Beesha Harti Dawlada Soomaaliya waxay ku lahayd hal Wasiir, wasiirkiina maanta waa la bahdilay, shaqadiisiina waxa haya ururka HAG.
Shirkii looga hadlaayo horumarinta Qaarada Afrika oo dhowan ku soo gebageboobey magaalada dekeda leh ee Yokohama ee dalka Japan , waxaan ka qayb galay ilaa 40-madaxweynayaal Afrikaan ah iyo wasiiradooda ku shaqada leh dhaqaalaha iyo iskashiga caalamiga,halka isagii laga tagay oo lagu mashquuliyay shir ka dhacayey Wadan Geeri go'an ah oo lagu magacaabo Kazakhistan.
(Muuqaalka Wasiirka Maaliyadda ee Maqalkiisa iyo aragiisa laga nacay Puntland,kadib markii uu noqday Waxmatare la iska maamusho)
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo ka mid ah Madaxweynayaasha Afrikaanka ee lagu casuumay shirkaas, wuxuuna horay u sii kaxaystay sideed nin oo ka shaqeeya xafiiskiisa oo ka soo wada jeeda Beeshiisa, halka wasiirkii Maaliyada oo shaqadan u xil saarnaa looga reebay beesha uu ka soo jeedo oo inta badan mugdi laga geliyo dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo iyo degaanada dawlada Soomaaliya ay ka codsato caalamku in ayMashariic ka hirgeliyaan.
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan saleebaan, ayaa maanta dalka ku so laabtay s isaga oo sheegay in uu ka soo laabtay dalka Tjikistaan oo uu halkaa shir uga qayb galay.
Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta dawladda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleebaan, oo horay looga xayuubiyey xilkii Iskaashiga caalamiga ayaa mar labaad la bahdilay oo halkii uu Madaxweynaha u raaci lahaa dalka Japan waxa isaga loo diray dalka Tajikstaan oo ah bartamaha Aasiya ,waxaana lagu bedelay intuu shirka Japan socday nin ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha si aan loo ogaan dhaqaalihii Soomaali loogu yaboohay iyo Mashaariicdii ay codsadeen degaanada laga fulinayo.
Bulshada Soomaaliyeed oo ku nool qaybo ka mid ah Gobolka Togdheer, gobolka Sool, gobolka Sanaag, gobolka Bari , gobolka Nugaal iyo gobolka Mudug, waxay Dawlada Soomaaliyeed ku lahaayeen hal wasiir, maanta xilkii wasiirkaasi hayey oo uu ku helay 4.5 Soomaali waxa ku qaybsatay, waxa ku shaqeeya qaar ka mid ah Mooryaantii ugu caansanayd Soomaaliya labaatankii sano oo aynu soo dhaafnay.
Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan, ayaa booqashadii Madaxweyne Xasan Culusoow ku tegayey dalka Maraykanka waxa laga qaaday xilkii Iskaashiga Caalamiga oo u weheliyey maaliyada , waxaana la hoos geeyey wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fawsiya Xaaji Aadan, si dhaqaalaha caalamka laga soo helo uu u noqdo mid suuq madow ah.
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ka soo jeeda Beesha Harti, ayaa maanta xilkii u harsanaa ee Maaliyada waxa ku shaqaysanaya mid ka mid ah Mooryaanta magaca diinta ku qaraabta oo ah gacanyaraha madaweyne Xasan Culusoow laguna magcaabo Faarax Cabdulqaadir. Mararka qaarkoodna waxa uu u wakiishaa qaar ka mid ah madaxda Ururka HAG sida shirkii dhowaan ka dhacay dalka Japan.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya waa maxay xilkiisu?
Wafdi ka socday dowladda federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirka dhaqaalaha adduunka oo ka dhacaya magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Wasiiru-dowlaha xafiiska madaxtooyada ee dowladda Soomaaliya Faarax Cabduqaadir ayaa wafdigaas hoggaaminay, shirkaas ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda caalamka ee dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta Wasiiru-dowlaha ayaa la sheegay in uu bandhigay qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in lagu dhiso dhaqaalaha Soomaaliya iyo waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka dalka. Kulankaas waxay la kulmeen wasiirro ka kala socda Canada, Norway, Ingiriiska, Qadar, Switzerland, Turkey iyo wakiillada ururro caalami ah.
Source:Allsanaag
Shacabkamedia-Beyra-Puntland
Runta Kama-Xıshoono
|
1 comment:
MOS certifications are also dished up for PowerPoint, Term and
Outlook. training for a Mma fight takes time, discipline, and a steady plan.
My web-site; http://organizacja-wczasów.pl
Post a Comment