Thursday 25 February 2010

Beesha Reer Xaaji Saleebaan Sh/Hoose oo maanta Hub ku wareejisay Kooxda Al Shabaab

Muqdisho (RBC Radio):-Beesha Reer Xaaji Saleebaan qaybteeda gobalka Sh/Hoose ayaa maanta Hub badan ku wareejisay Al Shabaab iyadoona beeshaasi sheegtay in ay ka qayb qaadanayso dagaalada lagula jiro dowlada KMG ah iyo AMISOM.


Kulan balaaran oo maanta ka dhacay degmada Baraawe gobalka Sh/Hoose oo ay kasoo qayb galeen Odayaal dhaqameedyo iyo saraakiil Shabaab ah ayaa lagu sheegay in Beesha Xaaji Saleebaan/Habar Gidir ay hub ku wareejisay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee maamula Koonfurta Somalia.

Munaasabadan Hubka lagu wareejinayay waxaa hadallo ka jeediyay Gudoomiyaha Al Shabaab gobalka Sh/Hoose Sheekh Max’med Abuu Cabdalla wuxuuna mahad celin balaaran u jeediyay Beesha Xaaji Saleebaan/Habar Gidir qaybta degto Sh/Hoose oo uu uga mahad celiyay Hubka ay ugu deeqeen Ururkooda.

Hubka Beesha Saleebaan wareejisay ayaa la sheegay in uu gaarayay 20 qori oo 5 kamida ay ahaayeen PKM iyo booshash badan sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay nabadoonka beesha Saleebaan gobalka Sh/Hoose Max’med Abshir Aadan.

“Beesha Xaaji Saleebaan Hubkeeda waxay ku wareejisay Mujaahidiinta si ay qayb uga qaadato dagaalka lagula jiro cadawga, beelaha kale waxaan ugu baaqayaa in ay hubkooda siiyaan Mujaahidiinta”ayuu yiri Nabadoon Maxamed Abshir Aadan.

Inkastoo Beeshaasi aysan deegaan ahaan kasoo jeedin Sh/Hoose hadane waxay kamid tahay meelaha sida weyn u degay gobalka xiligii ay dhacday dowladii dhexe ee Somalia,waxaana laga yaabaa in dad beesha kamid ah ay kasoo horjeestaan hub wareejinta.

Waa markii ugu horaysay oo ay Beel kamida meelaha Hawiye sheegto in ay Hubkeeda ku wareejisay Kooxda Shabaab, maalmihii lasoo dhaafay ayay beelaha dega Digil iyo Mirifle hubkooda ku wareejinayeen kooxaha islaamiyiinta ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...