Saturday 13 February 2010

Somalia: - Faaqidaad ku saabsan wadahal aan la shaacin oo dowlada Somalia iyo culumaa’udiinka Ahlu sunna uga socda magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan wafdi culus oo ka socda Dowladda ku meel gaarka ah. Waxaa Hoggaaminaya Raiisal Wasaare xigeenka, isla markaana ah Wasiirka Maaliyadda, Shariif Xasan Shiikh Adan. Waxaa wafdigiisa ka mid ah, Wasiirka Isgaarsiinta, Cabdirisaaq Juriille iyo la Mudane ka tirsan baalamaanka, isla markaana ah la taliyaha siyaasadda ee Madaxweynaha, Mustafa Dhuxulow.
Waxay wadahadal aan kala go' lahayn ay in ka badan toddobaad dhan ay kula jireen ergo ka socota Ahlu Sunna wal Jamaaca oo uu hoggaaminayo, Macallin Maxamuud Shiikh Xasan.
Dowladda iyo Ahlu Sunna, labaduba waxay dagaal kula jiraan Isbahaysiga kale ee isna Islaamiga ah ee Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Waxay isku dayayaan, in ay heshiis ku galaan xag siyaasadeed iyo xag militeri labadaba. Xagga siyaasadda, waxaa qorshuhu yahay in Ahlu Sunna ay dowladda ku biirto oo ay ku darsato dhowr Wasiir.
Dhinaca militeriga waxaa la damacsan yahay in la mideeyo ciidanka labada dhinac.
In kasta oo ilaa iyo hadda aan wax war ah oo rasmi ah laga soo saarin wadahadalkan toddobaadka socday, haddana waxaa uu u muuqdaa in aan ilaa iyo hadda wax is af garad ah laga gaarin.
Waxaa muuqata labada dhinac waa dowladda iyo ahlu sunna in ay kala shakisan yihiin oo mid waliba aanuu midka kale si buuxda u aamminsanayn.
Dowladdu waxay ka shakisan tahay kooxdan diiniga ah, oo dhul ballaaran qabsatay, cilaaqaadna la leh dowlado kale, waxay keeni karto haddii guusheedu intan ka sii badato.
Ahlu Sunna, oo iyadu guulo la taaban karo ka soo hoysay dagaalka ay Shabaab kula gashay goobo kooban, waxay ka shakisan tahay sida ay wax ugu darsan karto dowladda oo ciidankeedu sannad soo dhaafi la' yahay degaanka ay AMISOM gacanta ku hayso ee qeyb yar oo ka mid ah koofurta magaalada Muqdisho, inkasta oo ay dowladdu heshay tababar, hub iyo dhaqaale ka badan midka ay heshay Ahlu Sunna.
Kala shakigaas waxyaabaha lagu garan karo ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay ku wada hadlayaan dal shisheeye, iyaga oo fariisan kara Muqdisho ama dhulka ay ka taliso Ahlu Sunna.
Si kastaba ha ahaatee, dalalka deriska iyo guud ahaanba beesha caalamka ayaa waxay jeclaan lahaayeen in Soomaaliya ay dowlad lahaato, isla markaana Shabaab la jebiyo. Taas oo macnaheedu yahay, in ay Dowladda u baahan yihiin in ay jirto lana xoojiyo, isla markaana ay u baahan yihiin Ahlu Sunna oo ah cududda keliya ee ilaa iyo hadda Shabaab iska caabbisay.
Taas macnaheedu wuxuu noqonayaa in ay dariiqa kaliya ee furan uu yahay, in dariiqa ugu habboon yahay in la isu guuriyo labada dhinac.
Wadahadalka Addis Ababa, waa laga qariyay indhaha saxaafadda, laakiin waxay u muuqataa in xataa haddii uu keeni waayo heshiis weyn oo isbeddel horseeda, in ugu yaraan aan lala seegi doonin in laga soo saaro, heshiis magac-u-yaal ah, oo aan ka liidan kuwii hore labada dhinac ay ugu gaareen Muqdisho iyo Nairobi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...