Tuesday 23 February 2010

Puntland: kooxaha Koonfurta ayaa ka dambeeya qaraxyadada iyo dilalka Puntland ka dhacaya


2/18/2010
pl_logoMaamulka Puntland aya waxa uu ku eedeeyay xoogaga ka dagaalama dalka Soomaaliya in ay mas’uul ka yihiin qaraxyada ka dhaca magaalooyinka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Generaal C/samad Cali Shire oo maanta shir jara’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxa uu ka hadlay falalka amaan darida ah ee maalmihii la soo dhaafay ka jiray deegaanada Puntland gaar ahaan dilalkii qorsheysnaa ee ka dhacay qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu soo hadal qaaday dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Puntland isagoo ku eedeeyay in falalkaasi ay ka dambeeyeen dhinacyada ka dagaalama dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in dowladda Puntland ay go’aansatay waqtigan kadib in ay isku taxalujiso sidii ay ugu hortagi laheyd falalka ay geysanayaan shaqsiyaadka uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan falalka amaan darida ah ee ka jiray deegaanada Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada Puntland in ay ka shaqeeyaan amaanka islamarkaana Ciidanka amaanka ay kala shaqeeyaan sugida amaanka guud loogana baahanyahay in ay soo sheegaan cid walba oo isku dayda in ay sameyso falal amaan daro ah.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo dowladda Puntland ay ku eedeyso dhinacyada ka dagaalama magaalada Muqdisho in ay ka dambeeyaan falalka amaan darida ah ee ka jira deegaanada Puntland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...