![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Wednesday, 26 June 2013 15:56 |
![]() Dawladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa loo soo bandhigtay Sheekh Xasan Daahir Awees hadii uu ka tanaasulo inuu isaga baxay Ururka Alshabaab in loo ogolaan-doono in loo doorto Oday-Dhaqameed ka mid ah Odayadda Beesha-Hawiye,waxaana talada Dawladda u soo jeediyay Gudoomiyaha Beesha Hawiye Nabadoon Xaad![]() Dadweynaha Muqdisho ayaa la filayaa inay ka caroodeen in Sheekhan oo lagu tuhmayo inuu dilay Soomaali badan in loo caleemo-saaro Oday-Dhaqameed,waxayna arin laga murugoodo ku tilmaameen in hadii ay dhacdo in Muqdisho caleemo-qoyan lagu soo dhaweeyo Xasan Sheekh ay bahdilaad ku tahay Shacabkii uu dambiga ka galay ee Muqdisho.Odayaal uu hogaaminayo Xaad ayaa hadda u ololeynaya in caleemo-qoyan lagu soo dhaweeyo Sheekh Xasan Daahir loona doorto Oday-Dhaqameed ka mid ah Beelaha Hawiye si magaciisa argagaxisada lagu shaabadeeyay looga tir-tiro looguna yeero Nabadoon Xasan Daahir Awees,Shacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment