Tuesday 16 February 2010

Muqdisho: Indhacadde oo ka walaacsan Ilaaladiisa iyo Sirdoonka DFKMGS oo ka hadlay qaraxyadii Indhacadde. 16. februar 2010

Muqdisho(AllPuntland)- Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) oo shalay indhihiisa ku arkayay qaraxyo waa weyn oo lala begsaday, isaga iyo Saraakiil la rumeysan yahay in ay marti uyihiin dawladda Soomaaliya, ayaa amray in baaritaan dheer lugu sameeyo Ilaaladiisa qaarkood iyo shaqsiyaad ka tirsan dawladda KMG ah oo goobaha ka ag dhawaa.

Yuusuf Maxamed Siyaad ayaa warar ku dhow dhow ay sheegayaan in uu maalmihii ugu dambeeyey, inta aan qaraxa lala beegsan uu waday qorshe ku aadan sidii ay dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Shirkad American ah iskaga kaashan lahaayeen sugida amniga Madaxda dawladda Soomaaliya, inkasto uu taasi ka biyo diiday Yuusuf Indhacadde.

Saraakiil ka tirsan gudiga dawladda ee loo xilsaaray baaritaanka falkaasi ayaa sheegay, in ay heleen cadeymo muujinaya in Sirdoonka dhaqdhaqaaqa Al- Shabaab uu ka awood badan yahay kan dawladda KMG ah, ayna jiri karaan qaraxyo badan iyo weeraro badan oo ay adeegsan karaan Al- Shabaab, iyagoo la beegsanaya Madaxda ugu sareysa dawladda KMG ah.

Sarkaal ka gaabsaday magaciisa, laakiin qeyb wanaagsan kaga jira Laanta Sirdoonka ee dawladda Soomaaliya, ayaa usheegay APL in ay ka heleen Indha-Cadde in uu shaki balaaran ka qabo in ay Ilaaladiisa qaarkood qeyb ka yihiin Sirdoonka Al- Shabaab, waa sida uu hadalka udhigaye.

Gaarigii ay saarnaayeen Ilaalada Yuusuf Indhacadde ayaan shalay waxba gaarin, halka qaraxa lala beegsaday Gaariga Yuusuf Maxamed Siyaad, taasoo ku dhalisay shakiga ah in ay Ilaaladiisa sugeysay amaankiisa, ay qeyb wanaagsan ka ogaayeen falkaasi.

Shaki hada yimid iyo warka dawladda KMG ah in ay Al- Shabaab ka wanaagsan yihiin Sirdoonka dawladda oo ka talisa 2 KM oo ah gudaha Muqdisho, ayaa ku soo begmaysa xili ay AMISOM iyo Madaxda dawladdu walaac ka muujiyeen isticmaalka wadada Maka Al-Mukarama.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...