Wednesday 24 February 2010

Boosaaso:Booliska Boosaaso oo Gacanta kusoo dhigay Qarax wado ladhigay. 24. februar 2010


Boosaaso(Allpuntland)-Ciidamada Amniga Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ee Gobolka Bari ayaa gacanta kusoo dhigay Qarax lagu diyaariyey Wado weyn oo ku taala Magaalada Boosaaso,oo aanan la garanayn Cida lala damacsanaa.

Saraakiil ka tirsan Dawlada Punland ayaa Warbaahinta u sheegey in Miino aad u weyn oo ah mida gacanta laga hago la dhigay wado ku taala magaalada Boosaaso,waxayna Mas'uuliyiintaasi sheegeen in Dad Shacab ahi ay Ciidamada Amaanka u sheegeen Miinada wadada lagu aasay isla markaasna ay Ciidanku gacanta kuso dhigeen.

Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska ee Puntland C/lle Sare,Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegey in qaraxaasi uu ahaa mid la doonayey in shacabka lagu dhibaateeyo balse ay dadka Magaalada Boosaaso soo sheegeen qaraxaas wada lagu aasay,wuxuuna u mahad celiyey dadkii ka qeyb qaatay Soo sheegista Qaraxan oo uu sheegey inay yihiin dad amaan Mudan.

"Ciidamada Amaanku waxay gacanta kusoo dhigeen Qarax la rabay in dad Muwaadiniin ah lagu khaarajiyo,waxaana soo sheegey dad Soomaaiyeed,waanuna u mahad celinaynaa dadkii soo sheegey miinadan oo ah Muwaadiniin dadkooda shaqo wanaagsan u qabtay"Ayuu yiri Taliye xigeenka Booliska ee Puntland.

Ciidamada Amniga ee Deegaanada Puntland ayaa Todobaadyadii lasoo dhaafay waxay wadeen Hawlgalo ay Amniga guud ee Puntland wax ugu qabanayaan,waxayna talaabadaasi kusoo beegmaysaa xili todobaadkan gudihiisa ay Ciidanka Aminga ee Gobolka Mudug soo qabteen Qarax lagu aasay meel aanan waxbadan u jirin Taliska Ciidanka Booliska ee Gobolka Mudug.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...