Thursday 25 February 2010

Ducomenst heshiis ku sheega Ahlusuna iyo Dowlada labada Shariif oo la helay"original"

 Warbaahinta Waagacusub ayaa heshay heshiis ay Addis Ababa ku wada gaareen Ergooyin kala metelayay Dowladda Labada Shariif ee Somalia iyo Urur diimeedka Ahlusuna Wal Jameeca.

Heshiiska dhexmaray labada oo ay qaadaceen golaha sare ee Marjaca Ahlsuuan Wal Jameeca waxaa ku faraxsan dowlada Labada Shariif oo rumeeysan inuu noqon karo mid lagu wiiqo midnimada iyo awooda wadajirka ee Ahlusuna Wal Jameeca.

Bulshada Ahlusuna Wal Jameeca ayaa intooda badan qaadacay qorshe siyaasadeedka Gudoomiyaha Ahlusuna Sheekh Maxamud Macalin Xasan,waxayna ugu baaqeen inuu ka fogaado wax walba oo abuuri kara khilaaf.
Dalalka Kenya iyo Uganda ayaa laga diyaarinayaa olole balaaran oo looga soo horjeedo heshiiska Addis Ababa ,oo lagu sifeeyay mid ku dhisan qiyaano iyo is daba marin.
Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna ayaa ducomentskaan ku sheegay mid aan si rasmiya u hergelin,wuxuuna ugu baaqay golaha Culumadda Ahlusuna inay joojiyaan waxyaabaha dhalin kara khilaaf iyo xiisado siyaasadeed.
Inkastoo Sheekh Maxamud Macalin Xasan ku baaqay inaan xiisad la kicin hadana wuxuu la daalaa dhacayaa eedeyn la xiriirta inuu calanka u sido qorshe lagu fashilinaa siyaasadda iyo Midnimada dunida la dhacday ee Ahlusuna ayna ku jibiyeen awoodii iyo dhaqaalahii kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo Xisbul Aweys.

Wakiiladda Ahlusuna iyo Dowladda heshiiska ay wada gaareen wuxuu dhigayaa in Ahlusuna la siiyo xilalka iyo awooda kala ah.
- 5 Wasiir oo derajooyinkoodu yahay A,B,C
- 1 Wasiir heer gobolka ,oo loola jeeda geeska Africa.
-5 Wasiiro Caawiyeyaal oo derajooyinkoodu yahay A,B,C
-5 Agaasimeyaal guud oo derajooyinkoodu yahay A,B,C
-5 Agaasimayaal,waaxyaha kala duwan ee dowlada,derajadooda A,B,C
-3 Taliye ku xigeeno,oo kala ah,Melleteriga,Boliiska iyo Nabadsugida,Sida Sirdoonka.
-3 Sedex Safiir oo aysan derajadooda cadeeyn.
-3 Qunsul,oo aysan darajadooda cadeeyn
-3 Sedex Masuul oo qaabilsanaan doono rugta ganacsiga.
3-Sedex Sarkaal oo qaabilsanaan doono Ciidamadda Melleteriga.
3-Sedex madaxa oo qaabilsanaan doona dhaqanka.
Qodobadaan oo la sheegay inuu qoray Wasiir Shariif Sakiin,halkaan hoose ka akhri dhamaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...