AMA

Wuxuu sheegay in dad badan ay u barakeceen degaano ku yaalla xuduuda Ethiopia sida degmada Balambale abaarta darteed. Wuxuuna gudoomiyuhu ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gargaar la soo gaaraan dadka ay abaartu saameysay.
Dhinaca amaanka oo gudoomiyuhu ka warbixiyey ayaa waxaa uu sheegay in hadda amaanku wanaagsan yahay, wuxuuna xusay in dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay degmada ay sababeen khasaare dadka degaanka soo gaartay, hase yeeshee xaaladu ay hadda wanaagsan tahay.
Wuxuu intaa ku daray baaq uu u diray dhinacyada ku dagaalamaya dalka gaar ahaan dadka ku dhashay gobolka Galgaduud si loo badbaadiyo dadka rayidka.
Wuxuu sheegay in dagaalku uu sababo oo kaliya dhimasho, dhaawac iyo barakac oo uusan lahayn faa’iido kale.
Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb Maxamuud Nuur Cantoobo wuxuu ka sheekeeyey taariikhda magaalada isagoo xusay in magaaladu ay xarun u ahaan jirtay ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed ka hor burburkii dowlada dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.
Cabdi Jamaal Macalin Axmed
RBC Radio

No comments:
Post a Comment