Friday 26 February 2010

Banaanbaxyo Ku Aadan Dhalashada Nebiga NNKH Oo Lagu Qabtey Degmooyinka Gobolka Galguduud

Galgaduud (RBC Radio):- Banaan baxyo kala duwan oo siweyn loo soo agaasimey ayaa maanta ka dhacay Degmooyinka kala duwan ee gobolka Galguduud, gaar ahaan degmooyinka ay gacanta ku hayaan Culimada Ehlu-sunah Waljameecah.

Degmooyinka ay kadhaceen Banaanbaxyada waxa kamid ah, Cabudwaaq, Guriceel, Matabaan iyo xarunta gobolka ee Dhuusamareeb, halkaasi oo laga jeediyey khudbooyin ku aadan Taariikhda Rasuulka SCW, waxaana dadweynaha fagaare kala hadley Culimada Ehlusuna Waljameeca.
Banan baxyadaan ayaa ahaa kuwo lagu soo dhaweynayey dhalasha Nebi Muxumed SCW, waxaana Culimadu shegeen in dhowaan xus weyn lagu qaban doono guud ahaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Galguduud inkasta oo ay jiran degmoyin aysan xiligan gacanta ku heyn Culimada Ehlu-sunah Waljameecah.

Banaanbaxani ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee mar qura si wadajir ah loogu qabto Degmooyinka Gobolka Galguduud, Tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen Culimada Ehlu-sunah degmiyinka gobolka Galguduud.

Goobaha ay banaan baxyadani ka dhacayeen ayaa siweyn loo adkeeyay amaankooda si looga hortago wax amaanka halis gelin kara, sidoo kale waxaa irdaha loo laabey goobaha ganacsiga.
Gooba banaanbaxyadu ka dhaceen maanta ayaa si weyn looga dareemay imaatinka dadweyne aad u badan oo kasoo qayb galay, kuwaas oo dhageysanayey khudbooyinka halkaasi laga jeedinayey, waxaana intii ay socdeen banaanbaxyadu amaanka guud ahaan adkeynayey ciidamada Culimada Ehlusuna Waljameeca, iyagoo sameynayey roondooyin gudaha magaalooyinka ay dibad baxyadu ka dhaceen.
Cabdi Jamal Macalin Axmed
RBC Radio, Galguduud.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...