Tuesday 4 June 2013

Somalia - Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhoofay Japan
Wafdigii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Yokohama ee dalka Japan ayaa caawa ka dhoofay halkaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Japan ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sagootiyay garoonka caalamiga ah ee Narita ee magaalada Tokyo.
Waxaa la sheegay inuu madaxweynaha ku sii jeedo dalka Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa Yokohama wuxuu kulamo la qaatay raysul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo madax kale.
Sidoo kale, wuxuu ka qeyb-galay shirkii arrimaha Soomaaliya ee 31-kii May lagu qabtay Yokohama, shirkii Horumarinta Afrika ee TICAD oo kowdii ilaa 3-dii bishan ka socday Yokohama iyo kulan looga hadlayay burcad badeedda iyo colaadaha Soomaaliya.
Kusimaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay danjiraha Q.M ee Soomaaliya
Mr nicholas Kay u qaabilsanaha Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya ayaa kulanka uu maanta la qaatay kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Shiiq Cusmaan “Jawaari” waxa uu ahaa mid looga hadlayay wajiga cusub ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo xafiiskan cusub ee UNSOM sida uu u waji lahaa howlaha uu u xilsaaranyahay.
 Kulanka dhaxmaray danjiraha Q.M. ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka iyo guddoomiyaasha gudiyada joogtada ah ee golaha shacabka, markii uu soo gaba gaboobay ayeyna si wadajir ah warbaahinta u la hadleen Mudane Maxamed Cusmaan iyo Nicholas Kay.
 Ugu horeyntii waxaa saxaafadda la hadlay ku simaha Madaxweynaha ahna afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya waxa uuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dowladda Soomaaliya laga caawiyo howlaha badan ee wax loogu qabanayo dalka iyo dadka isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay guddoomiyaha in UNSOM ay wax badan kala qaban doonto.
 Mr Nicholas Kay danjiraha cusub ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu si daacad ah uga shaqeeyo arrimaha Soomaaliya oo loo xilsaaray.
 Golaha Amaanka ee Q.M. ayaa kulan ay Labadii bishii May ee sanadkan kulan ay yesheen waxa ay isku raaceen in la furo wajiga cusub ee howlgalka Qaramada Midobay ee ku aadan kaalmada Soomaaliya oo ay ugu magac dareen UNSOM kaas oo badalay xafiiska siyaasida Q.M u qaabilsanaa ee UNPOS kaas oo shaqadiisa ku ekeed maanta oo ay taarikhdu tahay 03.06.2013-

Wararka Qofki ka shakiyey in Fowsia saxiixday heshiiska badda ee (MoU) ha ku qanco document-gan (Kii hore qabyuu ahaa)
Posted by Alaxmed on 06/03/2013 in Wararka | 0 Comment
 Haddii aynu nahay bahda Caasimada Online Waxaan ka cudur daaraneynaa in saaka aan qabyo ahaan usoo gudbinay heshiiska muranka gelinaya badda Somalia ee MoU oo Wasiirka Arrimaha dibedda Fowsiya Yuusf Xaaji ay saxiixday. Wuxuu docuemnt-ga ahaa laba bog, waxaase dhacay qalad technical (farsmo) ah oo keenay in bogga uu muujiyo kaliya bogga koowaad, oo saxiixuna ka maqan yahay.

Iminka waynu saxnay qaladkaas, waxaan qeybta ugu dambeysa document-ga ku cad in Fowsiya u saxiixday Kenya ka shaqeyn fulinta heshiiskii MoU ee muranka gelinaya Badda Somalia. Si fiican u eeg labada paragraph ee ugu dambeysa heshiiska
Xaqiiqdii comments badan iyo email ayaa na loogu sheegay in document-ga aan soo bandhignay aan la aamini karin, waayo wuu kala maqnaa, balse arag isaga oo dhameystiran weliba qeybta dambe ee warqadda, kuna qanac in Caasimada Online aysan arrinkan iska abuuran. Innagu iskama soo qorno wax ayna hubin. Mahadsanid
Warbixinta oo buuxda ka aqri Hoos.
Xuquuqda qoraalka SomaliTalk.com
Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf X. Aadam, ayaa heshiiskii Is-fahamka ee Baarlamaankii hore ee Soomaaliya waxba kama jiraan ka dhigeen waxay markale la saxiixatay Dawladda Kenya.
Warqadda ay May 31, 2013 Nairobi ku kala saxiixdeen wasiiradaha Arrimaha dibadda ee Dawladaha Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, oo nuqul ka mid ah ay heshay SomaliTalk.com, waxaa ku cad “Labada Wasiir waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta badda”, ayadoo arrintaas asaas looga dhigayo heshiiskii MoU.
“Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.”
Waxaa isla markaas durbadiiba Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay aqbashay in Kenya iyo Soomaaliya wada samaystaan guddi farsamo oo arrintaas kawada shaqaynaya oo loo bixiyey JCC (Joint Commission for Cooperation).

Waxaana ku caq qoraalkaas in guddigaas markiiba la dhaqan geliyey oo “Labada Wasiir ay si rasmi ah u sheegeen in JCC uu dhaqan galay (Axad) 2-da June 2013, saacada 4:00 galabnimo”.
Sida ku cad qoraalka cusub ee la kala saxiixday, waxaa kulanka labada wasiir ee arrimaha dibadda in uu Nairobi ku qabsoomo amar ku bixiyey Madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyada iyo Shiikh Xasan, amarkaas oo ahaa in ay sid degdeg ah ku kulmaan labada wasiir, isla markaasna la diyaariyo sidii Nairobi uu “kulan shaqo” ugu iman lahaa madaxweynaha Soomaaliya, uuna marti gelin doono madaxweynaha Kenya.
Qadiyadan heshiiska MoU waa mid la xiriirta xornimada dhul ee Qaranka Soomaaliya, maadaama xukuumaddu saxiixday in gorgortan laga geli karo dhul-badeedka Soomaaliya (xusuuso MoU-ga boorka laga jaafayo) iyo ayadoo ay Kenya hore u cadaysatay xad gudubka ay ku soo samaysay dhul-badeedka Soomaaliya o ay qayb cabiratay.
Warar ka qaar ayaa tibaaxay in Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf,  ay keli ku ahayd goobta ay heshiiskan kula saxiixanaysay wasiiradda Arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed oo ay weheliyeen khubaro Keenyaati ah.
Heshiiskan is-fahamka ee boodhka laga jafay waxaa uu ahaa Heshiiskii MoU-ga ee muranka lagu gelinayey badda Soomaaliya, islamarkaasna ay Kenya cabiratay dhul-badeed baaxad-weyn oo ah saddex-xagal (sida ku cad kharidahaay Keny au gudbisay UN-ka 6dii May 2009).
Heshiiskii loogu magac daray is-fahamka (memorandum of understanding ama MOU) waxa uu ahaa kii April 7, 2009 uu magaalada Nairobi ku saxiixay C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo xilligaas ahaa wasiirkii xiriirka caalamiga ah ee DFKMG.
Laakiin waxaa heshiiskaas ka dhiidhiyey Baarlamaankii Soomaaliyeed oo August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanku ay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID).
Muddo dheer ayey qaadatay in go’aankaas ka soo baxay Baarlamaanka in la gaarsiiyo Qaramada Midoobey maadaama ay xubno ka mid ahaa golahii wasiirada ee xilligaas ay xagal daacinayeen. Waxaana ugu dambayntii Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya in uu yahay mid aan la cuskan karin “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin”. Qormada kooban ee UN-ka ayaa u qornayd sidan:
“The MOU has been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.” UN.
Muddo kaddib C/raxmaan C/shakuur oo ahaa wasiirkii heshiiska Is-fahamka u saxiixay DFKMG waxa uu isku deyey in uu iska leexiyo masuuliyadda heshiiskaas, asagoo farta ku fiiqay in Ra’iisul wasaarahii xilligaas Cumar C/rashiid uu amray in uu saxiixo.
Maanta waxaa taagan mid taas la mid ah, in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Xasan uu amray in heshiiskaas is-fahamka ay markale saxiixdo wasiiradda Arrimaha dibadda, ahna wasiirka iskaashiga Caalamiga ah.
Haddaba mar haddii markale la hareer maray go’aankii baarlamaanka, la jebiyey xeer ay dawladdu ku dhisan tahay ee ahaa in go’aanka baarlamaanku ka sareeyoo kan xukuumadda, iyo inaan heshiisyo caalami ah la meel marin karin haddii aan baarlamaanku ansixin, waxaa su’aashu tahay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya tallaabo intee leeg ayuu ka qaadi doonaa arrintaas.

Tan kale, haddii arrintaas ay baarlamaanku go’aamo adag ka soosaaraan, ama shacabka Soomaaliyeed sidii kii hore u diidaan heshiiskan cusub, markaas ma la arki doonaa Fawsiya Yuusuf Aadam oo ku andacoonaysa ‘waxaa i amray madaxweynaah in aan heshiiska saxiixo ee isaga arrinta kala hadla’ sidii uu C/raxmaan C/shakuur Warsame u lahaa ra’iisul wasaraha ayaa i amray markii arrintii uu saxiixay la qaadacay.
Soomaaliya baddeedu waa xadaysan tahay, laakiin dhul ayaa ka maqan
Arrinta saxiixa cusub ee May 31, 2013 waxaa si qayaxan ugu cad in la doonayo xadayn cusub ee badda ayadoo la cuskanayo heshiiskii hore ee Is-fahamka MoU, kaas oo dhigayey sidan: “Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN BADEED”. Sheegashada labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga lagu mursan yahay.” Sidaas waxaa dhigayey heshiiskii is-fahnka ee MoU.
Ufiirso halkaas: ma jiro meel ay Dawladdii KMG ahayd ama dawladdan cusubi ku cabiratay aagga Lamu, balse waxaa jira cabbir qeexaya in Kenya cabiratay aagga la olloga ah Raas-kambooni ee u dhaw Kismaayo (sida ku cad khariidaha weli ku jira website UN ee Kenya gudbisatey)
Laakiin, sida taariikhda ku cad, xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka xiga Soomaaliya, weligeed muran ma gelin ka hor saxiixii C/raxmaan C/shakuur. Waxaa taariikhda ku cad in Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga uu dhex maray heshiis dhacay 15kii July 1924, laakiin ay isku raaceen 17kii December 1927, heshiiskaas Xadaynta dhanka badda waxaa ku cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA SHAAQA ay leedahay Soomaaliya – waa jasiirado Koonfur kaga aadan Raas Kambooni.

Sidoo kale, 16kii iyo 26kii June 1925 xiriir dhexmaray safiirkii Boqortooyada Ingriiska u fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa dawladda & Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqorkii Talyaaniga ayaa waxay isku raaceen halka la marinayo xadka dhanka badda, markaas oo la caddeeyey in “Raas kambooni iyo jasiiradaha u dhaw ay hoos tegayaan dhanka Soomaaliya”.
Ufiirso halkaan: Fawsiya Yuusuf Aadam arrinta ay hadda Kenya la saxiixatay kuma saabsana Is-Afgaradkii Caruusha ee 1967 (Arusha Memorandum of Understanding) ee Soomaalida weli kaga maqan yahay dhulka NFD. Balse waxay saxiixday in boodhka laga jafo heshiiskii Is-fahamka MOU Badda ee 2009 kaas oo Kenya ay muranka ku gelinaysay badda Soomaaliya.
Tan kale xadaynat cusub ee la doonayo marka lagu saleeyo heshiiskii Is-fahamka waxaa Kenya markaas sheegan doontaa in xarriiqda kala qaybin doonta badda ay u socoto dhanka bari, halka sida caadiga ah xarriiq badeedka kala qaybisa Kenya iyo Soomaaliya ay tahay mid xagal 90 derejo ah la samaysa xeebta, una socota Koonfur-bari.
Waxa kale oo xaqiiqa ah in saxiixa cusub ee Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFS uu yahay mid lagu tirtirayo xeerka Badda Soomaaliya ee Law No.37 oo soo baxay 1972. Waayo, waxaa Soomaaliya leedahay sharci badeed oo qeexaya cabbirka baddeeda, si qayaxan u sheeegaya in badda Soomaaliya ku cabiran tahay meel xeebta u jirta 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS. tan kale Soomaaliya waxay saxiixdeay Xeerka badahah Adduunka 1989 ayadoo aan ka tanaasulin xeerka Law No. 37. Fawziya Yuusuf arrintaas kuma caddayn qoraalka ay dacalka ka saxiixday.
Saxiixa cusub – oo boodhka laga jafayo heshiiskii MoU ee muranka geliyey badda Soomaaliya – waxaa fuliyey wasiir ka tirsan xukuumadda FS, laakiin sharciga iyo qaanuunka dalka ilaalintiisa waxaa qaabilsan Baarlamaanka. La xisaabtanka xukuumadda waxaa qaabilsan baarlamaanka. Haddii la jebiyo ama la hareer maro xeer baarlamaan, cidda sixidda iyo xisaabtankeeda leh waa baarlamaanka. Haddaba waxaa shacabku ka dhur sugayaan arrintan xukuumaddu soo xusboonaysiisay ficilka ay ka qaataan.
Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon sidii ay markale ugu istaagi lahaayeen difaaca badda Soomaaliyeed.
Halkan ka arag document-ga MoU ee Fowsiya ay saxiixday oo ay faafisay SomaliTalk
Hoose ka arag qoraalkii uu saxiixay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur
Sidoo kale aqri sir kale oo culus: DHAGEYSO: Siyaasi reer Puntland ah oo kashifay shirqool loo maleegayo DF iyo sir la qariyey oo ah alkan
Dagaal Uu Ku Dhintay Horjooge Ajinabi Ah Oo Maleeshiyaad Al-Shabaab Ka Wada Tirsan Ku Dhexmaray Degmada Ceelbuur
Horjooge ka tirsanaa Ajaaniibta kusoo xadgudubtay Dalkeenna ayaa ka mid ah tiro Maleeshiyaad ah oo naftooda ku waayey dagaal Maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
 Dagaalkan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay gudaha degmada Ceelbuur fiidnimadii hore ee caawa oo Isniin ah waxaana Maleeshiyaadkan ka wada tirsan khawaarijta Al-Shabaab ay gudaha magaaladaasi ku dagaalamayeen mudo ku dhow hal saac.
 Dagaalka waxaa la xaqiijiyey in sidoo kale uu ku geeriyooday horjooge ka tirsanaa Ajaaniibta Al-Qaeda ee Dalkeenna kusoo xadgudbay kaasi oo isagu ka mid ahaa tiro Horjoogayaal Ajaaniib iyo Soomaali isugu jirta oo ku dhuumaaleysanayey qeybo ka tirsan gobolka Galgaduud.
 Abwaan Barre Ganeey oo Muqdisho ku geeriyooday
Allaha unaxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Abwaan Barre Ganeey oo ka tirsanaa fanaaniinta kooxda horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
 C/llaahi Nuur Cawaale “Xalweyste” oo ay ka wada tirsanayeen kooxda Horseed  oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in  Abwaanka maanta Muqdisho ugu geeriyooday Xanuun.
 Waxa uuna intaasi ku daray in ALLAHA u naxariiste Abwaan Barre Ganeey in uu ahaa shaqsi ka dhax muuqdo fanaaniinta horseed ee ciidanka XDS uuna ahaa abwaan in muddo ah kusoo dhaxjiray fanka, waxa uuna ALLE ugu baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.
Xildhibaanno Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku eedeeyay in Colaad ay ka hurineyso Gobolka Hiiraan
Kadib kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa kulankooda waxa ay eedeyn ugu Jeediyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay ku eedeeyeen in ay Colaad ka hurineyso Gobolka Hiiraan.
 Xildhibaanada ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha in Gobolka  Hiiraan ay u Magacaawday Shaqsiyaad ay sheegeen in aysan Gobolka ka soo Jeedin taasi oo horseedi karta in waddanka uu Colaad dib ugu laabto.
 Xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi oo kulanka kadib Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cadallad darri ay ka sameysay Shacabka degan Gobolka Hiiraan isagoona Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay fara geliso dhibaatada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka waddo Gobolka Hiiraan.

Hadalka Xildhibaanada ayaa imaanaya xilli Maalmihii la soo dhaafay kulamo isdaba Joog ah Baladweyne  ay ku yeelanayeen Beelaha degan Gobolka Hiiraan kuwaasi oo dhaliilaya Maamul Wasaaradda Arrimaha gudaha ay u Magacaawdo Gobolkaasi.

Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka oo ku baaqay in dowladda ay il gaar ah ku eegto dhibaatada haysata Soomaalida ku nool dibadda
Prof: Max’ed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo La hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay uga hadleen Hindiso Sharciyeed ay u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya.
 Xildhibaanka ayaa sheegay in sidoo kale ay uga hadleen Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan qaar ka tirsan wadamada Afrika iyo qaaradda Yurub isagoona ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka geysato sidii loo sii deyn lahaa dhalinyaradaasi.
 Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay in ay sii daayaan fanaanad Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Turkiga.
 Hadalka Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya Xilli Maxaabiis Soomaaliyeed ay ku dhibaateysanyihiin qaar ka tirsan Xabsiyo ku yaalla Wadamada Caalamnka.
Howl gallo dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Degmada X/jajab
Howl Galkaani oo ahaa mid aad u ballaaran oo Lagu soo qab qabtay dhalin yaro aad u fara badan ayaa Saaka waxaa ay Ciidamada dowladda ee Ammaanka qaabilsan iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada X/Jajab ee Gobolka Banaadir.
 Howl Galka ayaa waxa uu ahaa mid si gaar ah loogu bartilmaamsanayay shaqsiyaad lala Xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Ururka Al Shabaab kuwaasoo Ciidamada Ammaanka qaabilsan ku tuhmayeen in ay ku suganyihiin Xaafadaha ay saaka Baaritaanada ka sameeyeen.
 Dhalin yaro fara badan oo lala xiriirinayo in ay ka mid yihiin Kooxaha ka soo horjeedo dowladda ayaa Lagu soo qabtay Howl galka intii uu socday sida Saraakiil ka tirsan Booliska ay xog ku siiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdish.
 Dhanka kale Mid ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in Magaceeda Loo adeegsado Warbaahinta ayaa Shabelle u sheegtay in Howl galka dhalinyardii lagu qabtay qaarkood la sii daayay kadib markii ay baaritaanno Mareen iyadoona intaa ku dartay in Howl galku uu u Muuqday Mid gaar ah oo goobo Cayiman laga sameynayay.
 Sikastaba Howl galladani ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa Howl gallada ay Maalmahaan dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameynayeen Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu Xaqiijinayay Nabad gelyada Magaalada Muqdisho.
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun riday
Maxkamadda ciidamada qalabka sida  ee Soomaaliya ayaa laba katirsan ciidanka qalabka sida kuriday xukun dil toogasho ah kadib markey kuheshay dembi ah in ay dil ugeysteen labo qof oo shacab ah.
 Xukunkan   dilka ah oo ay maanta maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay riday  ayaa ku waxa ay  ahayeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada hay’adda nabad sugida Qaranka kuwaas oo la sheegay in ay horay dil ugu geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
 C/llaahi Maxamed Muuse oo ah xeer ilaaliyaha maxkamada darajada Kowaad ee ciidamada Qalabka sida oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamada ayaa sheegay in Mahad Maxamed Cilmi oo ka tirsan ciidanka nabad sugida uu dil u geystay wiil lagu magacaabi jiray Asad  C/llaahi Maxamed oo ka mid ahaa darawalada ka shaqeeya baabuurta dad weynaha ee ka howlgala Muqdisho.
 Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa ku dhawaaqay in xukun dil ah lagu fuliyo Aweys Axmed Xasan oo ka tirsan ciidanka nabad sugida uu Baar Ubax ku dilay marxuum la oran jiray C/risaaq Muxuumad Maxamed xili uu ka dagayay babuur ka yimid dagmada Afgooye.
 Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dib u dhigtay dacwado loo haystay dad lagu soo qabtay falal kala duwan waxa uuna xeer ilaaliha tilmaamay in dadkan maanta la soo taagay maxkamadda dhawaan la soo taagi doono si loo kala saaro dadka dambiga galay iyo kuwa aan galin.
Faroole oo la kulmay Uhuru
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya kula kulmay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Kenyatta ayaa aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdiga madaxweyne Faroole, waxayna ka wadahadleen arrimo khuseeya labada dhinac.
Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya inay diiradda saareen dhinacyada nabadgelyada, iskaashi dhex mara iyo sidoo kale arrimaha Jubbooyinka, oo ay Kenya ciidamo ka joogaan.
Wafdiga madaxweyne Faroole oo dhowaanahan ku sugnaa Kenya ayaa waxaa kulanka uu la qaatay Kenyatta ku wehliyay raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wasiirkii gaashaandhigga Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.
Munasabad Lagu Soo Bandhigayay Tafsiir uu Diyariyay Shiikh Nuur Baruud Gurxan oo Maanta Lagu Qabtay Muqdisho.
Munaasab lagu soo bandhigayay duubista Tafsiirka Quraanka kariimka oo maqal iyo muuqaal duubistiisana uu waqti badan  Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa manta lagu qabtay magaalada muqdisho.
 Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeeyb galay wasiirka Garsoorka,Cadaalada iyo Owqaafta,gudoomiyaha dalladda culuma’udiinka soomaliyed iyo mashaa’ikh magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyed.
 Gudoomiye ku xigeenka dalladda culuma’udiinka soomaaliyed Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo munasabadasi ka hadlay ayaa ka soo qeyb galayasha ushaxay mudada uu bilaabay duubista tafsiirka quraanka kariimka iyo inta cashir uu ka koobanyahay,isagoo sheegay in mudo hal sano ah uu duubayay tafsiirkan.
 Wasiirka Cadaalada,garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur ayaa tilmaamay in duubista tafsiirkan quraanka kariimka uu saldhig weyn u yahay diinta islaamka,isagoo ku bogaadiyay culumaa’udiinka soomaaliyed doorka wanaagsan oo ay ka qadanayaan Fidinta Diinta islaamka.
Madaxweynaha Dalka Kenya oo Eeden Kulul ujeediye Aasaasayaashii Maamulka Jubboland
Magaallada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa isniinta maanta ah ku kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, C/raxmaan Faroole, Prof Gandi iyo Mas’uuliyiin kale oo laf dhabar u ahaa Dhismaha Maamulka Jubbaland ee Kismaayo.
 Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay kawada hadleen Xaaladda ay gashay Magaallada Kismaayo iyo Kaalinta ay Xukuumadda Somalia ku leedahay dhismaha Maamulkaasi.
 Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Somalia ay xiligaani wixii ka dambeyso dooneyso inay la wareegto Siyaasadaha ka taagan Jubbaland, waxa uuna Mas’uuliyiintaasi Uhuru ugu baaqay inay faraha kala baxaan Arrimaha Kismaayo.

Madaxweyne Uhuru waxa uu sidoo kale Mas’uuliyiintaasi ugu baaqay inay ka joojiyaan Faragalinta Siyaasadda Somalia iyo Jubbaland, waxa uuna sheegay in Caalamka ay faragalintaasi ku eedeynayaan Dowladda Kenya oo ay Ciiddamo ka joogan Kismaayo.
Uhuru Kenyatta waxa uu dhanka kale, Mas’uuliyiintaasi ku wargaliyay inay Maalinta Arbacada kulan la qaadan doonaan Madaxweyne Xassan Sheikh, waxa uuna sidoo kale uga digay inay kulankaasi Khilaaf iyo dhaleceyn ka keenaan.
 Kulanka Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Mas’uuliyiintaasi ayaa waxa uu ahaa mid horu dhac u ahaa kulan la doonaayo Maalinimada Arbacada inay la qaatan Madaxweyne Xassan Sheekh maxamuud
R/wasaare Saacid oo Si kulul uga Hadlay Dhibaatooyinka Soomaalida Loogu Geysto Dalka Koofur Afrika
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa dowlada Koonfur Africa looga codsay yareynta waxyeelada soo gaarta shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.
 Warqada ayaa waxaa loo diray madaxweynaha dalka Koonfur Africa Mr. Zuma, waxaana Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
 “Waxaan ka dalbanayaa dowada jamhuuriyada koofur Africa inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhanka ah bulshada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalkaasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tacsi u diray qoysaska Soomaaliyeed ee caruurtooda lagu dilay laguna dhaawacay dalkaasi Koofur Africa, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee dhibaatada ay ku qabsatay magaalooyinka Diepsloot, Pretoria and Booysens Park, Port Elizabeth.

Wuxuu ugu baaqay Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka koofur Africa in ay dhowraan sharciyada deegaanka, ayna la shaqeeyaan safaarada Soomaliya ee magaalada Pretoria
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa markii ugu horeysay shacabka soomaaliyed u soo bandhigay tafsiirka Quraanka kariimka oo maqal iyo muuqaal ah.
 Tafsiirkan Quraanka kariimka ayaa laga bilaabi doonaa Tvga qaranka soomaaliya iyo radio muqdisho hadii alle idmo.
Al-Shabaab oo nin ay sixiroole ku eedeysay ku dishay Kamsuuma
Maleeshiyada al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubadda Hoose ku dishay nin ay ku eedeysay in uu sixiroole ahaa.
Ninka la dilay ayaa da’diisa lagu sheegay 50 jir, waxaana ay maleeshiyadu sheegtay in uu dilay 10 qof oo dilkooda uu u adeegsaday sixir, isagoo isticmaalaya masas iyo yaxaas
 Wasaarada Difaaca Soomaaliya oo Sheegtay in Heegan Buuxa lagaliye Ciidanka Xooga Dalka
Craxmaan Kulmiye Xirsi Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga dalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacad Fm ah kutaal Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka Soomaaliya la geliyay heegankii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii Shabaab ay weeraro ugu qaadi lahaayeen.
 Inkastoo howlgalka dagaalka ee ciidanka Dowladda Soomalaiya ee Gobalada dalka uu istaagay ayaa hadana ciidanka Dowladda Soomaaliya wuxuu sheegay inay marwaliba diyaar u yihiin sidii Shabaab ay ula dagaalami lahaayeen.
 Ma uusan sheegin Wasiirka ciidanka heeganka la galiyay halka ay ku sugan yihiin laakiin wuxuu hadalkiisa kusoo koobay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay heegan ku jiraan goobaha ay joogaana Shabaab ay ku weerarayaan.
 Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ciidanka Dowladda Soomaaliya ay kula kacaan dadka shacabka ah,waxaana uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin askari ka tirsan ciidanka Dowladda inuu dhibaateeyo dad shacab ah.


Turkey protests: Union to start two-day strike The protests continued into a fourth night in Istanbul Continue reading the main story
One of Turkey's big trade union groups is staging a two-day strike to support continuing anti-government protests in a number of cities.
The left-wing Kesk trade union confederation, representing some 240,000 workers, accused the government of committing "state terror".
Protests and clashes with police continued into the night on Monday.
A second death in the protests has been confirmed by the governor's office in the southern city of Antakya.
Abdullah Comert, 22, a member of the youth wing of the opposition Republican People's Party, was was "seriously wounded... after gunfire from an unidentified person," the governor's office said, adding that he died later in hospital.
Earlier, the Turkish Doctors' Union said 20-year-old Mehmet Ayvalitas was hit by a car on Sunday which ignored warnings to stop and ploughed into a crowd of protestors in the Mayis district of Istanbul.
Bulent Alireza of Centre for Strategic and International Studies in Washington: "Longer term. people might review their image of Turkey from positive to negative"
Prime Minister Recep Tayyip Erdogan went ahead with a trip to Morocco and insisted the situation was improving.
--Oscar Pistorius to return to court Oscar Pistorius was seen as a sporting hero in South Africa
South African athlete Oscar Pistorius is due to return to court for the first time since he was freed on bail over the killing of his girlfriend.
The pre-trial hearing is expected to be brief, as the prosecution asks for more time to complete its investigations.

Mr Pistorius shot Reeva Steenkamp through the bathroom door of his house in Pretoria on 14 February.
He denies committing murder, saying he was acting in self-defence after mistaking her for an intruder.
The case is unlikely to come to a full trial until early next year, the BBC's Andrew Harding reports from South Africa.
-Syria conflict: US may leave F-16s and missiles in Jordan Nato states sent Patriot missile batteries to Turkey earlier this year Continue reading the main story
The US says it will send a Patriot missile battery and F-16 fighters to Jordan for military exercises and might keep them there to help deal with the threat from the conflict in Syria.
A US official said the arms may be kept there in light of "escalating violence along Jordan's borders".
Secretary of State John Kerry said Syria was at risk of "total implosion".
Meanwhile, the UN is due to publish its latest report into human rights violations in Syria.
The report, the fifth of its kind, is widely expected to contain more evidence of atrocities amounting to war crimes and crimes against humanity.
It comes amid diplomatic efforts, led by the US and Russia, to organise peace talks later this month. So far diplomats have been unable to set a date for the meeting.
--Mexico activists found dead by roadside in Guerrero state Community police, or vigilante groups, have taken control of many communities in violence-ridden Guerrero state
Police in Mexico say they have found the bodies of three left-wing activists who went missing on Thursday after a protest in support of local farmers.
Five others are still missing. The bodies were found by the roadside in southern Guerrero state.
Two bodies had bullet wounds, while the third victim seems to have been beaten to death.
Mexican police say it is not clear whether the activists have been killed for their political work.
They may have become the latest victims of drug cartels operating in the region.
Among the dead is the local leader of the Democratic Revolution Party (PRD), Arturo Hernandez Cardona.
Mr Cardona, a well-known politician in Guerrero state, was also a leader of the Emiliano Zapata Peasants' Union (Ucez).

                                                                                                                                                          

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...