Wararka nagasoo gaaraya Jigjiga ayaa xaqiijinaya in maanta Dacwad ku aadan Xildhibaanada Somalida ah ay ka furantay Maxkamada Federaalka Dowlada Somalida magaalada Jigjiga waxaana su’aalo la weydiinayaa Xildhibaanada.
Xildhibaan Gaagaale iyo Taliye Axmed Cismaan Inji ayaa la xaqiijiyay in ay kasoo hor muuqdeen maxkamadda gobalka Somalida lamana oga dacwada lagusoo oogay Xildhibaanada iyo saraakiisha dowladda waxaase loo badanayaa in lagu hayso sharci la’aanta ay Itoobiya galeen.
Maxamed Xasan C/laahi Amiin oo katirsan Mudanayaasha Baarlamanka oo maanta Muqdisho ka hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyay in saaka Maxkamad lasoo taagay Xildhibaanada iyo Sarkaalka ku xiran magaalada Jigjiga.Dowlada Deegaanka Somalida ayaa la sheegayaa in ay fulinayso awaamir kaga timid Dowlada Federaalka Itoobiya oo ku aadan in la maxkamadeeyo Xildhibaanadan iyo saraakiisha Dowlada katirsan oo la sheegay in qaab sharci dara ah ay ku galeen Itoobiya.
Warar Madax banaan oo ay heshay RBC Radio ayaa xaqiijinaya in Xildhibaanadan ay dacwad ka gudbiyeen Ururka Ahlusuna oo ku Eedeeyay in auy Burburiyeen is kaashigii ka dhexeeyay Ahlusuna iyo Maleeshiyo reer Hiiraan ah oo bishii lasoo dhaafay dhinac ka qabsaday magaalada B/weyne.
Maxkamadaynta xildhibaanada iyo saraakiisha ciidanka dowlada ayaa dhabar jab ku ah dowlada KMG Somalia maadaama ay Mudanayaashan metelaan dowlad madax banaan, Kenya ayaa horay u xirtay Xildhibaaano iyo saraakiil dowladeed waloow iyadoo aan maxkamad lamarin lasii daayay.
No comments:
Post a Comment