey oo markan si toos ah uga amar-qaadanaya Reysalwasaare Saacid dib loogu celiyay Xeradii ay ka soo dagaal-tageeen,waxaana ciidamadda Jubbaland hogaaminayay Madaxweynaha KMG-ah General Fartaag oo hadda dhib ku qaba Maleeshiyaad reerkiisa u badan oo mudooyinkan looga gacan-haatinayey Muqdisho oo iyago jecel in dagaal ka qarxo Kismaayo si looga farxiyo Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Reysalwasaare Saacid oo u arka inay dantooda ku jirto in Maleeshiyaadka Bare ay colaad ka hurinayaan Jubbaland si aysan u hirgelin Maamulka Jubbaland oo hadda caqabadda koowaad ay ku noqdteen Maleshiyaad Muqdisho laga masruufo.

Nasiib-daradda Kismaayo heysato ayaa hadda noqotay iyadoo Magaaladda Kismaayo uu ku sugan-yahay Bare-Hiiraale oo magaaladda u joogo inuu colaad ka huriyo,halka Madaxda Maamulka Jubbaland ay weli gacmahooda ka laabanayaan inay bir ku qabtaan nin Muqdisho uga yimid inuu fidno iyo colad ka huriyo Kismaayo,waxaana la isku raacay inta Bare uu Kismaayo joogo in markasta la maqli-doono,Gaari buu dhacay iyo dad buu dilay,maadaama uu ogaaday in Madaxda Jubbaland ay yihiin Niman xishoonaya oo iska ilaalinaya Muqdisho, balse aan ku xisaabtamin in Abeeso-lugaleey Kismaayo ay u dhex-jiifto.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...