WARBIXINO
Gay
marriage rulings: 'This has changed my life'
26 June 2013
Last updated at 16:44 GMT Help In two rulings, the US Supreme Court quashes a
law denying federal benefits to gay couples and clears the way for same-sex
unions in California.
Supporters
in front of the court building in Washington, DC talked to the BBC.
"I've
been in a relationship for five years and we got married three months ago. This
changed my life, it is history," one observer told the BBC.
Beesha
H/gidir oo ka codsatay Dowladda Soomaaliya in cafis loo fidiyo Sheekh Xasan
Dahir Aweys
Beelaha Cayr
iyo Saleebaan oo ka mid ah beelweynta H/gidir ayaa maanta kulan ay ku yeesheen
magaalada Muqdisho kaga hadlay arrinta ku saabsan Sheekh Xasan Dahir Aweys oo
maanta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo xarun u ah
Maamulka Ximin iyo Xeeb.
Imaam
C/llaahi Khaliif Rooble oo ah Imaamka beesha H/gidir oo kulankaas saxaafada ugu
warbixiyay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaalada ku soo korodhay Gobolka
Galgaduud ee uu maanta Xasan Dahir gaaray.
“Adeer
kulanka wuxuu ahaa, waxyaabaha ku soo kordhay Galgaduud, oo xasan dahir yimid,
maamulka ximin iyo xeeb ayuu hada la joogaa, Xasan Dahir waa nin shabaab ahaa,
maadaama in meesha yimid lagama maarmaan waaye in laga tashado, arrin
culeyskooda leh weeyaan”ayuu yiri Imaam Khaliif.
Sidoo kale
waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ka codsanayaan inay cafis u fidiso,
isagoo xusay inay muhiim tahay in xaaladiisa laga tashado, maadaama uu ka soo
jeedo Gobolka Galgaduud, nin Soomaalina yahay.
“Waxaa laga
tashaday sidii dowladda cafis loo weydiisan lahaa, waa nin Soomaali ah,
dowladda albaabkeeda waxaa u furan tahay dib u heshiisiin, waxaa soo jeedinay
inay cafis u fidiso inay soo dhoweyso, beelaha meesha degan dowladda ayay
taageersan yihiin”ayuu yiri Imaam C/llaahi Khaliif Rooble.
Si kastaba
ha ahaatee arrinta ku saabsan Sheekh Xasan Dahir ayaa aheyd mid aad u hareysay
siyaasada dowladda iyo warbaahinta gudaha iyo tan caalamka, waxaana arrinka ugu
weyn ee muuqda yahay in wadaadkan mayalka adag uu haatan baxsad ka yahay Ururka
Al-Shabaab
Ciidamo
kala taageersan Barre Hiraale iyo Axmed Madoobe oo dagaal culus ku dhex maraya
Gudaha Magaalada Kismaayo
Dagaal culus
oo u dhaxeeya Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo kuwa Barre Hiiraale ayaa
maanta ka qarxay magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalka uu iminka si xoogan uga
socdo bartamaha magaalada.
Sida ay
sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay markii gaadiid la kala dhacay,
kaasoo markii dambe isu rogay dagaal gacan ka hadal ah.
Dagaalka
ayaa ka qarxay aargada Kismaayo, iyadoo haatan ka socdo Xaafada Farjano, waxaa
la soo sheegayaa in la isu adeegsanayo hub cul culus.
Waxaa jira
qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dagaalka sababay, hase ahaatee si
dhab ah looma oga.
Dagaalka ka
dhex qarxay Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ayaa ahaa mid la sii
saadaalinayay, maadaama cududa ugu badan ee ciidan ay yihiin kuwo magaalada ku
heysta, hub badana leh.
Axmed
Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale ayaa labaduba ka mid ah madaxweynayaasha
Jubaland ee Kismaayo ku heysta hub iyo ciidan beelahooda ka soo kala jeeda.
Ma jirto
ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya, waxaase
dagaaladan ay qeyb ka noqonayaan kuwo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay
magaalada, kaasoo u dhaxeeyay dhinacyada magaalada isku haya.
Wasaarada
Kheeraadka Dalka oo Maanta Muqdisho ku Qabatay Kulan Looga Hadlayay Sidii
Shacabka Soomaaliyed ay ku heli Lahayeen Biyo Nadiif ah.
Kulankan oo
ay soo qabanqaabisay wasaaradda Kheeyraadka dalka ayaa diiradda lagu saarayay
sidii dadka soomaaliyeed ay biyo nadiif ah uga heli lahaayeen ceelasha ku yalla
gobolka Banadir iyo Gobollada dalka.
Kulankan oo
maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiinta
Wasaaradda Kheeyraadka dalka,Xildhibaanno,Wakiillo ka socday Milkiileyaasha
Ceelbiyoodyada ku yaalla Gudaha caasimadda iyo gobollada dalka,khuburro
ajanaiib ah iyo martisharaf kale.
Wasiirka
Kheeyraadka Dalka C/Risaaq Cumar Maxamed oo furay Kulanka ayaa sheegay muhiimad
weyn ay Biyaha nadiifka ah u leyihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada
Soomaaliyeed,isagoo sheegay in shacabka soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay
helaan biyo nadiif ah.
Sidoo kale
Xildhibaan Khaliif Maxamed Xasan oo ku hadlay magaca Guddiga Baarlamanka u
qaabilsan Kheeyraadka dalka ayaa xusay in loo baahnyahay in wasaaraddu si gaar
ah ula socoto Ceelasha biyaha siiya dadweynaha si loo hubiyo caafimaadka
shacabka.
Sidoo kale
Wakiiladdii ka qeybgalay kulanka ee hadlay ayaa ka codsaday Milkiileyaasha ceel
biyoodyada inay xaqiijiyaan biyaha ay bixinayaan si bulshadu ay u hesho
cafimaad wanaagsan.
Wasaaradda
kheyraadka dalka ayaa Dhawaan heshiis ku saabsan sameeynta ceel biyoodyo ula
saxiixday Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee dalka suudaan.
Xasan
Daahir Aweys “Geeri ayaan ka door bidiyaa in la dhiibo DF Somalia”.
Wararkii ugu
danbeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Cadaado ee caasimada Maamulka Ximan iyo
Xeeb, ayaa sheegaya in Xasan Daahir uu illaa iyo hadda uu dii danyahay inuu
wada hadal lagalo Dowlada Soomaaliya, kadib markii maamulka Ximan Iyo Xeeb ay
arinkaas usoo jeediyeen.
Qaar ka mid
ah saraakiishagacanta ku haya Xasan Daahir, oo aan la xiriirnay, ayaa sheegay
inuusan ku qanacsaneyn in Dolwadda Somalia loo dhibo.
Xasan ayaa
hadda guri caadi ah ka deggan Magaalada Cadaado, waxaana la jooga saraakiil
hore oo Xasan ay ka wada tirsanaayeen ururkii Al-itaxaad iyo waliba Xisbul
Islaam, kuwaaso Xasan dajiyay guri uu leeyahay nin lagu magacaabo C/qaadir
Kadiye.
Xasan Daahir
ayaa waxaa horay ula hadlay intuusan soo gaarin Cadaado oo uu badda ku jiray
Wasiirka Arimaha Gudaha C/kariin Guuleed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan
Sheikh,iyagoo ka codsaday inuu Xamar yimaado oo uusan badda isku haligin, balse
Xasan wau kuu gacan seeray dalabkooda.
Maamulka
Ximan iyo Xeeb ayaa iminka waxaa haysta dhibaato,waayo Xasan markii ay
yiraahdeen dowladda ayaan ku dhiibaynaa,waxuu uu ku yiri “geeri ayaan ka door
bidiyaa in la dhiibo dowladda Somalia”, sida xubno ka tirsan maamulkaasi ay ugu
xog warrameen Caasimada Online.
Xasan ayaa
doonaya inuu Dalka Qadar u anbabaxo, sida ay Caasimada Online xog ku heshay
shalay.
Maanta ayaa
la filayaa in arrinta Xasan Daahir ay soo geba gebowdo, waxaana la filayaa inuu
saxaafadda la hadlo, una sheego xaqiiqda wixii dhacay iyo qorshihiisa.
Xarakada
Al-Shabab oo ka hadashay baxsashada Sh. Xasan Daahir Aweys
Ururka
Al-Shabaab ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay baxsashada hoggaamiyihii hore ee
Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys oo saakay gaaray magaalada Caddaado ee xarunta
maamulka Ximin iyo Xeeb.
War-Qaraal
ah oo la soo dhigay barta Internetka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in lagu
sheegay in Xasan Daahir Aweys uu u goostay cadowga Islaamka sida ay hadalka
udhigeen.
Waxa ay
sheegeen in Xasan Daahir iyo xubno ku fikir ahaa laga waayay Guri ay ka
daganaayeen magaalada Barraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Warka
qoraalka waxaa Xasan Daahir iyo xubnaha ka goostay Al-Shabaab lagu eedeeyay
arrimo badan waxaana ka mid ah:
1- In ay
kala dhantaaleen midnimada umada iyo wadajirka Al-Shabaab.
2- Faafinta
warar aan sal lahayn oo kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka ururka
Al-Shabaab.
3-Suuro
Xumeyn ururka Al-Shabaab madaxdooda iyo mujaahidiinta.
4- Faafinta
siraha Al-Shabab iyogoo gaarsiiyay ee Cadowga Islaamka sida lagu sheegay warka
qoraalka ee lagu soo qoray bogga Al-Shabaab.
5- Isku dir
madaxda ururka Al-Shabaab iyo Shacabka.
6-Dhiiga
Mujaahidiinta oo ay banaysteen.
7-In ay ka
dhago adeegeen markii looga yeeray maxkamadda shaceeda ee ururka Al-Shabaab.
Si kastaba,
warkan qoraalka wuxuu muujinaya in qaati ay ka taagnaayeen xubnaha kufikirka
Axmed Godane Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Waxaana
dhowr jeer Xasan Daahir uu sheegay in wax yaabaha uu wado garabka uu hoggaamiyo
Axmed Godane ay yihiin kuwa marin habaabiyay hadafkii ururka uu lahaa.
Saraakiil ka
tirsan Al-Shabaab ayaa aaminsan tan iyo markii Xasan Daahir Aweys uu ku biiray
Al-Shabaab uu kala qeybiyay hoggaanka Al-Shabaab.
XOG
CULUS: Xasan Daahir Aweys oo ku wajahan dalka Qadar
Warar la
isku haleen karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in
Xasan Daahir Aweys oo hadda ku sugan xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ee
Caddaado, in diyaarad laga saari doono halkaas, taasoo geeneysa magaalada Dooxa
ee dalka Qadar.
Waxaa hadda
magaalada Caddaado ee gobalka Mudug ka socoda kulamo looga hadlaayo arrintaas,
waxaana la sheegay in dowladda Qadar ay wax ka ogtahay soo qabashada Xasan
Daahir Aweys oo saaka arroortii iska soo dhiibay xeebaha gobalka Mudug.
Ilaha aan
warkan ka helnay ayaa sheegaya in la isku hayo in Xasan Daahir Aweys uu marka
horre tago magaalada Muqdisho, kaddibna halkaas diyaarad laga saaro iyo in
diyaarad laga saaro magaalada Caddaado si loo geeyo magaalada Dooxa ee xarunta
Qadar.
Dowladda
Soomaaliya ayaa la sheegay in door wayn ku lee dahay soo badbaadinta Xasan
Daahir Aweys oo dhowr cisho ka hor ka soo baxsaday magaalada Barraawe ee
gobalka Shbeellaha Hoose.
Dhinaca
kale, Xasan Daahir Aweys ayaa caawa sheegay in sarkaal uu ku jirro Ibraahim
Afghaan lagu dilay dagaal toddobaadki hore ka dhacay magaalada Barraawe.
Ma sheegin
Xasan Daahir Aweys dadka la dilay dagaalka dhexmaray Al-Shabaab, laakin wuxuu
intaas ku daray in Ibraahim Afghan la dilay markii la qabtay.
Waxaa kaloo
la’ layahay meel uu jaan iyo cirib dhigay Abuu Mansur Al-Amrici oo ah ninka ugu
sareeya ajaaniibta sar sare ee Al-Shabaab kaasoo ka soo jeeda dalka Maraykanka.
Si kastaba,
Dowladda Qadar ayaa maalmahan waday dedaalo ku saabsan siddii saraakiisha sar
sare ee Al-Shabaab sida Xasan Daahir iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya la
isugu soo dhaween lahaa.
Dowlada
Soomaaliya oo markii ugu horeesay ka hadashay Qabashada Xasan Daahir Aweys
Afhayeenka
Madaxtooyada Soomaaliya Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in soo qabashada
Hogaamiyihii ka tirsanaa Ururka Al-shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys ay tahay
mid bilaw u ah dhamaadka kooxda Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigayee,
isagoona sheegay in Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa dhamaan, Ciidamada
garabka siinaya iyo Maamulada hoos yimaada ay ka go’an tahay sii wadista sidii
gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxaha ka tirsan Al-shabaab.
Yariisow oo
la hadlay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in weli kooxaha kasoo horjeeda Dowlada
Federalka Soomaaliya uu ufaran yahay wadada wada hadalka, ayna soo dhabeenayaan
koox waliba oo kusoo biireysa dhankeeda, iyadoo aan dhiig daadan isla markaana
dagaal dhicin.
“Dowlada
Somalia waxay weligeed ku baaqeysay in iyadoo aan dhiig la daadin la iskugu
yimaado, miiska wadahadalka lagana tashado aayaha iyo horumarka dalka welina
mowqifkaas ayey aaminsan tahay dariiqaasna waa mid u furan kooxaha naga soo
horjeeda” ayuu intaa ku daray Ing. Yariisow.
Mar la
weydiiyey afhayeenka sida dowladu ka yeeleyso Xasan Daahir ayuu sheegay in ka
hadalka arrintaas ay tahay mid lagu deg degay, isagoo xusay in dowlada ay ku
jirto wada tashi dhinacyo kala duwan taabanaya, isla markaana marka uu soo
afjarmo wada tashigaasi go’aan laga gaari doono sida laga yeelayo wadaadkaasi.
Hadalkaan
ayaa ah kii ugu horeeyay ee kasoo yeera Dowlada Soomaaliya, tan iyo markii la
sheegay in saqdii dhexe ee xalay gacanta Maamulka Ximan iyo Xeeb in uu soo
galay Wadaadka ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Madaxweynaha
oo shaaciyey Shirka Brussels ee 16ka September.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay
Agaasimaha Guud ee Afrika ee Midowga Yurub Mr Nick Westcott iyo Safiirka
Midowga Yurub Michelle Cervone kalana hadlay shirka Brussels lagu qaban doono
16ka September 2013 iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Yurub iyo
Soomaaliya.
Shirka ka dib ayey labada mas’uul shir
jaraa’id ku wada qabteen Xafiiska Madaxtooyada oo ay shaaciyeen in shirka
Brussels uu dhici doono 16ka September 2013 loogana hadli doono sidii loo
taageeri lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaheeda dib-u-dhiska Dalka.
Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamud ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey dadaalkooda iyo
go’aankooda ah inay Xafiiskii Midowga Yurub ay dib uga furayaan dalka
gudihiisa, sheegeyna inay shacabka Soomaaliyeed muhuum u tahay inay Midowga
Yurub dalka gudihiisa ay ka howlgalaan oo xafiisyadooda ka furtaan. Waxuuna
sheegey in Dowladdu ay ku taageeri doonto Midowga Yurub sidii xafiiskaas
Muqdisho looga furi lahaa.
Madaxweynaha
oo ka jawaabay su’aal aheyd maxuu shirkan uga duwan yahay shirarkii horey loo
qaban jirey ayaa ku yiri “ Shirkan Brussels ka dhacaya 16ka September 2013 waa
mid Dowladdu ay la hortageyso qorsheyaasheeda dib-u-dhiska dalka oo ka
tarjumaya baahida dhammaan deegaanada Jamhuuriyadda Soomaaliya, caalamkuna ay
maanta diyaar u yihiin in la sii xoojiyo guulaha amniga iyo horumarka ka jira
Soomaaliya.
“Soomaaliya
oo maanta mareysa marxalad ka soo kabasho iyo bilow horumar waxey u baahantahay
kaalmada caalamka, oo ma jiro dal sida Soomaaliya u burburtay u burburay, mana
jiro dal ka soo kabtay dhibaatooyinkii soo maray oo aan caalamku ka saacidin.
“Maanta
waxaan mareynaa marxalad shacabka, dowladda iyo xaaladduba ay diyaar u tahay in
dalka dib loo dhiso oo shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursado shaqo,
waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada. Aad iyo aad baana uga
mahadcelineynaa Midowga Yurub dadaalkooda oo rajo weyn nagu abuuraya.
Ugu
danbeyntii Madaxweynahu waxuu yiri in shirka cida ka faa’iideysaa ay yihiin
shacabka Soomaaliyeed oo dhan, qorsheyaasha iyo mashaariicda la horgeynaya ay
yihiin kuwo dalka oo dhan ku baahsan.
DF
Somalia iyo Axmed Madoobe oo caawa ku kulmaya Addis Ababa
Addis Ababa
(Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in caawa ay ku kulan
san yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia wafdi ay kala
hoggaaminayaan Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Axmed Madoobe.
Arrintan
ayaa waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya ahna lataliyaha
dhinaca warfaafinta Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo goordhow la hadlay VOA-da.
Eng Yariisow
ayaa sheegay in wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ay maanta gaareen
magaalada Addis Ababa ee xarunat dalka Ethiopia, waxaana la filayaa in ilaa
caawa ay gaaraan halkaas wafdi uu hoggaaminaayo hoggaamiyaha Raaskambooni
kuwaasoo ka tagaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Labada
dhinac waxaa la sheegay in ay la socdaan wafdi in kastoo aan la heynin
tiradooda iyo magacyadooda, waxaa kaloo aan la ogeyn cida dhex-dhexeedineysa
labadan dhinac maadama uu ka dhexjiray khilaaf ku aadan maamul u sameenta
Jubbooyinka iyo Gedo.
Sida ay u
sheegeen Shabakadda Caasimada Online ilo lagu kal soon yahay oo ku sugan Addis
Ababa, waxaa kulanka dhex maraya labada wafdi looga hadli doonaa siddii Axmed
Madoobe oo sheegta in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubbland uu uga qaybgali
lahaa isaga iyo maamulkiisa shir wadatashiga ee dowladda ku qabaneyso magaalada
Muqdisho.
Wixii ku soo
kordha warkan kala soco Shabakadda Caasimada Online haddii Alle uu yiraahdo.
Farmaajo oo farriin u diray shacabka
Maxamed
C/llaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo imika ku sugan
dalka Mareykanka ayaa Umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 26-ka
June ee xurnimada gobolada Waqooyi.
Ra’iisul
Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo arimo badan ka
hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo ay ka gudbaan
qabyaalada oo uu tilmamaay in dib u dhaca Umada Soomaaliyeed ay sabab u aheyd.
Farmaajo oo
soo hadal qaaday Soomaalida lagu dhibaateeyo wadamada caalamka ayaa sheegay in
uu ka xunyahay dhibaatada loo geysanayo Umada Soomaaliyeed ee dantu biday qurbaha,
isagoona tilmaamay in uu ka xanuunsaday wiilkii Soomaaliyeed ee isagoo qaawan
dhawaan dhagax loogu dilay dalka Koonfur Africa.
Maxamed
C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in uu aad uga xanuunsanayo dhibaatada
dadka Soomaaliyeed loogu geysanayo wadamada Caalamka, isagoona ugu baaqay Umada
Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku duubni, kana shaqeeyaan qaranimada
Soomaaliya, si buu yiri looga gudbo qabiilka.
Xoghayaha
GOS oo la kulmay Nicholas Kay
Xoghayaha
guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Ahmed faarax ayaa maanta
magaalada Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah
oo ay ka mid tahay in ciidamada laga saaro Tuulada Isboortiga ee Muqdisho iyo
in Qaramada Midoobay Isbortiga u adeegsado qeyb ka mida nabadeynta Soomaaliya.
“Maanta
waxaa guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu la kulmay ku xigeenka xoghayaha guud
ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo ay ugu muhiimsan
tahay waxyaabihii aan ka hadalnay in Qaramada midoobay ahmiyad weyn siiso
kaalinta hey’adaha Isboortiga ee nabadeynta dalka maadaama isboortigu uu yahay
waxa keliya ee isu keeni kara umada waxaana sharaxaad ka siinay qaabka ay
howlaha isboortigu dalka uga soconayaan iyo doorka uu Isboortigu nabada kasoo
qaatay”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud ee GOS Duran Axmed faarax kadib
kulankii uu maanta la yeeshay Mr. Nicholas Kay.
Waxaa uu Mr
Duran hordhigay sarkaalkan ka socday Qaramada midoobay sida ay lagama maarmaanka
u tahay in la helo qalab iyo goobo lagu cayaaro isboortiga oo ay ka mid tahay
in gacanta heysa’adaha isboortiga dalka lagusoo celiyo 12 garoon oo heer
caalami ah oo ku yaala tuulada isboortiga Muqdisho kuwaas oo hada ay dagan
tahay AMISOM.
“Maadaama uu
isboortigu ka madax banaan yahay siyaasad, ciidan IWM yaan islasoo qaadanay
sida ay muhiimka u tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada looga saaro
tuulada Isboortiga ee Muqdisho, waxaana u sheegnay in maanta oo goobihii
isboortiaga ee dalku bur bursan yihiin hadana ay wax aan la qadan Karin tahay
in ciidamo lagu xareeyo xili isboortigu arrimo ciidan iyio kuwo siyaasad uusan
shuqul ku lahayn”ayuu yiri Mr Duran faarax xoghayaha guud ee GOS.
Waxaa uu
xoghayaha oo saxaafada la hadlay sheegay in Kaaliyaha xoghayaha guud ee UN-ka
ee arrimaha Soomaaliya Mr Nicholas Kay uu aad usoo dhaweeyay fikrada ah in
ciidamada laga saaro xarumaha Isboortiga, isagoo balan ku qaaday in uu gacan
weyn ka geysan doono sidii dhaqso ciidamada looga saari lahaa Tuulada Isboortiga
ee Mqudisho oo ka kooban 12 garoon oo heer caalami ah laakin hada aad u bur
buray una baahan dib u dhis xoogan.
“Saraakiisha
AMISOM iyo madaxda dowlada Soomaaliya ayaan kala hadli doonaa in ay ciidamada
meelo kale geystaan, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana arrintaas u guda galayaa
maadama ay muhiim tahay in hey’adaha Isboortigu dib u hantaan dhulalkooda” ayuu
Mr. Nicholas Kay u sheegay Xohghayaha guud ee GOS Mr Duraan Axmed faarax oo
kulankiisa ay ku wehlinayeen guddoomiye ku xigeenka GOS Ibraahim Shaamow iyo
odayaal kale.
Wasaarada
Warfaafinta oo 22 sano ka Dib Maanta Dib u Howl Galisay Adeegii Boostada Soomaaliya.
Wasaarada
warfaafinta,Bostada,Isgarsiinta iyo Gadiidka ayaa maanta mudo 22 sano ka dib
waxa ay si rasmi ah xariga uga jartay adeegii boostada soomaaliya.
Munaasabad
xariga loogu jarayay xarunta boostada soomaaliya ayaa waxaa maanta ka qeyb
galay Wasiir ku xigeyn wasaarada warfaafinta bostada,isgarsiinta iyo gadiidka
Ibraahim Isaaq Yaroow ahna ku simaha wasiirka warfaafinta iyo masuulin ka socotay wasaarada warfaafinta
bostada isgaarsinta iyo gadiidka.
Wasiir ku
xigeenka wasaarada warfaafinta bostada,isgarsiinta iyo gadiidka Ibraahim Isaaq
Yaroow ayaa si rasmi ah maanta xariga uga jaray adeega boostada soomaaliya.
Agaasimaha
waxda xarunta boostada Abuukar Maxamed Cowsey oo ugu horeyn munaasabada ka
hadlay ayaa faahfiyay xaruntan boosta adeegyada ay shacabka u qaban
doonto,isagoo sheegay in adeega boostada uu muhiim u yahay shacabka
soomaaliyeed,waxana uu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay furtaan adeega
boostada.
Agaasimaha
guud ee wasaarada warfaafinta boostada,isgaarsinta iyo gadiidka C/risaaq Cali
Yuusuf (bahlaawi) oo isna munaasabadasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay
baahida ay shacabka u qabeyn helida adeega
bostada soomaaliya,waxana uu sheegay in dalka uu la jaan qaadi doono
wadamada caalamka.
Wasiir ku
xigeyn wasaarada warfaafinta bostada,isgarsiinta iyogadiidka Ibraahim Isaaq
Yaroow ahne ku simaha wasiirka warfaafinta oo gaba gabadii munaasabdaasi hadal
kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wax lugu farxo ay tahay 22 sano kadib inay
maanta ay ku guleysteen iney dib u hool giliyaan xarunta boostada soomaaliya,
22 sano
kadib waxaa maanta hoosheedii ay dib u bilaawday xaruntii boostada
soomaaliya,waxana isla maanta ka faa’ideystay oo is diiwaan in ka badan 200 oo
ruux qaanadaha ama sanaadiiqda wax lagu soo hagaajiyo furtay waxana ay ahayd
mid lacag l,aan ah laakiin agaasinka boostada ayaa sheegay in malmaha soo socda
ay lacag la,aan sii ahaan doonto.
Wasiirka
Warfaafinta oo ka qaybgalay shirka Akademiyada Daryeelka Afka Soomaaliga(ADA)
Shirweyne
maanta ka furmay magaalada Jabuuti, Hoteelka Kempeniski ee magaalada Jabuuti
ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Boostada, ISgaarsiinta iyo
Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyadoo wasiirku casuumad rasmi ah
ka helay dhiggiisa wasiirka dhaqanka , Arimaha diinta iyo Awqaafta Mudane Aadan
Xasan Aadan.
Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen wufuud
kasocotay deegaamada Afka Soomaaliga looga hadlo ujeedadiisuna ahayd sidii loo
yagleeli lahaa Akademiyada Daryeelka Afka Soomaaliga ayaa waxaa khudbado ka
jeediyay masuuliyiintii meesha isugu timid iyagoo dhamaan hoosta ka xariiqay
muhiimadda Afka Soomaaligu leeyahay qawmiyadda Soomaaliyeed ee ku hadasha Afka.
Wasiirka
Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo madashan hadal dheer ka
jeediyay ayaa waxuu hadalkiisii ku bilaabay inuu dawladda iyo shacabka
walaalaha ee ree Jabuuti uga mahadceliyo taageerada ay u hayaan umadda
Soomaaliyeed isagoo madaxweynaha Jabuuti Mudane ismaaciil Cumar Geele uga
mahadceliyay isxliqaanka, geesinimada iyo masuuliyadda uu dhabarka u ritay
sidii uu fanka Soomaaliyeed iyo Afka hooyo u daryeeli lahaa.
” Maanta waa
farxado badan oo Is biirsaday waxaana farxad ii ah inaan madashan joogo. Waa
26kii Bisha June oo ah maalintii calan Soomaali leedahay kii ugu horeeyey la
taagay, Baritana waa maalinkii walaalaha Jabuuti ay xoroobeen, sidoo kale
maanta waa maalin aynu yagleelayno Akademiyada Afkeena oo kulmisa dhamaan
Qawmiyadda Soomaaliyeed”.
Wasiirka oo
hadalka ku dheeraaday ayaa waxuu xusay inay lagama maarmaan tahay in luuqadda
Afka Soomaaliga laga daayo Siyaasadda ayna noqoto mid isku furan oo aan lahayn
xad si looga baxo cabsida laga qabo in Afka Soomaaligu dabargo’o.
Wasiirka
ayaa shirka ka sheegey in maanta wasaaradda Warfaafintu ay gacanta ku hayso
Keydii raadiyo Muqdisho oo ka badbaaday burburkii ayna wasaaraddu waddo sidii
ay u casriyayn lahayd.
Wasiirka
ayaa khudbaddiisa kusoo xiray codsi uu ugudbiyay madaxweynaha Jambuuriyadda
Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele inuu hirgaliyo qoritaanka iyo dhigitaanka
Afka Soomaaliga, sidoo kale waxuu wasiirku sheegey in la gaaray xiligii
qawmiyadda Soomaaliyda Kenya ay bilaabi lahaayeen qoritaanka iyo barashada Afka
Soomaaliga.
Shirkan oo
ay kasoo qaybgaleen wafti kasocotay Deegaanka Soomaalida Ethiopia, maamulka
Somaliland, maamulka Puntland iyo dawladda Soomaaliya ayaa waxaa soo xiray
wasiirka Dhaqanka, Arimaha diinta iyo Awqaafta Mudane Aadan Xasan Aadan isagoo
uga mahadceliyay waftiga imaanshaha iyo kasoo qaybgalka shirkan waxaana madasha
lagu saxiixay heshiis ku KMG ah oo lagu yagleelay Akademiyada Daryeelka Afka
Soomaaliya(ADA) oo muddo sanad ah loogu doortay Maxamed Daahir Afrax inuu noqdo
Guddoomiyaha ADA muddo sanad ah iyadoo la xulay guddi la shaqayndoonta. ADA
ayaa si KMG ah kushaqayn doonta saldhiggooduna noqon doonaa dalka Jabuuti
No comments:
Post a Comment