Friday 26 February 2010

Al Shabaab oo Dhulka dhigtay Qabuuro ku yiilay Tuulada 20 Jirow duleedka Baydhabo

Baydhabo (RBC Radio):-Maamulka Al Shabaab gobalada Bay iyo Bakool ayaa maanta bilaabay Howlo ay ku Burburinayaan Qabuuro in mudda ah ku aasnaa deegaano hoos yimaad degmada Baydhabo Gobalka Baay.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa xaqiijinaya in Howlgallo ay ka qayb galeen boqolaal Askari ay maanta ka dheceen Tuulada 20 Jiroow oo la sheegay in ay ku aasnaayeen dad ay Ixtiraamaan dadka ku dhaqan gobalada Bay iyo Bakool.
Markii uu Howlgalku soo dhamaaday ayuu saxaafadda magaalada Baydhabo kula hadlay Sheekh Xasan Saydeelow Gudoomiyaha tuulada 20-Jirow ayaa sheegay in ay dhulka dhigeen 7 qabri oo ay ku aasnaayeen dad wadaado ah ka hor muddo 50 sana ah.
Sheekh Saydeelow wuxuu sheegay in Qabuuraha ay cagta mariyeen ay ahaayeen kuwa y dad waxma garata ah ay caabudayeen sida uu hadalka u dhigay “Ciidanka Wilaayada ayaa 20 Jirow ku burburiyay 7 qabri oo ay dad waxma garata ah sanam ka dhigteen sidaas ayaanan ku burburinay qabuuraha”ayuu yiri Sheekh Xasan Seydoolow oo Shabaab katirsan.
Xoogaga Islaamiyiinta ayaa sanadkii lasoo dhaafay Koonfurta Somalia ka Burburiyay Qabuuro ay ku aasnaayeen wadaado Muddo Nus qarni ah ku aasnaa dhulka waxaana arrinkaasi ka Biya diiday Culimada Dariiqada suufida oo qaarkood ka dagaalamay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...