Tuesday 23 February 2010

Muqdisho: Saalax Badbaado oo ka hadlay joogitaanka Shirkado Mareykan ah ee Muqdisho iyo cida lahayd Masuuliyada Qaraxii Shaamow…WARBIXIN…. 23. februar 2010

Muqdisho(AllPuntland)- Saalax Ismaaciil Nuur (Saalax Badbaado) oo ka tirsanaan jiray baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, balse hada ka baxay oo ka mid ah dad rayidka ah ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay goobaha ay maamusho dawladda KMG ah ee Soomaaliya, ay joogaan Saraakiil Mareykan ah, kuwaas oo uu sheegay in ay ujoogaan sidii ay udifaacan lahaayeen danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliyeed.

Saalax wuxuu sheegay in ay Saraakiishaas doonayaan in ay dano Mareykan oo kaliya ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho, isagoo qiray in ay dhici karto in ay abaabulaan qaraxyo xoog leh oo ka dhaca goobo ay ku badan yihiin dadka rayidka ah, si dadka loogu muujiyo in ay ka dambeeyaan qaraxyadaasi dhaqdhaqaaqa Xarakada Al- Shabaab.

Mr, Badbaado wuxuu tilmaamay in ay waxyaabo badan oo aan loo adkeysan Karin ay ka jiraan gudaha xarumaha ay maamusho dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo tibaaxay in ay maalin kasta Saraakiisha Ajnabiga ah ee imaanaya Muqdisho, ay sameynayaan falal lugu liidayo Shareecada Islaamka, ayna raali uga yihiin Madaxda dawladda KMG ah, oo horay usheegay in ay Shareecada ku dhaqayaan Soomaaliya.

Saalax oo horay uga tirsanaa baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale soo qaaday qaraxii ka dhacay Hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho, wuxuuna cadeeyey in qaraxaasi uu ka dhamaan waayay gudaha Madaxda dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isla markaasna ay waxyaabo kala gedisan ka weydiiyeen Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Raysalwasaaraha xukuumada KMG ah ee Soomaaliya, ayna jawaabo sax ah bixin wayeen.

“ Aaden Madoobe ayaa weydiinay qaraxa sababta loo ogaan waayay cida ka dambeysa, wuxuu sheegay in ay dadkii Wasiirada aha iyo dhaqaatiirtu ay qaldanaayeen, gudi ayaa la diray, lama yaqaan waxa ay keeneen wey aamuseen, markii ay xaalad dhabta ah ogaadeen, taasi waxa ay mujisay in ay dawladda KMG ah dhexdeedu leedahay masuuliyadaas” Ayuu yiri Saalax Badbaado, oo rumaynayay shaki ay dad badan qabeen oo ah in ay dawladda KMG ah ka dambeysay qaraxaasi.

Gudi dawladdu usaartay wax ka qabashada iyo soo ogaanshihii falkii Hotel Shaamow, ayaa iskiis ukala tagay, iyadoo aan horay Saxaafada loogu soo bandhigin magacyada gudigaasi, balse uu afka ka sheegay Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Hadalka Saalax Ismaaciil Nuur ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyey dad badan ay hadal hayeen jiritaanka Shirkado American ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, gaar ahaana ay la socdeen Yuusuf Maxamed Siyaad, maalintii qaraxa lala beegsaday ee bishan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...