Saturday 15 June 2013

Somalia - Wararka Maanta

Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Duulista Cirka Iyo Saadaasha Hawada:-WARSAXAAFADEED
Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare  Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxayna ka doodeen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeed ay soo gudbiysay Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Shirakad Turki ah oo dhawaan lagu wareejin doono maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, Dib-u-soo celinta feestooyinkii iyo qadarintii 26 June iyo 1-da Luuliyo, iyo Wasaarada Horumarinta iyo Adeega Bulshada oo soo jeedisay qabashada shir muhiim ah oo ku saabsan midaynta manhajka waxbarasho ee dalka.
Shirka goluhu markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbixiyey qodobadii ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, B.Isgaarsinta iyo Gadiidka Mudane Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo  ugu horayntii ka hadlay ahmiyada uu leeyahay sharciga duulista cirka iyo saadaasha hawada.
“Sharcigaan waxa uu kaalin mug leh ka qaadanayaa dib u hanashada maamulka hawada Soomaaliya , kobcinta dhaqaalaha, abuurida shaqooyin dalka gudihiisa, soo celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, iyo xirfadlayaal sare oo dalku yeesho, waxaa xusid mudan in Wasaaraddu ku guulaystay in ay dib u la soo noqoto maamulka hawada Soomaaliya 22 sano kadib oo ay horay u maamulaysay Hay’ada ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka hawada” ayuu yiri Wasiirku
Sidoo kale goluhu wuxuu  go’aan saday in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, waxayna shirkadaas balan qaaday in mudo sideed bilood gudaheed ah lagu soo kordhin doono garoonka isbadal dhan kasta ah, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay  gacanta ku hayey maamulka garoonka diyaaradaha shirkada SKA.
Dhanka kale goluhu wuxuu ayidday soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada taas oo ah in la qabto shir looga hadlayo waxbarashada dalka oo dhici doona 18-20 bishaan June, kaas oo ay ka soo qayb galayaan qurba joogta, aqoonyahanada, culimo-u-diinka, iyo xubno ka tiran golaha wasiirada, waxaana wasaaraddu soo bandhigaysaa manhaj midaysan oo dalku yeelanayo.
Ugu danbayntii goluhu wuxuu isku raacay in maalmaha 26 June iyo 1-da luuliyo loo sameeyo dabaaldegyo balaaran oo lagu muujinayo qaranimada Soomaaliya, waxaa sidoo kale goluhu meel mariyey in dhamaan deeqaha dhaqaale ee dalka soo gala la soo marsiiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka.
Ciil Mooge: Ma yeeleyno gacan aan dowladda ahayn in uu soo maro Gar gaarka Samafalka
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aa la ogolaan doonin gacan kale oo deeq bixiyaasha ay u soo mariyaan Gurmadka Samafalka ee loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed oo aan ka ahayn dowladda Soomaaliya.
Kadib kulankii Golaha Xukuumadda ay shalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi uu sheegay in goluhu ay meel mariyeen in aan la aqbali doonin gacan kale oo samafalka loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed loo soo mariyo ee si toos ah dowladda loogu soo dhiibo sida uu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay in ay bateen Hay’ado yar yar oo caalamka Magaca Soomaaliyeed dhaqaalo iyo gurmad samafal uga soo qaado kuwaasi oo aanu dowladdu kawar qabin halka ay mariyaan iyo sida ay u maareeyaan.
Sikastaba dhawaan ayaa waxaa soo bexeysay eedeeymo Musuq Maasuq ah oo loo jeedinayay Hay’ado ka mid ah kuwa gar gaarka ee ka howl gala Magaalada Muqdisho.
Nin Soomaali ah oo Sedax Ruux oo Soomaali ah ku Dilay Dalka Mareykanka
Magaalada St. Louis ee dalka maraykanka ayaa waxaa ka dhacday arin xanuun badan kadib kolkii nin soomaali ah uu ku dilay sadax qofood oo ay laba dumarah ku jiraan isagoo is dilay markaa kadib
Booliiska ayaa waxaa ay sheegeen in soomaalidan uu ka dhaxeeyay ganacsi midka mid ah ayaa waxaa uu ahaa milkiilaha goob dadka dhimirka looga jiro iyo waayeelada lagu xanaaneeyo iyadoo kuwa kalena ay ahaayeen shaqaalaha ninkaas

Waxaa la maqlay rasaas ka dhacaysa gudaha xaruntan ganacsi iyadoo booliska ay sheegen in kaamirada  ku xirneed gudaha goobtan ay muujinayso in nin ka mid ah  soomaalidan uu diilay kuwa kale kadib muran dhex maray isagana is dilay
Wadka dariska la ahaa ayaa waxaa ay sheegayaan in todabaadyadanba murano iyo buuq u dhaxeeyay Soomaalidan ay arkayeen balse ma cada sababaha kadanbeeeya in  soomaalida afarta ah ay dhintaan iyadoo la la yaababan yahay ujeedka uu isku dilay midka hubaysnaa.
Waxaa goobta isagu soo baxay dad qaraabo la ahaa soomaalidii dhimatay iyadoo kolkaa kadibna uu buuq dhaxmaray qoysaska dadkan uu boliiska soo dhex galay.
Taliska ciidanka Kenya oo Muujiye Taageerada ay u hayaan Maamulka Axmed Madoobe
Taliska ciidanka Kenya ayaa beeniye in ay gacan ku leeyihiin Dagaalkii ka dhacay Magaaladda Kismayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose isla markaana amaanka Gobihii lagu dagaalameyna ay gacanta ugu jiraan Cidamadda Kenya.
Abaandulaha Ciidamada Kenya Gen.Julies Kelangi aya sidoo kle sheegey in Axmed Maddobe ay soo doorteen Dadka Deeganka  Jubbaland iyagoo racaya Shuruucda iyo xeerarka ay ayagu degsadeen kadib ay madaxweyne u doorteen Axmed Maddobe.
Gen.Julies ayaa intaa ku daray in in Axmed madoobe uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubboland  isagoo sheegay in uu ku yimid rabitaanka beelaha Daga Gobalada Jubbooyinka.
Golaha Ammaanka oo ka hadlay Qaska ka taagan Jubbooyinka
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan xaalada amniga ee ka sii daraysa ee goballada  jubbooyinka qaasatan Magaalada Kismaayo iyo saamayntii ay ku yeelatay dagaaladii ka dhacay dadka shacabka ah iyo xaaladaha beni adanimo ee halkaas ka taagan
Dhammaan  xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay kooxaha halkaasi isku haya in ay ka fogaadaan qal qal gelinta Amniga iyo Xasiloonida gobollada jubbooyinka lana shaqeeyaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya  si looga gaaro xal nabad buuxda ku dhisan dhibaatoyika ka taagan Jubooyinka iyo xaaladaha banii adanimo ee ka jirtana looga gudbo
Xubnaha golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay  taageerayaan horumarka iyo dowlad ku shaqaysa hanaanka federaaliismka iydoo la waafajinayo hanaanka dastuuriga ah lana xushmeynayo midnimada dadka Soomaaliyeed si loo gaaro xiriir wadashaqayn oo ku dhisan  daacadnimo oo u dhaxeeysa dowladda Federaalka iyo Maamullada gobolada dalku ka kooban yahay.
Dhamaan xubnaha golaha ammaanka ayaa ku biiriyay taageeradooda war murtiyeedkii dhawaan ka soo baxay urur gobaleedka IGAD kana dalbaday wadamada dariska la ah Soomaaliya in ay door muhiima ka cayaaraan sidi loo dhimi lahaa xiisadaha ka jira Gobalada jubbooyinka.
Golaha amaanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay balanqaadka dowlada federaalka ee Soomaliya  ee ah in la sii wado dadaalada waan waanta ee ku  aadan Gobalada Jubooyinka taageerana loo muujiyo xafiiska cusub ee UNSOM  iyo howl galka midowga Africa ee soomaliya
Xubnaha golaha ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in xal nabadeed laga gaaro xaalada  jubbooyinka meeshana laga saaro Ururka Al-shabaab dibna loogu soo celiyo nabad iyo barwaaqo ay ku naaloodaan dadka soomaaliyeed iyo in xal nabadeedna lagu dhameeyo dhibaatooyika ka jira dalka
Warsaxaafadeedkaan ka soo baxay  xubnaha Qaramada Midoobay ayaa carabka ku adkeeyay taageerada lasiinayo AMISOM  kuna celceliyay rajadooda in la qaado ficil lagaga soo horjeedo kuwa wiiqaya nabadda iyo hanaanka  waan waanta ee soomaliya
Hadalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa kadib markii ay isa soo tareen eedeymaha loo soo jeediyey Ciidamda Kenya ee ku sugan Kismayo.
Muqdisho oo Maanta lagu soo bandhigay Hub badan iyo Gaarigii waday kadib markii Ciidamadu qabteen.  
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa howl gal balaaran ee Habeenkii xalay ka sameeyeen Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxa ee kusoo qabteen gaari waday weyn oo waday hub tiro badan.
 Hubkan ee qabteen Ciidamada amaanka ayaa waxaa ku jiray hoobiye-yaal sebano iyo B10 iyo sidoo kale gumacyo hubka culus oo aad u badnaa kuwaa oo gaariga la qabtay lagu waday.
 Hubkan iyo gaariga la qabtay ayaa lagu soo bandhigay xarunta Otto-Otto waxaana goob joog ahaa halka lagu soo bandhigay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed , Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xakiim Daahir Saacid iyo Taliyaha hay,adda Sirdoonka iyo nabad sugidda qaran General Bashiir Goobe.
 Taliyaha Ciidanka booliska soomaaliyeed General Cabdi Xakiim Daahir Saacid ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka lagu soo qabtay gaarigan siday hubka daxaleystay,isagoo sheegay in la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka soomaaliyeed,laakiin ay ciidamada amaanka ka hor tageen arrintaasi.
 Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ee Magaalada Muqdisho kawadeen Howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayay amaanka kuwaa oo lagu soo qab qabtay dad badan oo la tuhmayo iyo Hub.


XOG: Warqad laga siday Madaxweyne Xasan oo la geeyey Ethiopia iyo arrin xasaasi ah oo looga hadlay (Aqri)
 Addis-Ababa (Caasimada Online) - Ilo Xog-Ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiirka Madaxtooyada dowlada Federaaalka ah Farax Cabdulqaadir uu dhowaan tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, isaga oo la kulmay mas’uuliyiinta dalkaasi.
Waxaa la sheegay in safarkiisa uu ku saleysan yahay arriinta dhowaan xasaasiga noqotay ee la xiriirta muranka webiga Nile, waxaana uu la kulmey Raisal wasaare Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkiisa arrimaha dibada isagoo u gudbiyey waraaq uu uga wadey Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Somalia.
Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa waqtigaan waxaa aad u xun xiriirka ay la leedahay Ethiopia, kadib markii Dowladda Somalia ay si aanay ugu tala galin qayb uga noqotey khilaafka wabiga Nile ee u dhexeeya wadanka Masar iyo Ethiopia iyadoo dhowaan booqdeen Muqdishu saraakiil ciidamada ah kuwaasoo ka socdey Madaxweyne Maxamad Morsi.
Farax Cabdulqaadir ayaa wararka Sheegayaan in qoraalka uu gudbiyey sharaxayey mowqifka dowlada Federaalka ah ee ku aadan khilaafka u dhexeeya Ethiopia iyo Masar.
Warqadda ayaa ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online in Madaxweyne Xasan uu Ethiopia ugu caddeeyay in Somalia aanu waxba ka quseyn muranka Webiga Nile, islmarkaana aanay dooneyn inay collaad la abuurtao Ethiopia.
Saraakiishaan ayaa la sheegey iney tababarayaan ciidamada Somalia.
Madaxweynuhu waxaa la sheegay inuu Ethiopia u sheegay in booqashada Waftiga Masar ee Muqdisho aanay u arag dhibaato, ayna dowladda Somalia soo dhoweeneyso cid kasta oo caawineysa, taa macanheeduna aanu ahayn in ay caddaawad la abuurato dhinac kale.
Wasiirka Madaxtooyada oo ah ninka ugu tunka weyn xafiiska Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa horey saraakiishaan ka socotey wadanka Masar ugu soo dhoweeyey garoonka diyaardaha Muqdisho.
Ethiopia ayaa wadanka Somalia waxaa ka jooga ciidamo xoogan kuwaasoo muhiim u ah la dagaalanka kooxda Al-Shabab.
Somaliland oo si kulul uga soo Horjeesatay in deegaanadeeda laga Furo Xafiiska QM ee UNSOM
Maamulka  lamagc baxay Soomaaliland ayaa Qaadacay qorshe uu waday ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xafiiska Kaalmada Soomaaliye ee  UNSOM Nicholas  Kay oo shalay gaaray magaalada Hargeysa  ee Xarunta Maamulkaasi.
Mr Kay ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay  madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Nicholas Kay ayaa madaxweyne Siilaanyo kala hadlay qorshe ay Qaramada Midoobay ku dooneyso iney laan ka mid ah xafiiska UNSOM ay uga furto magaalada Hargeysa.
Markii uu soo dhammaaday  kulanka  labada masuul ayaa waxaa warbaahinta uga waramay waxyaabihii kulanka looga wada hadlay wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland Maxamed C/llaahi Cumar,wuxuuna sheegay in masuuliyiinta maamulka Soomaaliland ay go’aan ka qaateen in xafiiska UNSOM laga furay deegaanada maamulka Soomaaliland.
“Waxaan u sheegnay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya inaan go’aan ku gaarnay in Xafiiska uu hogaanka u yahay aan halkan laga furi karin” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland Maxamed C/llaahi Cumar.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey iney Mr Kay u sheegeen in arintaasi ay dhaawacayso qaranimada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay” Soomaaliland waa dal ka madax bannaan Soomaaliya,arintani waxay ka hor imaanee dastuurka iyo qaranimada dhulkeenna,hawsha xafiiskaasine maaha mid quseysa Soomaaliland” ayuu intaa ku daray wasiirka arimaha dibadda Soomaaliland.
Dhanka kale wasiirka ayaa tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ay ka wada hadleen go’aankii ay Soomaaliland ku joojisay Duullimaadyada diyaaradaha Qaramada Midoobay kadib markii Soomaaliland ay ka carootay tallaabadii Qaramada Midoobay ay dowlada Soomaaliya ugu wareejisay maamulka hawada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku adkeestay in ay wali ku taagan yihiin go’aankii ay ku mamnuuceen Duullimaadka diyaaradaha shaqaalaha Qaramada Midoobay ee deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland,Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegay in maamulkoodu uu ogolaaday iney fasaxaan diyaaradaha Qaramada Midoobay ee wada gargaarka caafimaad sida tallaalka iyo wax walba oo ay dani ugu jirto bulshada Soomaaliland sida uu hadalka u yiri.
Dowladda oo sameyneysa Maxkamad ka hor tagta ku xad gudubka dastuurka
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda Xasan Max’ed Jimcaale oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorsho Wasaaraddu ay hor geysay Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiir Ku xigeenka ayaa tilmaamay in qorshahaasi ay ku jirtay Sameynta Makamad dastuuri ah oo la soo  taago dastuurka Qaranka Soomaaliyeed.
Inta badan dhinacyada Siyaasadda isku haya ayaa isku eedeeya in midba midka kale uu ku Xad gudbo dastuurka uuna hareer maray Sharcigii iyo xeerkii Soomaaliya u yiilay.
Xasan Max’ed Jimcaale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda ayaa ugu dambeyn sheegay in si looga gudbo isk heysigaasi  Wasaaraddu ay waddo dadaallo ay ku sameyneyso Maxkamad dastuuri ah oo la soo taago dhinacyada ku xad gudba Dastuurka dalka.
Nin Soomaali ah oo Mareykanka dad ku dilay, isagana is dilay
Afar qof oo saddex ka tirsan ay Soomaali ahaayeen ayaa ku dhimatay fal toogasho ah oo ka dhacay magaalada St. Louis ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka.
Nin Soomaali ahaa ayaa dilay labo qof oo kale oo Soomaali ahaa iyo qof kale oo ajanabi ah ka hor inta uusan isaguna is dilin.
Warbaahinta NBC news ee dalka Maraykanka ayaa laga soo xigtay in mashaqadaas ay dhacday Khamiistii 1:30 habeenimo xilliga dalka Maraykanka.
Booliska gobolka Missouri ayaa sheegay in ay heleen meydka ninka dilka geystay oo lagu magacaabi jiray Axmed Dirir oo da’diisu ay ahayd 59 jir, isla markaana agaasime ka ahaa xarun ay howsheedu tahay daryeelka caafimaadka, sidoo kalena wuxuu boolisku helay meydadka seddexda qof ee kale oo kala ah Khadra Muuse oo 44 jir ahayd,  Saciid Cabdalla oo 29 jir ahaa iyo haweeney la oran jiray Bernice Solomon-Redd 00 54 Jir ahayd.
Capt. Michael Sack ayaa wariyeyaasha u sheegay in kaamerada ammaanka ay soo bandhigtay muran dhex maraya ninka hubeysan iyo seddexda qof ee kale ka hor inta uusan rasaasta ku furin.
Ninka ayaa la sheegay in uu falka dilka ah u isticmaalay qori sida darandooriga u dhaca sida uu soo bandhigay muuqaalka video-ga ah.
Taliyaha Booliiska Oo Sharaxay Qorshe Cusub Oo Wax Looga Qabanayo Ammaanka
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey qorshaha lagu doonayo in howlgalo cusub looga bilaabo guud ahaan dalka,  iyadoo talisku uu uga mahda celiyey shacbaka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan ciidamada Ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Saacid ayaa qorshahaasi ku sheegay in ciidamada amnigu ay u wadashaqeyndoonaan qaab aad u wanaagsan oo iskaashiy ah,  iyagoo iskaashi la yeelanaya qeybaha bulshada maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa degmooyinka intaba.
‘’Waxaa nasiib wanaag ah howlgaladan 40% waxaa naga caawiyay shacabka iyagaa noo tilmaama meelaha cadowgu maro, iyo meelaha uu wax gashto, anaguna islamarkiiba waxaan ku qabanaa gacan adag oo bir ah’’Sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Saacid.
Taliyaha yaa rajo wanaagsan ka muujiyay in qorshahan cusub uu dhiirigelindoono xasilinta magaalada,  kaasoo ah qorshaha Labaad oo socondoona Sagaashan casho.
Ximan iyo Xeeb oo madaxweyne cusub yeelatay
Baarlamaanka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa doortay madaxweyne cusub kaddib doorasho maanta ka dhacday magaaalada Cadaado ee xaruunta maamulkaas.
Doorashada oo ay ku tartamayeen saddex musharrax oo kale ah Cabdullaahi Cali Maxamed, Cismaan Maxamed Cali (Socdaal) iyo Cali Amiin Sayid Axmed ayaa waxaa codadkii la dhiibtay si aqlabiyad leh ugu guuleystay Cabdullaahi Cali Maxamed oo helay 20 cod oo kamid ah  23-xubnaha baarlamaanka oo codeynayey.
Cismaan Maxamed Cali ayaa isna helay 2 cod, halka musharrax saddexaadma Cali Amiin uu ka helay hal cod.
Afhayeenka baarlamaanka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Faarax Jimcaale oo ku dhawaaqay natiijada  ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si xaq iyo xalaal ah.
Madaxweynaha xilka hadda hayo ee maamulka Maxamed Aadan Tiicey doorashada kama aanu qeybgelin.
Madasha ay doorashadu ka dhaceysay waxaa ku sugnaa madax kala duwan, golayaasha guurtida, garsoorka iyo dadweyne goob-joog ka ahaa.
Dowlada Masar oo Cabsi laga Qabo in ay Hubeeyso Al-Shabaab iyo ONLF si ay ugu Adeegsato Dowlada Ethiopia
Dadka Darsa Siyaasadaha Africa, ayaa waxa ay sheegen in Dowladda Masar ay xiligaani qarka u saaran tahay inay Hubeyso xoogaga Alshabaab iyo Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta Dowladda Ethiopia.
Kamaal bin Ali oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo iminka ku nool Magaallada London ee Cariga Dalka Britain, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Masar ay qaati ka taagan tahay Biyaha Niilka, isagoona sheegay in Masar ay dooneyso inay Kooxaha Nabadiidka ay ku kiciso Dowladda Ethiopia sida uu hadalka u dhigay.
‘’Waa arrin halis galinkarta Hanaanka Diplomaasiyadeed ee Dowladda Ethiopia iyo Masar, waxaana la saadalinaaya in Masar ay sidii ku heli laheyd biyaha ugu badan webiga Niil ay adeegsato kooxaha nabadiidka ah’’.
Khabiirka waxa uu sheegay in Masar ay xiligaani u muuqaneysa mid sii galeysa xaalad xun oo dhanka biya, waxa uuna Tilmaamay haddii ay masar weyso biyo ku filan ay shacbiga kala soo horjeysan doonaan Banaanbax iyo inay ka haajiraan dalka.
Dhanka kale, Prof Moamed Adil Salim oo isaguna u dhashay dalka Masar kana mid ah Siyaasiyiinta falanqeysa Siyaasada, ayaa waxa uu Tilmaamay in Dowladda Masar ay caqabado badan kala kulmeyso haddii ay Dowladda Ethiopia ku dhaqaaqdo xiriinka biyaha Webiga Niil, waxa uuna sheegay in Masar sidii ay Biyo badan ku heli laheyn u adeegsaneyso Mucaaradka Ethiopia sida Alshabaab iyo ONLF.
Dowladda Masar ayaa waxa ay xiligaani ku dhaqaaqday xoojinta xiriirka kala dhexeeyay Somalia iyadoona dadaal ugu jirto in dhanka Somalia ay ka indha in dheysato Webiga Niil.
Jubba Airways oo ka hadashay baaqashada duullimaadkeedii Gaalkacyo
Xafiiska shirkadda duullimaadyada Jubba Airways ee magaalada Gaalkacyo  ee gobolka Mudug ayaa ka warbixiyey duullimaadyadii shirkadda oo shalay uu joojiyey maamulka Puntland.
Maamulaha Jubba Airways ee waqooyiga Gaalkacyo Suleymaan Cabdi Daqarre shir jaraa’id ka sheegay in wasaaradda duulista iyo hawada ee   Puntland ay hakiyeen duullimaadyadii shirkaddu ay ku tagi jirtay Gaalkacyo kaddib canshuur kordhin uu maamulku uu sameeyay oo ay cabasho ka muujiyeen.
Daqarre ayaa ka codsaday maamulka Puntland in uu dhimo canshuurta lagu kordhiyay shirkada oo uu xusay in aad u badan tahay.
Jubba Airways ayaa muddo 10 sano ah ka howlgaleysay magaalada Gaalkacyo.
Duullimaadka shalay baaqday ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dad fara badan oo doonayey in ay diyaaradda raacaan.
Isticmaalka lacagta 5-boqol oo muran xoogani uu kaga taaganyahay deegaanada puntland
  Deeganada uu ka taliyo Maamulka Puntland ayaa waxaa dhawanahanba ka taagneed didmo ay dadka ka sameynayeen isticmaalka Shanta Boqol ee shilin Soomaaliga.
Dadka ku ganacsada Deegaanadda puntland ayaa diidey in ay isticmaalaan lacagta shanta boqol ah  iyagoo u aaneyey in lacagtii canshuurta aheyd ee uu Maamulkasi ka qadayey Ganacsatada ay u badeshey lacag Dollar ah sida daradedna aysan jirin cid ka qadaneysa lacagta cawshada ah.
Diidmadda lacagta Shanta Boqol oo dhawanahanba ka jirtey deeganadda Puntland sida Garowe. Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa hadatan waxay ganacsatadu ka bilaabeen in ka diidan Degmadda Qardho ee Gobalka Bari.


Rag booliska Kenya ka baxsaday oo Al-Shabab ku biiray
Booliska dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in Sadex ruux oo u xirnaa booliska kuna xirnaa magaalada Mombasa ay ka baxsadeen kadibna ay ku biireen Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.
Wargeyska The Star oo kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa ku waramaya in Sadexda ruux oo uu ku jiro nin magaciisa  lagu sheegay Jermaine Grant oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo labo ruux oo kale ay gacanta booliska ka baxsadeen kadibna ay u soo talaabeen dhanka Soomaaliya kadibna ay ku biireen Al-Shabab.
Wargeysku waxaa uu ku waramayaa in Sadexdaan ruux uu sidoo kale ku jiro nin kale oo magaciisa lagu  sheegay Fu’aad Abubakar Manswab, oo kasoo jeedaa degaanka Majengo oo Mombasa ka tirsan horeyna ay booliska uga shakiyeen inuu madax u yahay dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsan oo weeraro ka geysta wadankaasi Kenya.
Sarkaal aan magaciisa la sheegin oo ka tirsan ciidamada la dagaalanka waxa argagixisada loogu yeero ee dalka Kenya ayaa u sheegay wargeyska warkaan qoray ee The Star in xubnahaan ay xaqiijiniyaan inay hadda Soomaaliya ku suganyihiin oo ay Al-Shabab ku biireen waxaana uu sheegay inay kasoo gudbeen xadka dhanka Jaziiradda Lamu.
Boolisku waxay ragaan ku eedeeyeen inay dhawr jeer maleegeen weeraro ka dhacay wadankaasi Kenya haddana ay kuwa kale qorsheynayeen.
Weeraro ka dhan ah Leerarka Cad ceeda ku shaqeeya oo ka bilowday Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho 
Magaalada Muqdisho ayaa waayahan dambe u muuqatay mid iftiin ah oo ka baxeysay mugdi mudo la darsay hasa ahaatee waxaa hada soo baxaya dad diidan iftiinka ka jira Muqdisho kana jecel in mugdi ku laabato.
 Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleesatay in leerarka cad ceeda ku shaqeeya ee galiso Sadaxda laami ee ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho iyadoona arintaasi aad usoo dhaweeyeen shacabka nabada iyo hormarka jecel ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
 Isbuucan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday weeraro la doonayo in lagu damiyo iftiinka Magaalada Muqdisho iyadoona maalmo isku dhaw la qarxiyay labo kamid ah Leerarka Cad ceeda ku shaqeeya.
 Weerarada lagu damiyay labo kamid ah Leerarka Cad ceeda ku shaqeeya ayaa ka dhacay Xaafada Warshada Caanaha ee Degmada Hodan halkaas oo la sheegay in Kooxo aan la garan ee miinooyin ku xireen kadibna ku qarxiyeen sidaana ay ku gubteen labo kamid ah Leerarka Cad ceeda ku shaqeeya.
 Kooxahan hada bilaabay dagaalka lagu daminayo Leerarka Cad ceeda ku shaqeeya ayaan si rasmi ah loo ogeyn wallow marar hore lagu eedeeyay in Al-Shabaab in ay ka dambeeyaan Qaraxyada lagu daminayo leerarka Cad ceeda ku shaqeeya.
AKHRISO: Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka ee Baarlamaanka loo Gudbiyey
waxay idin soo gudbinaysaa Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka ee Baarlamaanka loo Gudbiyey kaas oo Xildhibaanada Baarlamaanka ka doodi doonaan iyadoo ugu dambeyntiina la filayo in la meel mariyo.
SHARCI L. …………:
DHISMAHA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA
Qod. 1aad
Ujeeddada Sharciga
Sharcigan waxaa lagu dhisaysay sharcigan Golaha Adeegga Garsoorka oo u xilsaaran maamulidda howlaha garsoorka iyo isku xirka wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adda garsoorka sida ku xusan qod. 111Aaad ee Dastuurka.
Qod. 2aad
Xarunta Golaha
Golaha Adeegga Garsoorka, Xurintiisu waa, magaalada madaxda Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha xilkiisuna wuxuu ku baahsanyahay dalka oo dhan.
Qod. 3aad
Qaab-dhismeedka Golaha Adeegga Garsoorka
Goluhu waxaa uu ka koobn yahay sagaal (9) xubnood oo kala ah:
1- Guddoomiye. 2- Guddoomiye ku-xigeen. 3- iyo 7 (todobo) xubnood
Qod.4aad
Xilka Guddoomiyaha
1. Guddoomiyuhu waa madaxa Golaha Adeegga Garsoorka.
2. Wuxuu isugu yeeraa, guddoomiyaana fadhiyada Golaha.
3. Wuxuu mas’uul ka yahay habsami-u-socodka hawl-maalmeedka Golaha.
4. Wuxuu mas’uul ka yahay xiriirka wada-shaqayn ee ka dhexeeya Golaha iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha kale ee Qaranka.
5. Wixii kale ee uu sharcigu u xilsaaro.
Qod. 5aad
Xilka Guddoomiye Ku-xigeenka
 1. Wuxuu buuxiyaa kaalinta Guddoomiyaha marka uu maqan yahay ama ay ku timaado xaalado ka hor istaagaya gudashada waajibkiisa.
2. Wuxuu fuliyaa hawshii Guddoomiyuhu u idmado.
Qod. 6aad
Ka-mid noqoshada Golaha
Waxaa ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka xubnaha hoos ku qoran:
1. Garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka;
2. Garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare;
3. Garyaqaanka Guud;
4. Laba Garyaqaan oo sare oo ka tirsan Garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid walba xilli afar sanno ah ururka Garyaqaanadda ay magacaabeen;
 5. Qofka Guddoomiyaha ka ah Guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo
6. Saddex qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay Golaha Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar sannadood ah.
Qod. 7aad
Muddada Xilka Golaha
Muddada xilka xubnaha Golaha Adeegga Garsoorku, waa muddo 5(Shan) Sano ah oo Hal mar la cussboonaysiin karo wadar ahaan iyo keli ahaan.
Qod. 8aad
Guddoonka Golaha
Golaha Adeegga Garsoorku, waxay dhexdooda ka dooranayaan Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka, iyagga oo raacaya habka codaynta hal dheeriga ah (50%+1).
Qod. 9aad
Xilalka iyo Awoodda Golaha
Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu yeelanayaa xilka iyo awoodda hoos ku qoran:
1. Soo jeedinta magacaabidda, anshax-marinta iyo bedelaadda xubnaha garsoorka federaalka dalka sida ku xusan xeerka nidaamka garsoorka.
2. Go’aaminta mushaarka iyo lacagta hawl-gabka garsooreyaasha, iyada oo la dhawrayo siyaasadda dawladda ee arrimahani khuseeyaan
3. Dejinta shuruudaha shaqo ee garsoorka.
4. Ka-talo-bixinta shuruucda garsoorka.
5. Fulinta xilalka dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u xilsaaraan.
Qod. 10aad
Nidaamka anshax-marinta Garsoorayaasha
Nidaamka anshax-marinta Garsooreyaasha waxaa lagu dhaqayaa Golaha Adeegga Garsoorka sida ku xusan xeerka nidaamka garsoorka.
Qod. 11aad
Xil-waayidda Xubnaha Golaha
Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka waxay xilka ku waayi karaan, haddii ay dhacdo arimaha soo socda midkood:
1. Xubnaha uga mid noqday golaha xilkooda awgiisa, haddii ay xilkaas waayaan;
2. Geeri;
3. Haddii uu iskiisa qoraal ku cadeeyo inuu ka tanaasulay xubinnimada guddigga;

4. Haddii maxkamadi go’aan kama dambays ah ka gaarto denbi uu galay;
5. Haddii Goluhu gaaro go’aan kama dambays ah oo la xiriira-anshax marin keeneysa in golaha laga saaro.
Qod. 12aad
Madax-bannaanida Golaha Adeegga Garsoorka
Golaha Adeegga Garsoorku waxa uu u madax-bannaan yahay gudashada xilkiisa, wuxuuna u hoggaansamayaa sharciga oo keliya.
Qod. 13aad
Miisaaniyad Sannadeedka
Golaha Adeegga Garsoorku uu ka mid ahaa, hay’adihii ku jiray ku-tala-galka miisaaniyadda sannadka 2013, wuxuu ku dhaqmayaa miisaaniyaddaas.
Qod. 14aad
Baabi’in
Waxaa la baabi’iyey dhammaan sharciyada ka-soo-horjeeda ama aan la socon karin sharcigan.
Qod. 15aad
Dhaqan-galka Sharciga
Sharcigani,wuxuu dhaqan-gelayaa marka Golaha Baarlamaanku ansixiyo, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyana Dekreeto ku soo saaro, kuna soo baxdo Faafinta Rasmiga ah.





2 comments:

Anonymous said...

This iѕ veгy іnteгеsting,
Yοu're a very skilled blogger. I'ѵe joined yοuг feed and look foгward to seеking more of уour excеllent рost.

Αlsο, I have ѕhаrеd уοur web
site in mу soсiаl networkѕ!


Feel fгee tο surf tо my site:
tabletki na cellulit

Anonymous said...

When you visit dissimilar best web hostings,
you will on the web in whose bodily function it is to be
able to political hack internet sites and enter its innermost asylum.
http://www.mybest10webhosting.co.uk He told us and
I quote "You would have had no chance at sorting the problem out moldiness be tacit post gross revenue entirely.

my web-site: web hosting

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...