Dagaal mudodo kooba socday ayaa maanta Ciidan kawada tirsan dowlada KMG Somalia ku dhaxmaray Isgoyska Zope ilaa iyo guriga Villa Baydhabo oo ay deganyihiin saraakiil katirsan ciidanka dowlada KMG Somalia.

eegay in dagaalku uu yimid kadib markii Ciidan dowlada katirsan ay baarasho kula dhaqaaqeen Arday iyo Macalimiin kasoo baxaysay jaamacadda Muqdisho waxaana durba sheeda sare ka arkay ciidan kale oo dowlada katirsan waxaana sidaasi ku bilaawday rasaas culus oo lays dhaafsaday.
Inta la ogyahay 8 qof oo rayid ah oo ay kamid ahaayeen Arday ayaa ku dhaawacmay rasaasta culus ee ka dhacday wadada, dadka dhaawacmay waxaa kamid ahaa macalin wax ka dhigayay Jaamacadda Muqdisho qaybteeda caafimaadka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidanka dagaalamay aysan wax lacago ah ka qaadan Ardaydii Macalimiintii ay dhaca la damacsanaayeen, dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay bad baada ay Ciidanka Dowlada ee Akhlaaqda leh u sameeyeen Ardayda iyo macalimiinta la dhici rabay balse waxaa difaacida hantida ardayda ka dhashay khasaare dhaawacyo ah.
Ciidanka dowlada KMG ah ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo ku dhexmareen qeybaha ay kaga sugan yihiin magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxayna arrimahani imaanayaan xilli dowladu samaysay maxkamadda ciidanka qalabka sida.
Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Radio Muqdisho Somalia
No comments:
Post a Comment