Thursday 27 June 2013

Sheikh Dahir Aweys - Daawo sawirada Xildhibaano, Odayaal, Nabadoono iyo Saraakiil gaaray Cadaado Somali news leader www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com

Daawo sawirada Wafdiga isugu jira Xildhibaano, Odayaal, Nabadoono iyo Saraakiil gaaray Cadaado
Wafdi isugu jira Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, odayaal dhaqameed, nabadoono, saraakiil iyo siyaasiyiin ayaa gaaray degmada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb, iyadoo dhamaan xubnaha wafdiga ay ka soo jeedaan Beelaha H/gidir.

Xildhibaan Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha gudaha, kana soo jeeda Beesha Maamulka Cadaado ayaa hogaaminayay wafdigan, iyadoo durba wada hadalo kula qaateen Xarunta madaxtooyada Mas'uuliyiinta Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wafdigan ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado, Gudoomiyaha baarlamaanka Ximin iyo Xeeb, iyo saraakiil, waxaana wafuudan ay kor u dhaafayaan labaatan xubnood.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa ka mid ah wasiiru dowlihii hore Gaashaandhiga Abtidoon, Yuusuf Indhacade, Nabadoon Axmed Diiriye, Ugaas Cabdi Dahir iyo dad kale oo ka soo jeeda beelaha H/gidir.

Wafdigan ayaa kala xaajoonaya maamulka Ximin iyo xeeb sida laga yeeli lahaa Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku sugan Cadaado, iyadoo suura gal tahay in loo soo wareejiyo sheekha magaalada Muqdisho,

Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey ayaa sheegay in Sheekh Xasan Dahir uu culeys ku yahay deegaanka iyo deegaanada deriska, isagoo xusay in muhiim tahay in laga arinsado sida laga yeelayo.

Wada hadalada ayaa waxay yihiin kuwo socda, iyadoo wali aanay wax go'aan ka soo bixin, wafdigan ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku sugan guri si aad ah ammaankiisa loo ilaaliyay,



















Somali news leader 
www.jowhar.com 
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...