Tobanaan katirsan gaadiidka Xamuulka ay ee Badeecadaha kasoo qaada Dekadda Muqdisho ayaa maanta ku dhaqaaqay shaqa joojin ay uga cabanayeen Musuq Maasuqa ay mas’uuliyiinta Dekadda Muqdisho ku dhaqaaqeen.

ku bixiyaan Tookooyinka gaadiidka looga raro gudaha Dekadda Muqdisho, Guddiga Gaadiidka Dekadda Dowlada KMG ah waxaa lagy eedeeyay in ay si sharci darra ah Gaadiid gaar ah u siiyaan rar badan xilli ay Feyl ku jiraan Boqolaal gaadiid ah oo doonaya in ay Rar ka qaadaan Dekadda Muqdisho.
Cabdi Cali Faarax oo ka mid ah Darawalada gaadiidka ka shaqeeya Dekadda Muqdisho iyo suuqyada waaweyn ayaa sheegay in Musuq Maasuqa ka jira gudaha dekada uu yahay mid aan loo dul qaadan karin.
“Guddiga Gaadiidka dekadda waxay si Musuq maasuq qabyaaladeed shaqo sharci darra ah u siiyaan baabuur aan faylka sharciga ah gelin,dowlada KMG Somalia waxaan ugu baaqaynaa in ay isku shaandhayn ku samayso maamulka dekadda hadii kale Gaadiid badan ayaa shaqada ka tegi doona”ayuu yiri Cali Cabdi Faarax.
Musuq Maasuqa ka taagan Dekadda Muqdisho ayaa la sheegay in ay Mas’uul ka yihiin Maareeyaha Dekadda Cabdi Jiinoq iyo Gudoomiyaha Guddiaga gaadiidka Daabulka Cad Cadeed Shuuriye oo qaab Nin Jeclaysi ay ku bixiya shaqooyinka dekadda.
Dowladda KMG Somalia ayaan weli wax isbedel ah ku samayn maamulka Dekadda Muqdisho, Maareeyahay Dekadda Muqdisho waxaa muddo 4-sana ah haya Cabdi Jiinow taas oo keentay in Musuq Maasuq ragaadiyo Dekadda.
Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Radio Muqdisho Somalia
No comments:
Post a Comment