Tuesday 18 June 2013

Askar Nabad sugida ka tirsan oo lagu weeraray Muqdisho


MAALIK_SOM JUNE 18, 2013 COMMENTS OFF
Muqdisho-(Sh.M.Network)-Sida Goob Joogayaal ay u Xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Kooxo Hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxa ay Rasaas ku fureen Ciidamo Ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida Qaranka.
Rasaastaasi Kooxaha Hubeysan ay ku fureen Mooto sida la sheegay ay wateen Labo  Askari oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida dowladda Soomaaliya oo sida la sheegay mid ka mid ah uu yahay Sarkaal ,waxaana inta La xaqiijiyay Rasaastaasi ku dhintay 1 Askari halka mid kalana uu dhaawac ka soo gaaray ,iyadoo Labadooduba la geeyay Saldhiga degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Goob Joogayaasha ayaa intaasi kudaraya in markii Kooxaha Hubeysan ay Rasaasta Huwiyeen Ciidamadaasi ka tirsan Nabad Sugida Mootada oo la dhacday kadib uu jiiray Gaari nuuca dadweynaha qaada oo la sheegay isagu  qudhiisa in uu ka baxsanayay Rasaasta ay soo Fureen kooxahaasi Hubeysnaa oo aan weli la shaacin heybtooda.
Goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa La sheegay in durbadiiba ay Gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo billaabay baaritaanno ku aadan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi.
Lama Shaacin weli Cid lagu soo qabtay Howl galladaasi ay Ciidamada dowladda ay ku baarayeen Kooxihii ka dambeeyay dilka Askar ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida dowladda Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...