Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa halkaas kulan kula leh Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo wafdigii ka keenay Cadaado oo uu ku jiro Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb.
Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Jowhar.com Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo markii hore ku lug lahaa wada hadalada Xasan Dahir lagu keenayay Muqdisho ayaa hada kulan toos ah la leh wadaadka.
Sheekh Xasan Dahir ayaa wali ku sugan garoonka oo aan laga bixin, sidoo kale qaar ka mid ah xubnihii ka keenay Cadaado ayaa iyana garoonka jooga, waxayna wada hadalada socda ay yihiin kuwo saddex geesood ah oo looga arinsanayo xaalada Xasan Dahir.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan hada ka socda Garoonka uu qeyb ka yahay kulamo ammaanka looga hadlayay oo ay goor dhoweyd yeesheen Hey'adaha ammaanka dowladda, kaasoo ku saabsanaa sida laga yeelayo Wadaadka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlayo dhaqan gelinta heshiis la sheegay inuu ahaa midka Xasan Dahir lagu keenay Muqdisho, kaasoo ay la soo galeen Xubnaha tagay Cadaado ee isugu jiray Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha.
Heshiiska ayaa qodob ka mid ah dhigayay in Xasan Dahir aanan saxaafada la tusin marka uu ka soo degayo garoonka, iyadoo muuqaalo laga soo qaaday garoonka Cadaado markii uu ka soo baxayay la arkayay wadaadka oo khamiis xirnaa oo wajiga ay camaamad ugu duubneyd, iskana qarinayay saxaafada.
Xasan Dahir lagama haayo inuu isa soo dhiibay, inuu ka tanaasulay fikirkiisa iyo inuu dowladda ku soo biira doona, sidoo kale lama oga halka ay ku dambeyn doonto mustaqbalkiisa.
Hase ahaatee waxaa kaliya muuqata in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan, isla markaana uu ku sugan yahay mid ka mid ah goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo.
Waxaa xusid mudan in markii Sheekh Xasan Dahir ka soo degayay garoonka Muqdisho aanay madaarka ku sugneyn Ciidamada AMISOM, waxa kaliya ee goobta joogay ay ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka dhacay kulan gaar ahaa, oo ay ka qeyb galeen taliyeyaasha ammaanka, kaasoo looga arinsanayay sidii Xasan Dahir ammaankiisa loo adkeyn lahaa.
Xaalada magaalada ayaa ka duan sidii hore, iyadoo aad looga hadal haayo Xasan Dahir oo caawa fiidkiia y diyaarad keentay, waxaana ammaanka magaalada uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay.
La soco wixii ku soo kordho.
Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment