Barta Twitter-ka Al-Shabaab ee HSMpress1 ayaa lagu soo bandhigay labada nin, hub u badnaa qoryaha fudud, rasaas iyo qalabka Isgaarsiinta.
Xoogag ka tirsan Shabaab ayaa 25-kii bishii May weerar ku qaaday saldhig ku yaalay deegaanka Dhamajaaley oo ay ku dileen ciidamo ka tirsan Kenya, iyadoo weerarkaas uu ahaa kii ugu xumaa ka dhaca xuduuda.
Al-Shabaab ayaa dhowaan soo bandhiga, hub, gaari xamuul ah iyo agabto kale oo ay ku jireen dhar oo ay ka soo qabsadeen meel u dhow deegaanka Mustaxiil ee dhulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo ay dagaal ku qaadeen.
Xarakada Al-Shabaab ayaa horay gacanta ugu hayay maxaabiis Kenyan ah oo isugu jiray saraakiil iyo dad kale oo u shaqeeyay maamulada deegaanka ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.




No comments:
Post a Comment