![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Sunday, 30 June 2013 10:57 |
![]() Dad badan ayaa igu xanta inaan ka mid ahay mucaaradka tooshka ku ifiya khaladaadka Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh,balse anigu waxaan ahay mucaarad qalinkiisa wax ku saxa mana-ihi,dadka loo yaqaan (Destructive-Opposition)yacni(Mucaarad-wax-dumiya).Hadaba waxaa maanta markii iigu horeysay aan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Xukuumadda Reysalwasaare Saacid oo talaabo geesinimo ah qaadatay inay jeebeeyaan xabsina u taxaabaaan Sheekh Xasan Daahir-Awees oo diiday in su'aalo ay weydiiyaan Ciidamadda Nabad-sugidda ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed,waxaana aan ku amaanayaa Dawladda inay xabsi u dhaa-dhiciyaan Wadaadkan lagu tuhmayo laga soo bilaabo 1991-kii ilaa iyo 2013-kii bishan Juune,in magac Diimeed isagoo ku qaraabanaya inuu dhibaato ka geystay Gobolo-badan oo Soomaaliya ka tirsan.Waxaan halkan ka cadaynayaa in maanta Soomaali kala ogaan-doonto in xariga la xiray Sheekhan,inay soo bixi-doonaan qolooyin Dawladda ku mucaaradda maxaad u xirtay Sheekha?halkii ay aheyd in Dawladda loogu bishaareeyo lagana warsugo baaritaanka ku socda Sheekha halka uu saldhigan-doono,lagana yaabee inta dambi lagu-waayo in la soo daayo,balse yaan Dawladda lagu mucaaradin maxaad su'aalo u weydiinaysaan Sheekhan la tuhmayo ee Alshabaab ka tirsan.Waxaan sidoo lae u hambalyeynayaa Ciidamadda Nabad-sugidda Qaranka,waxaana ka codsanayaa inay Maxkamad caadil ah saaraan Sheekhan 23-sanno masiirkii Umadda Soomaaliyeed bohol ka tuuray,isagoo tashkiiliyay Dhalinyaro badan oo Madhabka Takfiirka ee Alshabaab qaatay una heysta Soomaalidda oo dhan inay Gaalo yihiin.Qolooyinka Dawladda ku mucaaradayo Sheekha maxaa xabsi loogu tuurayna waxaan leeyahay isku-xishooda oo maanta nin Dembiile ah yaan muumin laga dhigin,waxaana waajib idin ku-ah,inaad taageertaan mawqifka Xukuumadda ay ka qaadatay Sheekhan diiday in si sharaf leh su'aalo ay u weydiiyaan Ciidamadda Nabadsugidda.Qalinkii:Suldaan-Godo-GodoShacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment