Marsh
flooding brings new life to Iraq's 'Garden of Eden' By Richard Porter
The lush marshes of
Iraq are regarded by some as the original Garden of Eden, but they were drained
and decimated by Saddam Hussein. Now a major restoration programme has seen people
and wildlife return to one of the world's most famous wetlands.
Ahead
of me stretches a channel through the reeds - Phragmites reeds that grow in the
marshes near my home in England.
But
unlike those at home, these are over 4m tall and seem to reach the sky above me
as we gently glide through the avenue of still water they majestically flank.
We
are punting in a Mashoof, the common small canoe of the marshes used for
centuries for transportation and the collection of reeds.
I
am in southern Iraq, in the Marshes of Mesopotamia - the Central Marshes to be
precise. It is a paradise for wildlife and home of the Ma'dan, the Marsh Arabs.
Libya:
Gaddafi-linked assets worth $1bn 'in South Africa' Many Libyans consider assets
held by Muammar Gaddafi's family as state-owned property Continue reading the
main story
South
African officials are investigating claims ex-Libyan leader Muammar Gaddafi and
his family stashed $1bn (£600m) in assets in the country.
Libya
has reportedly called for help in repatriating diamonds, gold and cash.
The
assets were being held by four banks and security companies in South Africa,
reports quoting Libyan investigators say.
Some
estimates suggest that Gaddafi's total foreign assets could be worth as much as
$80bn.
Gaddafi
was captured and killed as he tried to flee his home town of Sirte during
Libya's political uprising in October 2011.
Any
assets belonging to him or his family are firmly considered by many Libyans as
state-owned property that should be returned.
"There
was a group that approached Treasury claiming to represent the Libyan
government and we are in the process of verifying their claims about assets
that are in South Africa," a spokesman for South African Finance Minister
Pravin Gordhan was quoted as saying by South Africa's Sunday Times newspaper.
Libyan
embassy official Salah Marghani said that officials had "been appointed to
investigate and secure assets in Africa on behalf of the people of Libya".
The
newspaper printed extracts of letters from Libya's justice and finance
ministers to their South African counterparts asking for help finding assets
linked to Gaddafi, which might "have been illegally possessed, obtained,
looted, deposited or hidden in South Africa".
It
said Libyan investigators had met Mr Gordhan and President Jacob Zuma to
discuss locating and returning the money.
--Syrian
rebels and Hezbollah 'exchange fire in Lebanon' Hezbollah has been fighting
alongside the Syrian army in the strategically important Syrian town of Qusair
A
number of people have been killed in an exchange of fire between Syrian rebels
and fighters from the Lebanese militant group Hezbollah, say reports.
Lebanese
security sources said the clashes took place on Lebanon's side of the border,
near the town of Baalbek.
Hezbollah
is fighting alongside the army in Syria, but the clashes have rarely crossed
onto Lebanese soil.
Meanwhile
the Red Cross has said it is alarmed by the worsening situation in the besieged
Syrian town of Qusair.
It
has appealed for access to the town, which lies just 10km (6 miles) over the
Lebanese border.
Thousands
of civilians are believed to be trapped as pro-government forces - including
Hezbollah fighters - battle rebels.
The
office of UN Secretary General Ban Ki-moon also appealed to the warring parties
to allow residents to flee.
Mr
Ban telephoned Syrian Foreign Minister Walid al-Moualem to share his concerns,
but was told the Red Cross would be allowed in "as soon as military
operations are over", Reuters reports.
Mr
Moualem reportedly expressed his surprise at the level of concern over Qusair,
saying there had been none when rebels took over the town last year.
Also
on Sunday, a car bomb killed nine members of the Syrian security forces in the
capital, Damascus, according to the British-based pro-opposition watchdog the
Syrian Observatory for Human Rights.
The
watchdog said the bomb had targeted a police station in the eastern district of
Jobar, which has seen renewed clashes between government forces and rebels who
are entrenched there.
Madaxweynaha
Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha Hey’ada Xiriirka Caalamiga ee Japan
Labada
mas’uul ayaa ka wada hadlay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ee
ahaa in Somalia si toos ah kaalmada Japan loo siinayo Dowladda iyo mashaariicda
horumarineed ee Somalia u baahantahay.
Mr
Tanaka ayaa marka hore uga mahadceliyey Madaxweynaha Somalia booqadiisha dalka
Japan iyo ka qeybgalka shirka TICAD V oo maalmahan ka socda magaalada Yokohama
ee Japan iyo horumarka Somalia ay maanta ka gaartay dhanka siyaasadda amniga
iyo xasilinta dalka.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa isna sidoo kale u
mahadceliyey marti-gelinta Japan ay u fidisay iyo hoggaanka saliimka ah ee ay
ka qaadatay arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale uga
mahadceliyey dowladda Japan gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abi go’aankiisa ahaa in
xiriirka Japan iyo Somalia dib loo soo nooleeyey oo Japan ay si toos ah ula
mucaamileyso Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha
ayaa warbixin kooban siiyey Guddoomiyaha JICA ee ku wajahan xaaladda dalka gaar
ahaan mashaariicda shacabka Soomaaliyeed ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin
si horumarka ka bilowday Somalia loo sii ambaqaado. Madaxweynaha ayaa sheegay
in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin tababaro xirfadooda shaqo
siyaadisa isla markaana nolol u abuurta iyo mashaariicda dib u dhiska oo
iyagana shaqo abuuris u sameyn kara shacabka Soomaaliyeed.
Ugu
danbeyntii Guddoomiyaha JICA ayaa ballanqaaday in iskaashi toos ah oo xagga
mashaariicda ay la sameynayaa dowladda Federaalka Soomaaliyeed, in tababaro
shaqaalaha dowladda ee dhanka maamulka iyo maareynta la siin doono, in dhismaha
macadyada tababarka farsamada la hirgelin doono iyo in dib u dhismaha
iskuulada, Isbitaalada, waddooyinka iyo kanaalada beeraha intaba laga hirgelin
doono Soomaaliya.
Dam
Jadiid oo La wareegay Wasaaradda Waxbarashada dalka
Ilo
Lagu Kalsoonyahay oo qaar ay yihiin Dam Jadiid ayaa Shabelle u Xaqiijiyay in
Koox diimeedka Dam Jadiid ay wadaan Qorshe ay isugu ballaarinayaan Hay’adaha
dowladda Qaarkood oo ay u arkaan in danahooda Koox diimeed ahaan ay ku Kordhi
karaan.
Ilahaasi
ayaa sheegaya in Hay’adaha Iminka ay isku ballaarinayaan ay ka mid yihiin
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Hay’adda Nabad Sugida Qaranka qeybteeda
Nabad Sugida Madaxtooyada waxaana wararka ay intaa kudarayaan in Ujeedooyin Fog
fog ay ka leeyihiin Hay’adahaasi
Ilahaasi
ayaa Xaqiijiyay in Ujeedooyinka ugu ballaaran ay tahay in uu jiray
Khilaaf hore u dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada iyo dallada FPENS oo
Madaxdii dalladaasi ay iminka Jagooyin Sare ka hayaan Dowladda Soomaaliya kaasi
oo salka ku hayay In Masuuliyiintii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada ay soo
saareen in ardayda dhameysata Waxbarashada Dugsiga Sare ee qaadan Jiray
Shahaadada Dugsiga Sare FPENS loogu bedello Shahaado Dugsi Sare oo ay soo
saarto dowladda Soomaaliya taasina ay ka biyo diideen dalladda FPENS.
Hadaba
Maxaa dhacay Markii Masuuliyiintii FPENS ee Dam Jadiidka ahaa ay la
wareegeen Talada dalka Maxaa dhacay?
Waxaa
dhacday in Jagooyinka Muhiimka ah ee Wasaaradda Waxbarashada ay La
wareegaan Rag Dam Jadiid ah oo ka tirsan dallada FPENS.
Haddaba
Ragga La bedelay iyo kuwa Lagu bedelay waxaa ka mid ah.
1:
Abuu Cali sheikh Xaamud oo ahaa Madaxii Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada
waxaa lagu bedelay Prof Max’ed Cilmi Tooxow oo ka tirsan dam Jadiid
ahaana Madaxii Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee dallada FPENS oo ay
Saaxiibo dhaw yihiin Wasiirka arrimaha gudaha ahaana guddoomiyihii
dallada Waxbarashada FPENS C/kariin Xuseen Guuleed.
2:
Agaasimihii guud ee Wasaaradda Waxbarashada Muuse Faarax Xeyd waxaa lagu
bedelay Max’ed C/qaadir Nuur oo ah Dam Jadiid wuxuuna ahaa Guddoomiyihii ugu
dambeeyay dallada FPENS oo uu kala wareegay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo
Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya.
3:
Ismaaciil Macallin Cabdulaahi Baadiyow oo ahaa agaasimihii dalladaha iyo
waxbarashada Gaarka ah waxaa lagu bedelay Daa’uud Max’ed Makaraan oo ah
Dam Jadiid.
4:
Agaasimaha waaxda Manaahijta Jagadaasi oo banaanayd waxaa loo Magacaabay
Dr C/llaahi Sheikh Rashiid oo ah dam jadiid inkastoo uusan shaqada soo xaadirin
ee uu bare ka yahay Jaamcadda SIMAD islamarkaasina qaraabo dhow ay
yihiin faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada .
Dhinaca
kale waxaa dorraad 30/05/2013 waxaa La Magacaabay Guddiga Maamulaya deeqaha
Waxbarasho ee dibadda waxaa guddoomiye loo Magacaabay guddoomiyaha dallada
FPENS C/qaadir Kadle ahna dam Jadiid taasoo la tilmaamayo in ay u
fududaaneyso in ciddii ay daneynayaan ay Waxbarasho dibadda ah ay u diri karaan
iyadoo Suura gal ay tahay in dhalinyarada Waxbarashada dibadda Loo dirayo
ay ka mid Noqdaan Koox diimeedka Dam Jadiid.
Arrinta
aadka u xiisaha leh ayaa waxa ay tahay in Ragga Dam Jadiidka ee Madaxda ka ah
Wasaaradda Waxbarashada ay diyaariyeen Sharciga waxbarashada Gaarka ah oo
dhawaan Loo gudbin doono Golaha Wasiirada ayna u sii gudbin doonaan Golaha
Baarlamaanka si loo Ansixiyo, waxaana Meesha ka baxeysa in Sharcigii
Waxbarashada dowladda aan la diyaarin oo mid gaar ah la diyaarsaday
Sababaha
ay Sharciyadaan Gaarka ah Loo sameynayo ayaa Lagu sheegay Arrimo kala duwan
waxaana ka mid ah in Xarumaha Dallada FPENS ay ku shaqeyso intooda
badan ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada mana Ogola FPENS in ay awood yeelato
Wasaaradda taasi oo keeneysa in goobahaasi laga saaro Dallada FPENS.
'Jaaliyadda
Birmingham oo Dooratay Gudoomiyaha Galaha Guurtida Soomaaliyeed ee Magaalada
Birmingham!!
Waxaa
Magaalada Birmingham ee Dalka Ingriiska lagu Qabtay Xafladda Si Heer Sare ah
loo soo Agaasimay Taasoo lagu Dooranayay Galaha Guurtida Soomaaliyeed ee
Magaalada Birmingham ee Dalka Ingriiska.
Xafladaan
oo ay si heer sare ah u soo qabnan qaabiyeen Golaha Guurtida Soomaaliyeed ee UK
ayaa waxaa lagu doortey Gudoomiyaha Galaha Guurtida Soomaaliyeed ee Magaalada
Birmingham Waxaana loo Doortay Mudane Abdullaahi Shariif Faarax.
Sidoo
kale xafladaan oo ay ka soo qeybgaleyn dhamaan xubnaha Golaha Guurtida
Soomaaliyeed ee UK, Culumaa udiin, Dumar, Dhalinyaro, iyo Ururada Bulshada
qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada
Soomaaliyeed ee Ingriiska Mudane Cabdi Cumar.
Dhanka
kale waxaa isla goobtaa lagu doortey Gudoomiyaha cusub ee jaaliyada Birmingham
Mudane Hassan Ahmed Mohamed iyo kuxigeen kiisa Marwa Miski Hagi Omar oo ah
haweeney sumcad iyo qadarin ku dhex leh magaalada Birmingham Ee Dalka Ingriiska
Dhanka
kale kale Marwa Miski Hagi Omar waxa ay xilal sare ka soo qabatey Dowladii
kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariitee Sareeye Guute Janeral
Maxamed Siyad Barre.
Ugu
Danbayntii Dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladaan ayaa waxey
Gudoomiya-yaasha cusub iyo ku xigeenadooda u jeediyeen dardaaran talooyin iyo
duco isugu jirta waxeyna Alle Subxaanahu Watacaalaa uga Baryeen in Alle u
fududeeyo xilalkaan culus ee loo idmaday uga cabsadaan Allihii abuurtey Ummadda
ay hogaamiyaana u cadli falaan.
Booliiska
Dalka South Africa oo Shaaca ka qaaday in Soomali hayn ninka dhagaxa lagu
dilay!!
Booliiska dalka South
Africa ayaa waxay sheegeen inay filimka maalmahaan lagu soo bandhigay barta
Youtubeka ee lagu sheegay inuu yahay nin Soomaali ah oo lagu dilaayo dhagax
inuusan ninkaasi ahayn Soomaali
Sida
ay xaqiijieeyn ehelada marxuum Axmed Cabdi iyo Booliiska dalka South Afrikaba
in filim maalmahaan dhex wareegaayey barta internetka gaar ahaana Youtubeka oo
lagu sheegay inuu yahay nin Soomaali ah oo ay dhagax ku dilayaan shacab reer
South African ah inuusan ninkaas ahayn Soomaali sida ay horey warbaahintu u
sheegtay laakiinse uu yahay shil kale oo isla xafadaas ka dhacay, Sidoo kale
ayaa mid ka mid qaraabada marxuumka Soomaaliga ah ee dhagaxa lagu dilay waxa uu
sheegay inuusan ninkaas ahayn marxuum Axmed Cabdi sida warbaahinta lagu
faafiyey, asagoo sidoo kale intaas raaciyey inaysan isku ekeyn marxuumka
islamarkaana marka la helay marxuumka uu ahaa wali mid xiran oo ku labisan
dharkiisa.
Ugu
dambeyntiina iyadoo sidoo kale nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Axmed
Cabdi oo ahaa ganacsada dhagax lagu dilay dalka South Africa ayaa uusan
ninkaasi ahayn ninka ka muuqda filimkaas naxdinta lahaa, Sheekadaan oo uu
markii ugu horeysay soo bandhigay warbaahinta dalka South Africa ee lagu
magacaabo eNCA ayaa waxay ka noqotey arintaas iyadoona sheegtay inay ka heshay
booliiska dalka South Africa faahfaahin ku saabsan inuusan ninkaas ahayn Soomaaligii
lagu dilay dhagaxa iyadoona uu booliiska dalkaas South Africa uu sheegay inay
baarayaan waqtiga ay dhacday arintaas iyo cida ka dambeysay iyo inuu dhawantaan
soo bandhigi doono cida uu ahaa qofkaas lagu dilaayo dhagaxa laakiinse uu
marnaba ahayn filimkaas qofka Soomaaliga ahaa ee asagana dhawaantaan dhagaxa
lagu dilay.
Xisbiyada
Mucaaradka Somaliland oo Wasiirka Arimha Dibada Maamulkaasi ku Edeye in uu Ujan
jeero Soomaaliya
Magaalada
Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya
waxaana shirkaasi ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo
maamulka Soomaalilan.
Shirka
ayaa u jeedkiisa ahaa sidii maalgashi loogu sameyn lahaa dalka burburay ee
Soomaaliya,kaasi oo ka qeyb galeen shirkado caalami ah islamarkaana daneynayay
arimaha Soomaaliya.
Wasiirka
arimaha dibada maamulka Soomaaliland oo qeyb ka ahaa shirka ayaa markii uu
Soomaaliland ugu soo laabtay lagu dhaleeceeyay ka qeyb galka shirkaasi.
Engneer
C/rashiid Cali, oo ah masuul ka tirsan xisbiga Wadani , ayaa wasiirka ku
eedeeyay in uu ka qeyb galay shir aan quseyn maamulka Somaliland, isla
markaasina looga hadlayay arimaha Soomaaliya .
Sidoo
kale wasiirka ayaa lagu cambaareeyay ka qeyb galka shirkaasi kaasi oo lagu
tilmaamay in meel ka dhac uu ku yahay gooni isku taaga Soomaaliland.
Shalay
ayeey Markii Xisbiga UCID uu Sheegay In Maamulka Somaliland gudo iyo
dibedba aqoondarada dublimaasiyadeed ee sida suudha uga soo ifbaxaysa maalinba
maalinta ka dambaysa maamulkii aynu ku aaminay hogaanka dalka.
Waxa
ayna Shacabka Somaliland usheegen in aanaan raali ka ahayn meel ka dhaca
joogtada ah iyo boholo-dheeraynta lagu hayo qadiyaddii Somaliland ee aynu usoo
halagamaynay mudada 22ka sanno ah
Qaramada
Midoobay Oo Taageereysa Dadaalka Lagu Doonayo in Dib loogu Dajiyo Qaxootiga
Soomaalida Ah.
Qaramada
Midoobay ayaa balan qaaday inay dowlada Kenya ka taageeri doonto dadaalka ay ku
dooneyso inay dib u celiso qaxootiga soomaalida ah,ka dib markii ay ku adkaaday
mati galintooda.
Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ka hadlayay Xafiiska UNka oo ku yaala
magaalada Yokahamaee dalka Japan intii uu socday kulan uu la qaatay la
qaatay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Qaramada
Midoobay ay taageeri doonto dadaalka lagu doonayo in dib loogu dajiyo qaxootiga
soomaaliyeed ee mudada ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya.
Ban
Ki-Moon ayaa sheegay in beesha caalamka ay taageeri doonaan qorshaha dowlada
Kenya ee ah dib u dajinta in ka badan 600,000 oo qaxooti soomaali ah oo in
mudda ah ku noolaa xeryaha qaxootiga ah ee ku yaala waqooyi bari Kenya.
Madaxweyne
ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa shirka ka sheegay in bisha September
lagu qaban doono magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya shir looga hadlayo
qaabka ugu haboon ee dib loogu dajin karo qaxootiga soomaalida ah.
Gudiga
arrimaha dibada ee Baarlamanka oo kulan yeeshay
Kulankan
ay maanta magaalada Muqdisho ku yesheen gudiga arrimaha dibadda ee Baarlamanka
Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dhibatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed ee
ku jira xabsiyada ku yaal wadamada dibada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa
boobka iyo dilka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa.
Markii
uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Prof
Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah gudiga arrimaha dibadda ee Baarlamanka
Soomaaliya waxa uuna sheegay in kulanka looga hadlay sidii wax loogu qaban
lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku xir xiran qaar ka mid ah xabsiyada wadamada
dibada ah loona saaray gudi wax ka qabta arintaasi.
Sidoo
kale Xildhibaan Dalxa ayaa intaasi ku daray in dhibaatooyin badan ay haystaan
dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa, isagoona intaasi ku daray in
safiirka Soomaaliya ee dalkaasi uu maalmihii ugu dambeeyay uu kulamo la lahaa
dowladaasi isagoona kala hadlayay sidii wax looga qaban lahaa dhibatooyinka loo
geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magan galyada u tagay dalkaasi.
Kulankan
ay maanta yesheen gudiga arrimaha dibada ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu
imanayaa xili dhibatooyin badan ay la kulmayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool
dalka South Africa.
Askar
Siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho
ASkartani
ayaa maanta waxaa Siyaabo kala duwan dil Loogu geystay Xaafad Ka tirsan Degmada
Kaaraan iyo Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Goob
Jooge La Hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho oo diiday in Magaciisa
Loo Adeegsado qalabka Warbaahinta Sababo Ammaan Aawgeed ayaa sheegay in Sarkaal
Ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada Lagu dilay Bar Kontarool oo ku taalla
Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Goob
Joogaha ayaa waxa uu intaa kudaray in dilka Sarkaalkaasi uu yimid kadib Markii
uu Muran dhexmaray Sarkaalka la dilay iyo Mid ka mid ah ASkarta Ciidamada
dowladda ee halkaasi ku sugnaa oo ay wada shaqeynayeen isagoo sidoo kale
tilmaamay in ASkarigii falkaasi dilka ah geystay uu Goobta isaga Baxsaday.
Dhanka
kale ASkari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ayaa Maanta Kooxo ku
hubeysanaa Bastoolado waxa ay ku dileen Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada
Muqdisho.
ASkariga
la dilay ayaa waxaa La tilmaamayaa in uu Lacago ka Uruurinayay Gaadiidka
dadweynaha ee halkaasi Isticmaala Xilliga dilka Loo geysanayay.
Kooxihii
dilka U geystay Askarigaasi ayaa Sidoo kale la sheegay in ay horay u qaateen
Qoriga uu watay Askarigaasi.
Majiro
wax war oo ka soo Baxay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka oo ku aadan dilalka kala
duwan ee Maanta Askartaasi loogu geystay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho
hayeeshee dilalkaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli Maalmihii dambe
Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM ay howl gallo Nabad Xaqiijin ah ay ka
sameynayeen Xaafadaha Muqdisho.
Dam
Jadiid oo La dagay Dhaqaalaha dalka
Daba
Yaaqadii Sanadkii Tagay ee 2012 ayey ahayd Markii Talada dalka uu la wareegay
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Wiixii ka dambeeyay Xiligaas waxaa
soo if Baxayey guuxa dadweynaha oo ku aadan Dhaqaalo xumi baahsan oo uu Dalka
Cagaha la Galay .
Dadka
Qaarkii ayaa layaaban Halka uu Ka baxay Dhaqaalaha Dalka Waxaa iska Horyimid
Qoysas Farabadan oo Is Qabay Kadib markii ay isaga horyimaadeen Dhinaca biilka
iyadoo Ganacsatada yar yarka ah ay iyana quus ka taaganyihiin Ganacsigooda .
Marka
aad la sheekeysato Ganacsatadani ayaa Waxa ay kuu Sheegayaan in Dadka wax ka
iibsan jiray in aysan Haysan Wax dhaqaalo ah oo ay ku maareeyaan nolashooda .
Mid
ka mid ah Ganacsatada ka howl gala Suuqa Degmada X/Weyne ayaa Shabelle u
Sheegay in xiligii ay Dalka ka talinayeen Dowladihi KMG ahaa in Ganacsigooda uu
Kobocsanaa hase ahaatee Haatan ay Qarka u saran yihiin in ay Al-baabada isugu
dhuftaa Goobahooda Ganacsi isagoo intaasi raaciyay in Dhaqaalaha Dalka ay La
dageen Koox Diimeedka Dam jadiid oo Iminka Gacanta Ku heysa Talada Dalka.
Mid
ka Mid ah Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa Shabelle isna U sheegay in
ay Soo wajahaday Dhaqaalo Darri tii ugu dareyd isagoo intaas Ku daray in
Dhaqaalihi Dalka ay Gabi ahaan ay Gacanta ku Dhigeen Kooxda dam jadiid isago is
weeydiiyay Halka uu ka baxay Dhaqaalaha Dalka.
Sikastba
tan iyo Markii kooxda Dam jadiid ay Faraha ku dhigeen Talada dalka ayaa waxa ay
Caqabad la xiriirta Dhinaca Dhaqaalaha ay soo wajaheysay Ganacsatada ku Dhaqan
Magaalad Muqdisho.
Hadaba
su’aasha is Weeydiinta Mudan ayaa Waxa ay tahay ma in Shacabka soomaliyeed ay
Mar weliba ay hogaan u noqdaan Koox diimeed lumisa Danahooda Dhibaato iyo
ciriiri Dhaqaalena Gelisa Mise?
Agaasime
Hore uga tirsanaa Xukuumadda oo ka cabanaya Kooxda Dam Jadiid
Agaasimihii
Hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo Muddooyinkii dambe Ku Jiray
Xabsi ay dowladda leedahay ayaa sheegay in loo adeegsaday Ku tagri fal
awoodeed.
Muuse
Faarax Xeyd Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo
Shabelle La hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku
tagri fashay islamarkaasina xilkiisa loo Magacaabay Shaqsi ka tirsan Kooxda Dam
Jadiid.
Ex
Agaasimahaan ayaa Xusay in Awood iyo Maquunin Loo Isticmaalay Muddo
bandanna uu ku jiray islamarkaasina Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay
Xariggiisa ka dambeeyeen kuwaasi oo uu sheegay in awood ay u adeegsadeen.
Sidoo
kale Muuse Faarax Xeyd ayaa Carabka ku dhuftay in aan Laga tashan markii xilka
laga qaadayay ee uu ku soo Baraarugay Xilkiisii oo Loo Magacaabay Shaqsi ka
tirsan Kooxda Dam Jadiid.
Sikastaba
ha ahaatee Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya Gaar ahaan Kuwa ka tirsan
Kooxda Dam Jadiid ayaa awood gaar ah ku dhex leh Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Fowsiya
iyo Amina oo heshiis u saxiixay Somalia iyo Kenya
Dowladda
Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in la dhiso
guddi ka shaqeynaya xiriirka labada dal.
Hadalkan
ayaa soo baxay kaddib shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen Wasiirrada arrimaha
dibedda ee labada dal.
Wasiirka
Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Maxamad, ayaa sheegtay in labada dowladood ay
xoojin doonaan isla markaana dib u eegi doonaan heshiisyadii ay horey u kala
saxiixdeen.
Labada
dowladood ayaa sanadihii 2005-ta iyo 2009-ka kala saxiixday heshiisyo la
xiriira iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.
Shir
jaraa’id oo wadajir ay ugu qabteen xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee
Kenya, ayay ku sheegeen in bisha siddeedaad ay qaban doonaan shir caalami ah oo
looga hadlayo arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed.
Dowladda
Kenya ayaa doonaysa in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan
dalkeeda. Hasa ahaatee, labada wasiir waxay sheegeen in qaxootiga loo celin
doono si waafaqsan sharciyada caalamiga ee qaxootiga.
Heshiiska
waxaa qeyb ka ah in dowladda Kenya ay aqoonsatay qorshaha dowladda Federaalka
Soomaaliya ee dib u xasilinta iyo dib u heshiisiinta dalka.
Ciidamada
Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Axmed
Ismaaciil Samatar oo si Weyn loogu soo Dhaweeyay Hargeysa, kana warbixiyay
Imaashihiisa .
Prof.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta magaalada Hargeysa
ee xarunta Somaliland kaddib markii uu muddo dheer ka maqnaa, isla markaana
ahaa aqoonyahan si weyn uga soo horjeeday gooni isku-taagga Somaliland.
Boqolaal
dadweyne ayaa ka qaybqaatay soo dhoweynta professor Samatar, kuwaas oo ka kala
yimid gobolada Somaliland, isla markaaana lulayay caleemo qoyan, una tirinayey
buraanburo loogu soo dhoweynayey.
Sidoo
kale, dadweynaha soo dhoweeyey waxa ka muuqday ciyaaryahanada gobolada Gabiley
iyo Boorame oo dharkii ciyaartoygoodda watay, isla markaana u sacabo tumayey.
Prof.
Samatar oo diyaaradii uu soo raacay dhigtay madaarka Berbera, ayaa waxa
diyaarad khaas ah usoo kireeyey xukuumadda oo ka soo dajisay madaarka Hargeysa,
halkaasi oo dadweynaha iyo madaxda Somaliland ku sugayeen.
Aqoonyahanka
ayaa markii uu diyaaradda ka soo degay ku sujuuday dhulka, ka dibna waxa uu
bilaabay salaan gacan qaad ah oo uu boqolaalkii dadweyne oo saf dheer ugu jiray
dhamaantoodba salaamay.
Guddoomiyaha
guddida xukuumadu u xilsaartay soo dhoweyntiisa Cabdilaahi Geeljire oo ah wasiirka
kulluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa sheegay in aqoonyahanka ay ku soo
dhoweynayaan dhulkiisa hooyo, isla markaana ay ku faraxsan yihiin
imaanshihiisa.
Siyaasi
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ku soo guryo
noqoshadda gurigiisa, maadaama oo muddo dheer ugu dambaysay, waxaanu xusay inay
u qorshaysan tahay inuu dhamaan gobolada uu soo wada maro, isla markaana uu
bulshada qaybaheedda kala duwan la kulmi doonno.
“Sababtaan
u imid Somaliland waxa weeye marka aad wax weyn u timaado laba amuurood ayaa
kugu waajiba, kow waxa kugu waajiba inaad dhagahaaga furto oo aad dhagaysato
iyo inuu afkaagu xirnaato oo uuna furnaado dareenkaagu, waxa weyn ee aan
sheegayo waxa weeye waa Somaliland, Somaliland waxay ahaan jirtay waddan intaan
gobonimada la qaadan, magacu shalay muu dhalan, dad iyo qaran baa jira, waxaa
igu waajib ah inaan darso oo aan la sheekaysto hamadooda iyo noloshooddu siday
tahay aan dareemo”ayuu yidhi Samatar mar uu ka hadlayey sababta uuu yimid,
isagoo sheegay inuu casuumad ka helay madaxweynaha Somaliland.
“Arrinta
Somaliland maaha wax indhaha laga qarsan karo, muddo badan ayaan ka hadlayey
waana la doodaa Somaliland, waayo xaq baan ku leeyahay in aan la doodo ana xaq
baa la igu leeyahay, inta aan hadlayey haddii aad dib u baadhaan waxaad garan
doontaan inay aduunyadu u garato Somaliland waxay qabsatay oo aan meelo kale
loo soo marmarin ee toos loola hadlo, iyadoo aduunyadda hareeraha ka xigaa
burbursan tahay, dabadeedna abaalkeedda la siiyo, labaatan sanno ayaan arrintaasi
ka hadlayey wax cusub oo aan soo saarayo maaha, waxaanan jeclahay in madaxda
iyo shacabka warkooda aan dhagaysto, war baan buuxaa anigu, wadankana war baa
buuxa ee waa in aan dhagaysto oo aan wax ku qaato, Somaliland meel aan kaga
tagayo ma jirto waana halkii ilaahay iga abuuray,” ayuu yidhi mar uu ka
hadlayey waxa uu ka aaminsan yahay qadiyada madax banaanidda Somaliland.
Prof.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka gaabsaday inuu wax badan yidhaahdo, waxanu ku
soo koobay inuu war badan bixin doono marka uu xog badan helo, isla markaana
madaxda iyo madax dhaqameedka la kulmo.
Si
kastaba ha ahaatee, maalmihii u dambeeyey ayaa magaaladda Hargeysa si weyn
looga dareemayey soo dhoweyntiisa, waxaana wadooyinka lagu xidhay boodhadh
waaweyn oo ay ku xardhan yihin sawirkiisa, waxaana wadada kala xidhay boqolaal
gaadiid ah oo loogu soo dhoweyanayey.
No comments:
Post a Comment